Qur’aanka Kariimka ah Rabi wuxuu inoogu sheegay Qiso lamagac baxday “Asxaabul Ukhduud.” Aadamigu markuu kibro waxaa caado u noqota in uu ku raaxaysto ‘Ciqaabta dhigiisa’. Qisada Asxaabul Ukhduud Rabi SWT wuxuu inoogu sheegay qaabkii loo ciqaabay dadkii rumeeyay. Sugitaanka jiritaanka Eebbe iyo iimaankii toolmoon ee degay quluubta Asxaabul Ukhduud wuxuu keenay in ‘Ciqaab-wadareed’ lamariyo Asxaabul Ukhduud. Gabood falayaashii waxay dubaakhooda ka heleen inay Goob joog u noqdaan qaabka Jidhka Aadamuhu u gubto ama u kudh-kudhleeyo kadib marka dhamac Geed-miici ah lagu kilkiliyo. Haddii Reer Asxaabul Ukhduud dhamac lagu kilkilinayo goob joog ay u ahaayeen kuwii gaystay gabood falkaas arxan-darada ku dhisnaa, Cabdi Iley iyo Abraham Wolde miyaysan ilmada iyo bulhaanta xanuunka badan ee ka soo yeedhaysa Jigjiga ee ay goob joogeyaalka u yihiin saawaynin Asxaabul Ukhduud!!!.

Cabdi Iley iyo Abraham Wolde waxay dubaakhooda ka heleen in ay raaxo ka baadi goobaan qaabka ay jecel yihiin in ay Shacabka Ogaadeeniya u jarceeyo markuu goob kula kulmo Gumaysiga iyo wakiiladiisa. Sidii Masrax ciyaareed oo barbaar badan camirtay haddiiba Iley iyo Wolde ugu raaxaysanayaa daawashada Caruurta iyo Ciroolaha macluumaadsan, maxay dooriyaan hadayna barro dheerayn kuwii soomaleegay fikirka lagu Ciqaabay Asxaabul ukhduud.

Hadafka Shirka:

Inkasta oo uusan muhmal saarayn damaca Gumaystuhu ka leeyahay shirkan, siiqada uu ku socdo ayaa waxay burisay hadafkii wax khaldida ku dhisnaa ee asalka u ahaa. Nin Abwaan ahaan jiray ayaa waxaa dhaxal uga hadhay xigmadan ku haboon in lagu sifeeyo waxa madasha Shirka ka socda.

Danbaaburiyo gaaraabidhaan, fiid is daba yaacay, Danbas iyo wax nool kay yihiin, daa’imaan garane Dab iyo qiiqna waan kala aqaan, saa duqbaan ahaye.” 

Si kasta oo uu tuur iyo golxo isagu yeelo Gumayste waa Gumayste inaba wax dhalan doorsoon ah kuma yimaado. Sidaas si lamid ah hadafka Gumaystaha iyo xeeladaha hadba uu isku dayo si dantiisa u sii tamariso wax is-dhalan rog ah kuma yimaado waana kuwo si dhibyar caqliga fayow u fahmi karo dulucda uu ka leeyahay.

Xabsi Hawo u Furan:

Xabsi weyn oo hawda u furan haddiiba lagu sifayeey Gaza  oo Saxaafada Caalamigu la dhextaagan tahay  kamaradahooda, waxaa iswaydiin leh Jigjiga iyo dhaman Ogaadeeeniya tilmaanta ay gaarka u yeelan karto!!!. Aqal madow, maya Aqal waa gudo yar yahay hadaba Jeel tigtigan misna Halaqyo galeen ah, maya nuxurku intaas ka gudo weyn. Naftaydu garan wayday waxay ku misaasho gayigeena markaan barbar dhigayGazada ku tilmaaman in ay tahay Jeel weyn oo hawada u furan.  Gazawaxay ugu tilmaanatay sidan kadib markii laga go’doomiyay Dunida inteeda kale sida Badda, Barriga iyo Hawada oo ka awdan  Dunida inteeda kale.  Shuruudaha  Gaza loogu xulay “Xabsi Hawada u furan” miyaysan kuu muuqan in Ogaadeeniya ka sii mudan tahay!!!. Iga danbeeye aan u daayo in uu u magacbixiyo.

Xayndaabka weyn ee uu Ogaadeeniya ku xeeran Gumaystuhu waxay marka marag u tahay sida Shirka Jigjiga ugu sifoobayo Miyir-daboolanka muquunsan ee Duqayda jujuuban hadheeyay illaa markii la isugu keenay madashan. Abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise (Singub) isaga oo Afrika guubaabinaya wakhtigii Gobanimodoonka Wadamada Qaarada badankeedu ahaa wuxuu yidhi;

“Madaxdii Afrikaay,  Mabda’a gumeysigu Magacood be’ wuxuu yahay, Wanka macasha ii qabo Adigu gawrac ii mari,   Dhiiggana aan muudsado.”

Haddaba, gundhaca maqaalku waxay tahay “Kala garo Sir iyo Caad Wadanigaa sugnaadow, Soortaadoo nin kale Cuno silic weeye noloshuye, Sahankaa Gumaysigu Sanbada aan goynee Seefaha inoo Gura, sidan saaka joogtaa silic weeye noloshuye saaxiibkaa rumaadow suurtuna ha yeedhee, sabo lagu nagaadiyo seexashaba ma joogtee Seefaha inoo Gura”!!!.

Ugu danbayntii, qofna qalin kuma sookoobi karo ujeedkiisa. Hase ahaatee, Shirka Jigjiga kasocda waxaa hubaal ah in uu yahay mid ku dhisan xeelad Gumaysi oo ku salaysan “aan quuto idinkoo daaduun ah” bahdilaad iyo karaamo la’aan ku noolow abidkaa.

Gabayga ‘Murugo’ wuxuu kamid yahay Gabayadii uu tiriyay Abwaan C/llaahi Suldaan Timacade. Murugo in Abwaanku Gabaygiisan ku magacaabo waxaa u sabab ahaa sidaan isleeyahay dareen kulul oo la soo darsay. Si gaar ah hadaba waxaa xiisa u samaynaysa gunaadka gabayga oo odhanysa Yaan hadalka Muurmuurinene waxaan ku maydhaamay macnaha iyo Ujeeda ninkii maaxiyaa garane.” Sidoo kale, Shirka Jigjiga ninkii Maaxiyaa garan!!!.

W/Q: Bashiir Yuusuf

Qaybtii 1aad.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay