Fariima badan ayaa gudaha laga soo diray, gaar ahaan intuu socday shirkii bahdilaada shacabka iyo odayaashii xurmada mudnaa. Fariimahaa oo qaarkood kayd u ahaan doona halganka ayaan ka helaynay xubna ka agdhaw ka warqabka xafiiska Cabdi iley. Warbixintan aan la wadaagayno akhristayaasha ujeedada aan ka leenahay waxay tahay in dadweynaha looga digo qorshaha uu maagan yahay gumaysiga oo hadafkiisa ugu dambeeya uu yahay in bulshada S.Ogadenya laga dhex qarxiyo dagaalo qabiil oon dhamaad lahayn si loo wiiqo halganka shacabka ee gobanimadoonka ah. Qorshahan oon hubno inuusan waxba ka hirgali doonin, sababtoo ah wacyiga dadweynaha S.Ogadenya oo aad uga sareeya siday u dhigeen qorshahan.  Warqadda gudaha laga soo diray waxay u qornayd sida;

Fuley xantii ma mooga :

Cabdi ilay oo aaminsanaa in aan waligii kursigan laga qaadikarin ama aan lahaweeysan karin maadaama uu kursigan ku helay dhiig iyo godob aan cid umari kartaa jirin oo aaminsanaa inta nafi kujirto ethiopiana joogto inaan kursigiisa qofna soo haweysan karin oo ogsoonaa in noloshiisu ku tiirsantahay kursigan ayaa hada aaminay in uuna sii joogi karin wixii hada ka danbeeya, laakiin wuxuu leeyahay cida caalamka iga dacweeyneysaa waa ONLF cida aan kursigan kahaayn kari la’ahayna waa (reerkaan ka dhashay) cida marka aan kursigan katago naftaayda ugu cabsanayaana waa iyagaa, sidaa darteed cabdi ilay wuxuu ku balan qaaday in uu (reerkan) isugu diro ama isugu laayo qabiil qabiil, jilib jilib iyo shaqsi shaqsi wuxuuna u arkaa in liyuu policeka oo maalinba 20 ama 30 sodon meel ku dila in aan lagu dhameeyn karin hadaba qorshahan cusub ee cabdi ilay qaabkuu rabo in uu u fullo ama u meel mariyo ayaa ah sidan;

1- in shirar kan jigjiga ee heer kilil ahaa ee dadka leeysku dirayey oo kale ah lagu qabto degmooyinka iyo qabaleeyada

2- in ninkasta oo ku dhintay dagaal uu ONLF kula jiro laga dhigo in aan ONLF  wax layidhaahda dilin ee qabiil hoose oo ogaadeen ah salka loo saaro kadibna la shilimaado dadka isku dhafta ah (laba jilib) lana siiyo mashaariicda degmooyinka islamarkaasna ay dadkaas fidno wadayaasha ihi noqdaan dadka maamulka degmadu uu ka danbeeyo hadalkooda iyo codsigooda noqdaana dadka dawlada maamula

3- in degmooyin kale duwan lagu dilo dadkii dhawaan shirka kaqeeybgalay marka aay dib u noqdaan gaar ahaan odayaashii shirka kahadlay ee ONLF wax kasheegayey kadibna loo isticmaalo laba qodob.1 in aay ONLF oo arintaas kaxanaaqday dishay in laga dhigo taas  oo mucquul ula noqon karta dadka badhki.2  in layidhaahdo hebel hebel oo ONLF ah ayaa dilay ninkiinii ee ka aarkoosta kadibna qabiilkii kale xanaaqo oo nin kale iyana dilaan kadibna sidaas ogaadeen jilib jilib isugu dhinto ama isu laayo.

4- in kooxda aan timaha laga jarin ama laga xiirin ee uu hogaamiyo sheekh mukhtaar aay habeenba ama maalinba reer galaan iyagoo ONLF iska dhigaya kadibna waa  xaga reerka u orod badane layidhaahdo reerkii reer hebel waxaa gashay ama leeysay ONLF oo uu wato nin reer hebel ihi ee meesha kakaca reer hebelow. Dhamaad.

 

F.G. Qodobadan waxay muujinayaan fashilka haysta gumaysiga iyo cadawtinimada ka muqqata adeegayaashiisa. Waxaan hadaba ku baraarujinaynaa dadweynaha inay la socdaan qorshahan uu Gumaysiga doonayo inuu dhaqan galiyo, kana feejignaadaan canaasirta loo soo adeegsan doono hirgalinta qorshahan.

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay