Mar baan Mudanta Ciida ah Cadowga iga Mahoogigayoo Murugadeeda Ooyaa.

Baydkan gaaban waxaan ka soo ergistay Hees Wadani ah oo uu leeyahay fanaanka Xasan Aadan Samatar. Waxaase igu adkaatay in aan helo Abwaankii curinteeda asalka u lahaa. Hase ahaatee, Taariikhda Heesta iyo xigmada guunka ah ee ay xanbaarsan tahay labaduba waxay dabool lingax madoon u yihiin Shacabka ku jujuuban Shirka ka socda Magaalada Jigjiga

Huga ugu hanaanka quruxda badan ee Aadame kulabisto waa Xishoodka. Nebi Muxamed NNKH isaga uu tibaaxaya wanaaga Xishoodku leeyahay wuxuu yidhi “Idaa Lam Tastaxyi Fasnac Maa Shi’ta.” ‘Haddii aadan xishoonayn Samee waxaad Doonto.’ Adeegeyaasha Gumaystaha waxaan horay ugu niqiinay dhago nugayl u diyaarsane aan damiir lahayn. Hase ahaatee, kalkan sifooyinkii Adeegeyaasha waxaa ku soo arooray “Xishood ka Arradan.

“Sida Maxamadow mugul kaliil maangad lagu Ooday – Oo mayay Gu’ya oo hooray iyo maax biyo leh wayday  – Oo waa mawaashiye saqdhexe maa ka tidhi beesha, – Madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu.” C/llaahi Suldaan Timacade naxariistii jano Rabi haka waraabiyo.

Akhriste maqaalkan waxaa igu dhaliyay in aan qoro kadib markii aan dheehday muuqaal laga soo duubay dad Shacab ah oo la isugu keenay Magaalada Jigjiga. Dareen kulul ayaa i saaqay haddiiba aan wax kamid ah Muuqaalkaas indhaha la haleelay waxaana horay u boobay Qalinka si aan isaga dhimo cadhada ila soo daristay.

Waxaa isu kay dabooli waayay Baroorta iyo dayaca ka muuqda dadka. Markay Geeri ku timaado, waxaa Dhaqan u ah Xabashida in la soo kireeyo qof xirfadiisu tahay in uu ka baroorto hadba Gurigii Geeri timaado. Kasokow in aan dareenkaas horay u qabay, waxaa dhinca kale durbadiiba igu soo deg degtay xigmad Soomaaliyeed oo ahayd “Baroortu Orgigaga ka weyn.” Mar uu kala qaybiyo ama  Qoys walaala ah utun xinjiro fajaas faafreeb ah dhex-dhigo amase uu maleego dabar go’a walaalaha daris wadaaga ah ha joogtee, beer dabac iyo lexejeclo uu u hayo Gumasytuhu Shacbiga Ogaadeeniya miyeysan u dhigmin lexejeclada Bisad u hayso Kaluun deexsi ku yimid xeebta badda!. Ramaa Rasuul se malaga arkay abidkii?

Gabayaa Soomaaliyeed oo aanan aqoon Magaciisa iyo in uu noolyahay ayaa waxaa kamid ahaa Gabaygiisa;

–          Lacagtaan Maqdarad geynayee, Magac ku Doonaayo

–          Alla magane maan Hooyaday, Maro u soo siiyo.

Dabiici iyo Dad samee haddii lagu sheego abtirka ama faracyada masiibo u kala aflaaqayso, sida khubaradu tibaaxdo masiibada Dabiiciga waxaa barro dheer tan Dad samee facmaalkeedu yahay. Sida laga dheehan karo maatada Shirka Jigjiga saami uga dhigay Bahdilaad, Baroorta, Is-ceebayn iyo Illin iska doon-doonka, dacdarada dhafoorka maatadan ka muuqta waxay ku abtirsataa masiibada dad samee lagu tilmaamo.

Haddiiba oohinta maatada qabatin ku noqdeen wuxuu mudanku ahaa in Maroyo ilqabatin leh loo soo hagoogo sidii Dhaqanka Xabshida ku banaanayd. Sadarka saxar la’aanta  isu-togayse wuxuu haatan noqday in Baroorta dhabta ah tahay “Mar baan mudanta Ciida ah Cadow iga Mahoogiyo Murugadeed la Ooyaa.”

Waa xigmad Rabbaani ah in uusan Aadame is quluub booqan karin. Waxaan ogsoonahay inay ka dahsoon tahay jeelkaaga waxa qalbigaaga dhex mulacyaynayaa si kasta oo aad isugu dhawdihiin. Ficilkaaga ayaa wuxuuse yahay midka muujiya jacayl iyo nacayb qaan-gaadh ah midka uurka kaagu la ceegaago. Haddii marka in uu suurtagal noqon kari lahayd uurboqasho, waxaa meel ool ah in uugaanka Baroorta Shirka Jigjiga ka soo yeedhaysa ku wajahanaan lahayd culayska iyo cuqdada gaamurtay ee Shacabka Ogaadeeniya u qabo Gumaysiga baday siday u yaalaan haatan.

Taariikhdu waa Weel Qufulan:

Taariikhdu Waa weel Qufulan oon waxluminayn. Qarnigii tagay Frantz Fanon oo u dhashay jasiirada Martinique ee Bariga Badda Caribbean Sea wuxuu magac feedho weyn ku lahaa la faltanka Gumaystaha Reer Europe. Frantz Fanon waxay taariikhdu ka soo guurisay xigmad aan marnaba duug ka noqon meel kasta oo Gumasyte ka jiro. Buugiisa caanka ee “Black skin, White Masks” Fanon wuxuu si xeel dheer ugu darsay Gumaysiga aafooyinka uu dhaxalsiiyo la Gumaystaha. Weedhan hoos ku xusan waxay kamid tahay kalmadaha si gaar ah ugu suntamay qalbigayga. Sidaan u maloweynahay na ereyadani waxay saxar tirayaan hadafka shirka Jigjiga xanbaarsan yahay.

“I am talking about millions of men whom they have knowingly instilled with fear and a complex of inferiority, whom they have infused with despair and trained to tremble, to kneel and behave like flunkeys”

Wuxuu yidhi; “Waxaan ka hadlayaa malaayiinta dadka ah ee ay si la yaqaan loogu beeray Cabsida iyo Cuqdad-nafsiga, Dadka ay gaadhsiiyeen heerka rajo-dhigista kuna tababareen in ay gariiraan ama jarceeyaan, jilibkana dhigtaan una dhaqmaan sidii Kabo-qaad oo kale.” Haddaba, Wakiilka Gumaystaha, Cabdi Iley, hortiisa ilmada lagu daadinayo maaha oo kaliya inay sabab u tahay Ciil-gaamurka Wadaniga dulman ku habsaday balse waxaa midaas kaabe u ah Wadaniga oo Gumaystuhu barayo sida uu dubaakhiisu jecel yahay in la Gumaystuhu u dhaqmo sida Gariir, Jarcayn iyo Kabo-qaadnimo.

Milicsi kale, wuxuu inoo sheegayaa in Qalbiga Baroortaha iyo Ujeedka Gumaystuhu is maan dhaafsan yihiin “Maan Baray iyo Maan Bilaal”. Gumaystuhu hadafkiisa wuxuu ka dhex arkaa Baroorta iyo ilmada ka qubanaysa la Gumaystaha halka Shacabka jujuuban u tahay fariin dhiilo xanbaarsan oo ay u soo gudbinayaa inta ku sugan Teendhada banaankeeda.

Dabayaaqadii xornimadii koobnayd ee 1977 halyay Soomaaliyeed oo aana magaciisa aqoon ayaa wuxuu curiyay Hees Wadani ah oo Xasan Aadan codkeeda leeyahay. Heestaas oo loogu magacdaray ‘Maalmaha Qalooca’ bayd kamid ah ayaa wuxuu ahaa:

Maalmaha Qaloocaa haddii ay kaa Marooraan, waa Muraayad waayuhu caashaqu ka muuqdee, mar baan sida Ma yeedhaan mudo aamusaayo Isha mirig ka siiyaa, mar waxaan idhaahdaa siday tahay mar curad Geel ilmihii mowdku kala tagay, maqaasarka ciidaa yaa maali jirayee, Mar baan mowjadaha dheer maaxaa dhexdoodo muuqayga la arkaa laakiinse aan maqanahay. Intaas oo marxaladood anigoo ka soomaray, Ma huraan dhulkeeniyo Manaxaanka cashaaqa ayaan maanta ka horow mahigaanku igu dhicin.”

Teendho weyn oo Cabsi iyo hujuum ku camiran ayaa waxay hoy u tahay indhawaalahan Dhalaan, Dhalinyaro, Duqay iyo Haween lagu sheegay in ay ‘Asay’ ku hagoogan yihiin. Oohinta Dhalaanka, goroska nin karmoodka iyo miyir daboolka Duqaydu waxay ahaayeen dareenka guud ee camiray Teendhada lagu xayndaabay dad laga soo ururiyay Tuullooyinka, Degmooyinka iyo Gobolada Ogaadeeniya. Jadwalkii waxbarsho ee Ardayda Jigjiga Health Science College, goobta Shirka, duruustii maalinlaha u ahaaan jirtay waxaa badalay Oohinta iyo ilmada ka qubanysa Haween iyo Dhalaan lagu qalabeeyay fikir Gumaysi. Dhinaca kale, sida Masraxa Heesaha oo kale waxaa meel joog sare leh fadhiya Cabdi Iley, gacanyaraha Gumaysiga, iyo Abraham Wolde, Wakiilka Ciidanka Gumaysiga. Kasokow in ay alifeyaal ka yihiin labadan danbiile, waxay u riyaaqsan yihiin jabqada iyo dareenka guud ee madasha hadheeyay. Dabciga aasaasiga ah ee lagu yaqaan Gumaystaha in kasta oo ay tahay in uu baro qaabka uu jecel yahay in la Gumaystuhu u dhaqmo hadana waxay calaamadani u muuqataa bahdilaadii ugu guracnayd ee indhawaale marag lagaga noqdo Gayiga Ogaadeeniya. Goobtan ku camiran ilmada bari magayda maxaa lagu tilmaami karaa oo aan ahayn Maalmahaas Qaloocan ee Abwaanku sifadooda sheegay!

La soco Q2aad  maqaalkan xiisaha leh.

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay