Waxaa La ogaysiinhaya dhaammaan xubnaha Jaliyadda S.Ogadenia ee ku sugan waddanka Koonfur Afrika gaar ahaan xarunta JOKA ee Port Elizbeth iyo nawaaxigeeda in uu jiro shir aad u heer sareeya oo ka dhici doona Goobolka P E Magalada Uitenhage.

Shirka waxaa marti inoogu ah Hoggaanka Abaabulka iyo Arrimaha Bulashada (HAAB) ee JWXO Mudane Maxamed Cabdi Yaasiin (diirane). Shirka waxaa diirada lagu saari doonaa qodobo muhiim ah.

Waxaa xusid mudan in xubnuhu ay ku qaadan doonaan siminaar sare loogu qaadayo tayadooda iyo hababka loola falgalo cadawga.

Waxaan meesha ka maqnayn suugaan halgameedii oo diyaar idiin yahay abwaanka caanka ah Khadar Colaad oo curiyay gabayo iyo maansooyin cusub.

FG: Shirka waxaa iman doona xubnaha JOKA. Shirku wuxuu kadhacayaa Central Uitenhage Mouthhall oo ku yaala Shoprite ka gadaashiisa. 

Taariikhda waa: 07/12/2012  Maalinta Jimca ah

Waqtiga: 10:00 am Subaxnimo

Kasoo qaybgal wanaagsan

ONA.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay