Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya –

War-Murtiyeed 05/12/2012

Kulan ay ka soo qaybgaleen Xubnaha Golaha Dhexe ee ku sugan gudaha Ogadenya, Madaxda Gobolada, Talisyada Qaybaha, Madaxda Waaxaha kala duwan, iyo qaar ka mid ah Hawl-wadeenada Jabhadda ayaa lagu qabtay Gobolka Shabeele 28 – 11 ilaa 30-11-2012.

Waxaa madaxda ka soo qaybgalay shirka ay si fiican uga doodeen qodobadii la soo hordhigay shirka oo ku saabsanaa xaaladda guud ee halganka gudaha ka socda, shirqoolada cadawga kuwii ugu dambeeyay iyo siyaabihii loo fashilin lahaa, is-badalada ka socda guud ahaan Itobiya gaar ahaan dalkeena Ogadenya, dhibaatooyinka shacabka uu ku hayo gumaysiga iyo maxaysatada u shaqeeya sidii wax looga qaban lahaa. Iyo arima kale oo muhiim u ah horumarka halganka ayaa lagaga dooday shirka ka dib markii laga dhagaystay warbixinadii ay soo gudbiyeen madaxda qaybaha iyo waaxaha iyo talisyada.

Shirka oo si fiican loo soo agaasimay, isla marahaantaana jawi wanaagsan ku soo beegmay ayaa guul iyo is-afgarad ku dhaamaday. Waxaana lagu gudoonsaday Qodobo muhiim ah oo kor u qaadi doona geedi socodka halganka.

Ugu dambayntii waxay xubnihii shirka ka soo qaybgalay ay ugu baaqeen dadweynaha S.Ogadenya inay u midoobaan halganka Gobanimadoon oo aanay marnaba u dabcin dhibaatada ay ku hayaan dadka shacabka ah ciidamada gumaysiga iyo maxaysatada u adeegta gumaysiga, taasoo ah waajibaadka uu Ilaahay faray dadka ku jiraa Jihaad xaq ah. Waxaana hubaal inuu Ilaahay ugu dambaynta guusha siin doono Shacabkeena dulman ee xaqooda rabaaniga ah u halgamaya.

فلا تهنوا وتدعوا إلى السلم وأنتم الأعلون والله معكم ولن يتركم أمالكم  –  صدق الله العظيم

Waxay Xubnihii shirka fadhiyay aad uga xunyihiin dhibaatada iyo sharaf dh  aca loo gaystay guud ahaan umadda Somaliyeed ee Ogadenya gaar ahaan odayashii qasabka lagu soo ururiyay ee la’isugu keenay dhawaanta magaalada Jigjiga, waxayna ballan ku qaadeen inay daba-dhilifyadii bahdilka shacabka ka dambeeyay ay sharciga la tiigsan doonaan gortay noqotaba.

Midnimo – Mintid – Isku-Tashi – Allaahu Akbar.

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya. 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay