Shir ay kasoo qayb galeen dhamaan bulshada nawaaxiga Riyadh ayaa lagaga hadlay arima badan oo horumarinta halganka iyo xaalada jaaliyadda ku saabsan. Waxaa shirka furay gudoomiyaha jaaliyadda mudane Guuleed Wali jaanyar isagoo kusoo  dhaweeyay Shiekh C/xamiim shiekh Maxamuud oo ka akhriyay aayada Qoraanka kariimka iyo wacdi diiniya oo ku saabsan jihaadka iyo fadligiisa, wuxuuna sheegay in jihaadka ka socda Ogadenia ay ku tahay fardul cayn qofkasta oo ka mid ah Somalida gumaysigaa ku hoos jirta. Wacdigaa kadib waxaa laguda galay ajintihii shirka oo ku saabsanaa horumarinta halganka iyo sidii loo garab istaagi lahaa naftood-hurayaasha CWXO.

Mudane Bashiir Muxumed  Cali oo ka mdi ahaa xubnihii ka hadlay shirka ayaa  aad  ugu  booriyay jaaliyadda in la adkeeyo midnimada iyo wax qabadka hawsha halganka   loogu jiro xoreynta dalka loona samro wax kasta oo lagu gaadhayo aayo ka-talinta  shacabka S.Ogadenia. Waxaa kale oo ka hadlay mudane Xasan C/laahi oo ka warbixiyay dhalinyarada maanta waxa la gudboon inay tahay inaan waxba lagala hadhin halganka oo loo horo naf iyo maalba oo lays  garab taago naftood hurayaasha     Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia, hal kaas oo dhamaan dadkii fadhiyay iyaga oo  wajiyadooda ay ka muuqato shucuur  wadaniyadeed ay hoosta ka xariiqeen inay laban  laabaan hawsha halganka, layslana qaatay in la adkeeyo midnimada iyo wadjirka   lagana hortago wax kastoo uu ka faa’idaysan karo cadawgu.

Shirka ayaa ku dhamaaday is afgarad iyo guul.

ONA/Riyadh

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay