Maqaal aad u xiisab badan ayuu qoraaga Bashiir Yusuf ku cabiray wixii ka dhacay Jigjiga maalmihii inaga tagay taasoo dad badan oo daawaday ay u cadaatay hadda inuu ka fashilmay gumaysiga ujeedadii u ka lahaa, ka dib markuu u badalay Cabdi iley inuu ku jaa’ifeeyo shacabka dulman ee heeryada gumaysiga ey dulsaaran tahay.

Qoraaga maqaalka isagoo tilmaan ka bixinaya waxyabihii uga muuqday indhaha dadka lagu soo ururiyay  tendho halkaa looga dhisay ayaa wuxuu yidhi;

Teendho weyn oo Cabsi iyo hujuum ku camiran waxay hoy u tahay indhawaalahan Dhalaan, Dhalinyaro, Duqay iyo Haween lagu sheegay in ay ‘Asay’ ku hagoogan yihiin. Oohinta Dhalaanka, goroska nin karmoodka iyo miyir daboolka Duqaydu waxay ahaayeen dareenka guud ee camiray Teendhada lagu xayndaabay dad laga soo ururiyay Tuullooyinka, Degmooyinka iyo Gobolada Ogaadeeniya. Jadwalkii waxbarsho ee Ardayda Jigjiga Health Science College, goobta Shirka, duruustii maalinlaha u ahaaan jirtay waxaa badalay Oohinta iyo ilmada ka qubanysa Haween iyo Dhalaan lagu qalabeeyay fikir Gumaysi. Dhinaca kale, sida Masraxa Heesaha oo kale waxaa meel joog sare leh fadhiya Cabdi Iley, gacanyaraha Gumaysiga, iyo Abraham Wolde, Wakiilka Ciidanka Gumaysiga. Kasokow in ay alifeyaal ka yihiin labadan danbiile, waxay u riyaaqsan yihiin jabqada iyo dareenka guud ee madasha hadheeyay. Dabciga aasaasiga ah ee lagu yaqaan Gumaystaha in kasta oo ay tahay in uu baro qaabka uu jecel yahay in la Gumaystuhu u dhaqmo hadana waxay calaamadani u muuqataa bahdilaadii ugu guracnayd ee indhawaale marag lagaga noqdo Gayiga Ogaadeeniya. Goobtan ku camiran ilmada bari magayda maxaa lagu tilmaami karaa oo aan ahayn Maalmahaas Qaloocan ee Abwaanku sifadooda sheegay!

Maqaalkan xiisaha leh Q1aad ka Akhriso halkan

 

Waxaa kaloo ku jira maqaalada warbixin aad u qiimi badan oo qoraaga xafiiska baadhitaank ONA (ONA Investigative Office) uu ka diyaariyay khilaafaadka la qarin la’yahay ee ka dhexeeya isbahaysiga EPRDF ee Itobiya xukuma iyo xubna ka mid ah TPLF oo u arka in lagu sameeyay inqilaab siyaasadaysan oo xukunkii lagala wareegay oo banaanka la dhigay. Maqaalkan ayaa ka hadlaya inay jiraan qaar doonaya inay asaydii Meles Zanawi u isticmaalaan ujeedooyin siyasadeed oy wakhti ku iibsadaan.

Halkan ka akhri

ONA,

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay