Geneve: Waxaa Xarunta 2aad ee Qaramada Midoobay ee Geneve, goor dhaweyd si rasmi ah uga furmay shirweynihii hay’adda qaramadda midoobay uga qaabilsan xuquuqul Insaanka oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan wadama adduunka.

Xoghayeha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Kim Moon ayaa si rasmi ah u furay shir socon doono laba maalmood oo lagu falan qeyn doono xaalada guud ee Xuquuqda Aadanaha ee Dalalka aduunka, iyo goboladda colaaduhu kajiraan sida; Daarfuur, Syria iyo Ogadenia oo xilgaan ah mid aan haba yaraatee ka jirin wax xuquuqul Insaan ah.

Qaramada Midoobay ayaa dhowr goor oo hore ku tilmaamatay arimaha ka jira Ogadenia, mid meel xun maraya, iyada oo aysan ka jirin Xuquuqdii aasasiga u aheyd biniaadanka, islamarkaasna ka socdaan xasuuq aan kala sooc lahayn oo lagu hayo shacabka aan waxba galabsan.

Khabiirka Madaxa Banaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha xuquuqda Aadanaha iyo xuquuqda dadyowga laga tiro badan yahay Mr. Eidi oo dhowaan booqday qaar ka mid ah dalalka Africa ee colaaduhu ragaadiyeen ayaa si aad ah uga deyriyey xaaladda iminka ay ku sugan yihiin wadamadaasu, waxaana uu sheegay in ay yihiin kuwa isu bedeli kara masiibo Bin’aadanimo ah.
“La iima ogolaanin inaan booqdo goboladda halista ah ee ay ka jiraan ku tumashadda ba’an ee xuquuqda aadmiga.. waana mid u baahan wax ka qabasho ficil ah” ayuu yiri Mr. Eidi oo carabaabay wadamo Itoobiya, Sudan iyo Congo kamid yihiin in loo diiday ama aad loo xadiday dhaqdhaqaaqiisa iyo ka war qabka dadka la cadaadisku haysto.

Sidoo kale Xarunta QM ee magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa lagu qabanaya kulan bar bar socda midka kulanka guud oo isna ku aadan sida xuquuqda dadyowga laga tiro badan looga taageeri lahaa dhinaca difaacitaanka xuquuqda Aadanaha. ( United Nation forum on Minority Issues), iyo sidii ay u yeelan lahaayeen xuquuq, sinaan iyo muwaadin nimo la mid ah kuwa isku sheega mar walba inay tiro badan yihiin..

Goor dhaw ayaa la filayaa in ay hadal ku saabsan xaaladda bini’admino ee ka jira dhulka Ogadenia soo jeediyaan xubnaha matalaya ururadda bulshadda Ogadenia oo shirka aad uga dhex muuqda…

NB: Waxaana akhristayaasha sharafte leh loo sheegayaa inaysan ka fogaanin bogggan maalmaha soo socda, oo wariyayaasha u jooga shirka ONA ay isku dayi doonaan inay toos idiin ku soo tabiyaan xaalada shirka si aan kala go’ lahayn.
Mohamed Ilyas
ONA/Geneve.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay