Waxaa lakala diray odayaashii iyo dadkii la’isugu keenay jilidda riwaayadii ka socotay Jigjiga. Waxyaaba badan oo dhaqanka iyo diintaba ka soo horjeeda ayaa dadkii meesha la’isugu keenay lagu qasbay inay ku dhawaaqaan.  Akhri ..  Waxaa loo gudbay Q2aad ee qorshaha uu dajiyay Abraha Wolde, waana midda ay ka digayaan xubna la shaqeeya Cabdi iley hasa ahaatee aan raali ka ahayn dhibaatada uu ku hayo dadka shacabka ah. Qorshahan ayaa wuxuu ku qotamaa dilal qorshaysan oo lagu fulin doono qaar ka mid ah odayaashii shirka fadhiyay.

Warqadda gudaha ka timid ayaa sidan u qornayd;

Warar hoose oo aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu cabdi ilay qorsheeynayo inuu kurka ka guro qaar kamid ah dadkii shirka kasoo qeybgalay gaar ahaan odayaasha degmooyinka ka yimid gaar ahaan kuwii shirka kahadlay ee ONLF dhaliilaha u soo jeediyey ama wax ka sheegay marka ay degmooyinkii ku noqdaan.Kadib arintan ayuu cabdi ilay karabaa ama ujeedadiisu tahay in markuu laayo kadib dusha kasaaro ONLF in aay leeysay iyagoo ka duulaya shirkii ay kahadleen awgeed. Arintan ayaa hada kahor ka  dhacaday degmada Gunagado oo liyuu policeku ku dileen odayaal badan oo reer gunagado ah kadibna uu cabdi ilay dusha ka saaray ONLF. arintan ayaa waxaa si gooni ah loogu xilsaaray  Mukhtaar Maxamed Suubane oo isagu xukuma koox liyuu policeka kamid ah oon timaha laga jarin (laga xiirin) ama raameeya timaha si aay dadku ONLF u moodaan marka aay arkeen. hadaba waxaan dhamaan ugu digeeynaa dadkii shirka ka qeyb galay in aay shirqool kaas iska ilaaliyaan oo aay digtoonadaan. warkan ayaan kahelnay masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka dawlad degaanka soomaalida iyo xubno liyuu policeka kamid ah.  deg deg.this is an alarming and urgent information. (Dhamaad).

F.G. Waaxaan ku baraarujinaynaa dhamaan dadk akhrisanaya dhambaalkan inay uga digaan oy wargaliyaan odayaasha ay garanayaan ee gudaha jooga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay