Somalida siyaasiyiin-tooda waa horjoogeyaal qabiil. Hadalkaa waxaa yidhi nin aqoonyahan ah oo cilimiga siyaasadda (political science) baac ku leh. Waxaadna moodaa in caalamka ay hadda ka dhaadhacayso odhaahdaa.

Umadda Somaliyeed dhibaatada ugu weyn ee ku habsatay burburkii Qaranimadooda ka dib waa iyagoon helin ilaa maantana raadinaya – Shaqsi noqon kara Siyaasi Waddani ah ama Geesi Umadeed (national Hero)-. Markastoo mid ay ka filayeen inuu himilooyinkooda buuxin doono ay soo doorteena waxay kala kulmeen niyad jab.

Somaliya waxaa ka dhacay dagaal sokeeye oo laga soo huriyay Itobiya. Hadafkii Itobiya ee Mingistu uu ku burburiyay Somaliya waxba iskama badalin. Waxba isma doorshaan taageeradii uu siinayay Mingistu dagaal oogayaashii (1979-1991) iyo taageeradii Meles Zanawi kolba koox (magac loogu yeedhaba) uu siinayay (1991-2011) iyo taageerada uu sheegay R/wasaaraha Itobiya Hailemariam Desalegne inuu siinayo xukuumadda uu madaxda ka yahay madaxweyne Xassan M. Culusow. Arinta inay sidaa tahay Indheer-garadka Somaliyeed wuu ogsoon yahay, hasa ahaatee siyaasi ah horjooge qabiil ayaanay u muuqanin.  Qofkii Somali ah ee u arka inay Itobiya wax ka dhisi doonto Qaranimadii Somaliya ee maalkooda iyo dhiigooda ay ku burburiyeen, waa qof aan siyaasi ahayn ama garaadkiisa siyaasi uu liito.

Itobiya ma ogola mana aqoonsana inuu jiro qaran Somaliyeed oo xor ah. Fikirkaasi waa mabda’a ay ka midaysan yihiin siyaasiyiinta Itobiya, waxaana la socda oo ku raacsan qaar ka mid ah siyaasiyiinta reer galbeedka. Siyaasiyiin badan oo reer galbeed ah ayaa aaminsan inay tahay cadaalad darro waxay ku tilmaameen 80 Milyan oo Itobiyaan ah in aanay xeeb lahayn 10 Milyan oo Somali ahna leeyihin xeebta ugu dheer Afrika.

Aqoonyahan badan oo Somaliyeed ayaa cadaawadda Itobiya ogsoon, hasa ahaatee waxay Itobiya ku guulaysatay inay ku yeelato gudaha Somaliya dada badan oo siyaaba kala duwan uga shaqeeya ilaalinta danaha ay ka leedahay Somaliya. Shabakadda SomaliTalk markay ka waramayeen booqashadii uu ku tagay Itobiya M/Weynaha Somaliya iyo go’aanadii ka soo baxay Wadahadalkooda waxaa ka mid ah warbixntaa;

Siyaasadda Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya waa mid cad, taas oo ah in aan dawlad xor ah oo ayaga la xisaabtami karta ka hirgelin Muqdisho iyo Soomaaliya aysan yeelan dawlad adduunka ka dhaadhicin karta arrimaha dhabta ah ee ka dambeeya siyaasadda dhabta ah ee Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya, waxaana muhiim ah in madaxweynaha ay Muqdisho yeelatay 21 sano kaddib uu taas ku baraarugsanaado.

Akhri: Siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan Soomaaliya

Somalida inta ay ka helayaan siyaasi wadani ah oo garanaya danaha umadda Somaliyeed, oo ka madaxbanaan dan qabiil, way adagtahay inay ka xoroobaan faragalinta iyo yeedhiska Itobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay