Wararka naga soo gaadhaya gudaha wadanka Ogadenia gaara ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya in Naftoodhurayaasha CWXO ee u taagan Xoraynta Ogadenia jab culus u gaysteen ciidamada qawlaysatada ah ee Gumaysiga Ethiopia kaga sugan Wadanka Ogadenia.

Dagaalo is daba Jooga oo isugu jira weeraro Qorshaysan,Mir-habeenimo iyo Dhabogal ayay  maalmihii u dambeeyay Ciidamada JWXO ku Asqeeyeen maxaysatada woyanaha ee jooga Ogaadeeniya, waxayna Dagaalada wararkoodu na soogaadheen udhaceen:

23/11/2012 Deegaanka Lagu magacaabo Dhallu oo katirsan magaalada Fiiq dagaal halkaasi ka dhacay waxaa Askarta daalan ee Gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 4Askari waxaana lagaga dhaawacay 2kale

25/11/2012 Aloosanane oo Fiiq u dhow  dagaal halkaasi ka dhacay waxaa lagu dilay 1Askari oo kuwa gumaysiga modow ah waxaana lagu dhaacay 3kale

28/11/2012 Garowo oo udhow magaalada Dhagaxbuur  dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 1Askari waxaana lagaga dhaawacay 2kale

27/11/2012 Cutub katirsan ciidamada wadaniga xoraynta Ogaadeniya ayaa weerar mir ah ku qaaday Saddex Xero oo ay askarta wayaanuhu ka daganaayeen magaalada Dhagaxbuur  ee xarutna Gobolka Jarar,weerarkaan mirta ah ayaa waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay in kabadan 8Askari waxaana lagaga dhaawacay 10kale.

Intii uu socday howlaganka mirta ayaa waxay NH/CWXO kasii daayeen xeradaasi maxaabiisa aad ufarabadan oo ay Askarta wayaanuhu ku dhibaataynayeen halkaasi

Intaasi waxaa dheeraa wacyigalin ay kawadeen magaalada qaybkamid ah ciidanka wadaniga xoraynta ogaadeeniya oo bulshada habaynkaasi u qabtay kulamo lagu wacyi galinayao

25/11/2012 Deegaanka lagu magacaabo Geelnuujis oo udhow  magaalada Garbo dagaal culus oo halkaasi kadhacay ayaa waxaa ciidamda mooraalka jabsan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay  11Askari waxaana lagaga dhaawac ay 14kale

29/11/2012 Deegaaka Xabuley oo udhow magaalada Dhuxun dagaal kadhacay halkaasi waxaa Askarta Gumaysiga lagaga dilay 3Askari waxaana lagaga dhaawacay 2kale

29/11/2012 Dooxada Harabahalo  oo udhow Duxun waxaa ciidamada doolka ah ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 3Askari waxaana lagaga dhaawacay 5kale

Waxaa kale oo iyagun jira dagaalo ka kala dhacay 21,28 iyo 30/11/2012 Deegaanada  kala ah Labiga oo Dhagaxbuur udhow,Guracan oo Awaare katirsan iyo Hora-haween oo Xamaro katirsan ku waasi oo dhaamaantoo jab culus lugsoo gaadhsiiyey Askarta mooraalka jabsan ee Gumaysiga Ethiopia.

Gooasho

Maleeshiyada loo yaqaan hawaarinta ayaa tan iyo markii ay cafiska ufidisay JWXO waxaa isa soo taraysay Goosashada iyo baxsiga maleeshiyadaasi,iyaga oo isku dhiibaya ciidamda Qalabka sida ee ONLF,waxaana  25/11/2012 kagoostay deegaanada kala ah Lahelo oo katirsan Wadheer iyo Ceelxaar oo Qabridahar katiran Afar kamid ah maleeshiyada hawaarinta kuwaasi oo isku dhiibay NH/CWXO.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. Mohamed Jama says:

    Ya Allah Give the strengeth ONLF to defend their mother land

    Amiin Amiin Amiin

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay