Geneva: Waxaa barito si rasmi ah la filayaa inuu uga furmo caasimadda Swizerland ee Geneva, shirkii xuquuqul Insaanka ee qaramadda midoobay, oo sanadkan xiiso gooniya leh madaama oo xaaladda daran ee ka jirta Ogadenia, tahay qodobadda ugu waaweyn ee horyaala golaha  labada maamlmood ee fooda inagu soo haysa.

Kulanka barito dhici doono ayaa la dhawrayaa inay soo xaadiraan dhamaan wadamadda ka tirsan qaramada midoobay oo gaadhaya 193 dal, wakiiladda hay’adaha qaramadda midoobay, ururadda xuquuqul insaanka dunida iyo dhamaan ururada bulshadda.

Sidoo kale, shirka  waxaa ka qeyb galaya wufuuf dhawr ah oo ka kale socda ururadda bulshadda Ogadenia, islamarkaasna ka kale iman doono wadamo dhawr ah oo katirsan qaaradda Yurub..

Kulankan oo socon doono muddo laba maalmood ah ayaa la dhawrayaa in banaanka la soo dhigi doono xad-gudubyadda ay taliska TPLF/EPRD ka geysanayaan dalka Ogadenia. 

Sidoo kale, meel ka dhacyadda wakiillada Itoobiya ka geystaan gobolka Ogadenia ayaa ahaan doonta soo bandhigistooda kuwo leh xiiso gooni ah, madaama ay tahay markii koobaad ee shir caalami ah lagu soo qaado dambiyada ay ka galaan shacabka Ogadenia. Kiiskan ayaa hordhac u noqon doona dhawaan in lala tiigsado maxkamado caalami ah ragga gumeysiga Itoobiya wakiilka uga ah xasuuqa Ogadenia..

Waxaana akhristayaasha sharafte leh loo sheegayaa inaysan ka fogaanin bogggan maalmaha soo socda, oo wariyayaasha u jooga shirka ONA ay isku dayi doonaan inay toos idiin ku soo tabiyaan xaalada shirka si aan kala go’ lahayn.

ONA/ Geneve.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay