Geneve: Waxaa maalintii labaad galay shirkii hay’adda xuquuqul u qaabilsan insaanka Q/Midoobay iyo dhawrista dadyowga la duudsiyo xaqooda oo muddo laba maalmood ah ka socda magaalada Geneve. Shirka oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan wadamada aduunka iyo ururo caalami ah ayaa looga hadlayaa xaaladda bini’aadmino ee ka jirta wadamadaas.

Qodobada ugu waa weynaa ee  sida dheer kulanku  uga dooday, talooyinna laga soo jeediyey iyo talaabada ku haboon ee laga qaadi karo wadamada geysanaya xadgudubyada ka dhanka ah bini’adnimada,  waxaa ka mid ahaa xasuuqa ka socda Syria, Sudan iyo  Ogadenia oo uu goluhu cadeeyey sida  qarnigan aysan suuro-gal u ahayn inuu waaro talis siyaasadiisu tahay cadaadinta iyo cabudhinta shacabka.

Shirka waxaa khudbado qiimo leh oo taabanaya xaaladda ay ku sugan yihiin shacabka Ogadenia shalay iyo maantaba  kasoo jeediyey, xarunta qaramadda midoobay madaxa ururka UNPO, Gudoomiye ku-xigeenka ururka dhawrista xuquuqda dadyowga  laga tiro da badan badan yahay, Madaxa daba-galka xadgudubyadda iyo xasuuqyadda wadamadu geystaan iyo xubno dhawr ah oo matalayey ururada bulshadda Ogadenia.

Khudbadaha kulanka laga soo jeediyey ayaa ku dhaleeceeyey taliska Itoobiya inay kor dhiyeen cadaadiska iyo caga jugleynta ay u geysanayaan dad raadinaya xuquuq dooda sharciga ah, iyada oo aysan jirin wax ay u  cuskan karaan inay dhibaateeyaan  ama  ku xadgudbaan xuquuqda aasaasiga ah ee shacabka Ogadenia.

 

Mudane Ahmed Ali oo matalayey mid kamid ah ururadda bulshadda Ogadenia ee ka qeyb galay shirka Q/Midoobay, ayaa kulanka maanta ka akhriyey war bixinadii ugu dambeeyey ee ku saabsan gabood-fallada taliska Itoobiya, ka geystaan dhulka Ogadenia. Waxa uuna aad uga hadlay meel ka dhacyada iyo xadgudubyada aan loo meel dayin ee ay geysanayaan askarta Itoobiya.

Waxa uuna ugu baaqay Mudane Ahmed,  golaha Q/Midoobay ee xuquuqul Insaanka iyo Golaha dhawrista dadyowga lagada tiro da badan yahay  inay tallaabo cad ka qaadaan Itoobiya xasuuqa ay ka geysanayso dhulka Ogadenia, islamarkaasna u furaan hay’adaha iyo wariyeyaasha caalamka inay ka soo waramaa xadgudubyadda ay geysanayaan maleeshiyaadka Itoobiya.

Shirka oo soo gaba-gabeysmaya galabta, ayaa la filayaa inay kasoo baxaan bayaan culus oo lagu camaareynayo taliska Itoobiya, gaar ahaan xasuuqa uu ka wado Ogadenia, tallaabadan oo noqon doonto dhir-baaxooyinkii ugu dambeeyey ee ay taliska Itoobiya kala kulman golayaasha caalamka oo garwaaqsaday xaqnimadda qadiyadda Ogadenia iyo baahida loo qabo in dadkaasu helaan xuquuqdooda caalamiga ah.

Sidoo kale, waxaan u sheegaynaa akhristayaasha yada sharafta leh inaan idiin soo bandhigi doono war- murtiyeedka goluhu soo saaro iyo khudbadihii ay jeedsheen qaar kamid ah xubnihii ka qeyb-galay kulankaas.

 

Mohamed Ilyas.

ONA/Geneve.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay