TABA BARKII HORAY UGU SOCDAY OGADEN COMMUNITY OF VICTORIA EE DALKA AUSTRALIA OO MAANTA HALKII SII KA SII SOCDAY IYO WASIIR KA SOCDA DOWLADA HOOSE EE VICTORIA AUSTRALIA(Liberal PARTY) OO KA SOQEYBGALAY
25/11/2012 Waxaa  dib u bilowday qeybtii sadexaad ee Tababarka u socday jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee victoria halkaas oo dhamaan jaaliyada qaybaheeda kala duwan ay ka soo qayb galeen sida Ururka Haweenka, Ururka dhalinyarada OYSU Melbourne , iyo Odayaasha.
Tababarka manta ayaa iskugu jiray qodabada Hogaaminta Waxaana kasoo qeyb galay marti sharaf ka socotay dowlada hoose ee Victoria Australia (liberal party),
Inta aanu tababarku bilaamin waxa uu Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Ogadenia Mudane Hikam ku soo dhaweeyay Andrew Elsberry oo ah wasiir ka socda dawlada hoose ee Victoria (liberal party) . kaas oo hadalkii sii ku bilaabay in uuga waramo Communitiga sida uu ku soo galay siyaa sada iyo taariikh nonoleedkii sii marxaladihii uu la kulmay , intaa ka dib waxa uu guda galay hadalkiisii sida qodo dheerna uga waramay xidhiidhka ka dhexeeya jaaliyada ogadenia iyo dawlada Australia ,  wasiirka ayaa sheegay inuu xidhiidh adag u dhaxeeyo ururka Liberalka iyo Jaaliyada Ogaden Community gaar ahaan waxa uu sheegay in xidhiidhka isaga iyo Jaaliyada u dhaxeeya uu sii adkeyn doono halkaasna uu kasii socon doono. Wasiirku waxa kaloo oo uu balan qaaday in uu garab taagan yahay ogaden community  kana caawin doono wax kasta oo karaan kiisa ah, Su,aalo badan ayaa la waydiiyay wasiirka kuwas oo taabanaya dhinacyo badan oo ay bulshadu u baahan tahay kuwaas oo si lagu qancay uu kaga jawaabay .
Munasabadan Waxaa  lagubixiyay Hadyad la gudoonsiiyay  gabar ka mid ah ururka Hawenka Ogadenia ee Victoria. Gabadhan oo wareysi ay la yeesheen qeyb kamid ah Qaramada Midobay ee (United Nationka) ayaa abaal gud looga dhigay Hadyad qaali ah oo lagu dhiiri galinayo firfircoonidadeeda. Waxaa barnaamijkaas wareyiga kaqeyb galay oo turjumaan ka ahaa Hoggaanka Arrimaha Dibada OYSU melbourn mudane cabdullaahi bashiir. Wareysigaas ayaa waxa uu ku aadana warbixin ay gabadhu ka bixinaysay xadgudubyada loo geysto haweenka Ogadeniya iyada oo laftirkeeda ay soo gaadheen jidh dil iiyo dhibaatoyin kale oo kasoo gaadhay gumeysiga Ethiopia. jaaliyada Ogadeniya eeVictotiya iyo Ururka OYSU Melbourn ayaa ku howlan Barnaamijyada noocan ooo kale ah ee Xidhiidhka lagula sameynayo Haayadaha UN-ta sii loogu gudbiyo tacadiyada shacabka Ogadeniya lasoo gaadhsiiyo
kadib sidii caadiga ahayd waxaa bilaamay tababarkii oo ay bixinayso Marta oo ah gabadh ka socota dawlada tababarkan waxaa luqada Afka Somaliga ku turjumayay Cabdi raxmaan Raabi.
Tababarkan oo si guul ah ku soo dhamaaday waxaa Qeybtiisa 4aad dib u bilaaban doonta 02 December 2012.
Sawiradi Xaflada Hoos ka fiiri
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay