DHAGEYSO RADIO XORIYO WAREYSI HOGGAANKA HAAB – 

 Xayi Yare iyo Cabdiqani (Dr, Qiso) -South Africa:

Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay  7/12/2012 waxaa shir balaadhan isugu yimid dhamaan xubnaha xarunta JOKA ee magaalada port elizeberth oo la kulmay Hoggaanka HAAB .

shirku wuxuu furmay  1:00 pm duhurnimo waxaana sidii caada ahayd Jaaliyada kulamadeeda lagu furay wacdi diini ah oo uusoo  jeediyay Sheekh Shaafi Cabdi oo ah kuxigeenka madaxa dacwada iyo diinta ee JOKA ,

Jawiga shirka ayaa isu badalay sacab iyo sawaxan iyo takbiir kadib markii uu albaabka kasoo galay  halgamaaga caanka ah ee aadka looga jecelyahay guud ahaan daafaha caalamka mudane ( Diirane ) isaga oo dhoola cadayn haya ayuu salaan sharaf ka qaaday dadwaynaha aragiisa ku ildoogsan hayay , halmar ayaana loo istaagay heesta calanka qaranka somalida ogadenia .

shirka waxaa daadihin hayay gudoonka JOKA halgame bashiir muxumed ,  wuxuuna si diiran microphone ka ugusoo dhaweeyay  hogaanka abaabulka ee JWXO.

Mas uulku wuxuu soo jeediyay warbixin aad uqotto dheer oo dhinacyo badan taaban’haysa isaga oo kabilaabay sharaxaad uu kabixiyay naftiisa isaga oo soo koobay waxbarashadiisa iyo dadaalka halgan ee uu kusoo jiray lagasoo billaabo sandkii 1976 dii,

wuxuu sidoo kale tibaaxay habkii uu kubilawday wadahadalkii dhexmaray JWXO iyo xukuumada Addis Ababa , caddeeyayna sida cadawgu meesha ugu fashilmay iyo guusha jabhadda soo raacday ,

hogaanku wuxuu sharaxaad kabixiyay  dagaalka ethiopia lagulajiro nooca uu yahay waxaana hadaladiisa kamid ahaa ( ma waxaad umalayn haysaan in ay hawl yaraan idinku soo gaadhayso guusha aadd  Higsan haysaan?  , ogaada dhibka aad kujirtaan iyaguna waykujiraan keena ku kabadan waxa aynu ilaahay ka rajayn haynanana kama rajayn hayaan ) sheekh maxamed cabdi yaasiin diirane ayaa soo daliishaday aayado qur aanka kariim ka ah kamid ah ,

waxaa sidookale hadaladiisa kamid ahaa ( kuwa kaleexday dariiqada alle (Allaah) ugudambayntii hogaanku wuxuu sheegay in qaddiyadda ogadenia ay ka baxday faraha ethiopia una gudubtay heer caalami laakiin inaga la inooga baahan yahay in aynu la nimaadno awood iyo caddaymo ,

waxaa xusuus gooni ah mudan gabay qiiro badan oo uusoo jeediyay abwaan Khadar colaad oo siwayn dadka usoo  jiitay ,

Dhankakale xoghayaha OYSU Eastern cape ahna hogganka arinmaha bulshada iyo abaabulka OYSU South Africa ayaa lagusoo dhaweeyay mashraxa kadibna waxa uu magacaabay gudiga fulinta ee lashaqayn doona .

shirkan ayaa ahaa mid taariikhi ah oo noocisa oo kale yaryahay , dadka ayaa kusoo kala dareeray waji faraxsan iyo jawi xasilooni iyo niyadsami kamuuqato.

Socdaalka HAAB ee JOKA

laga soo billaabo shirarkii is afgaranwaaga kudhamaaday ee u dhexeeyay Jabhada Wadaniga xoreynta Ogadeniya (JWXO) iyo gumaysiga Itoobiya ee horaanti sannadkan kadhacay wadanka Kenya.  Waxay jabhadu gudagashay in ay sii laban laabto hawlihii halgan ee ay kula tacaalaysay cadawga umadda Ogadeniya .

Jabhadu waxay si karti iyo diiranaan kujirto ubilowday  in ay kor uqaado wacyiga umadda waxayna shirar waawayn kuqabatay  dhamaan daafaha caalamka ,

Hadaba hogaanka Arrimaha Bulshada iyo Abaabulka ee jabhadda wadaniga xoraynta ogadenia mudane Sheekh Maxamed Cabdi Yaasiin (diirane) oo kormeer hawleed kumarayay daafaha caalamka ayaa 28/11/2012 ka kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee caasimadda johunnessburge wuxuuna shirar waawayn ku qabtay maalmihii lasoo dhaafay  magaalooyinka Jobeg iyo Pretoria ,

hogaanku waxaa uu la kulmay ugu horrayn xubnaha jaliyada somalida Ogadenia ee koonfur Africa , wuxuu sidookale hoggaanku la kulamay noocyada bulshada sida odayaasha , aqoonyahanka , iyo ururada bulshada ,

Hogaanku isaga oo siiwata hawlihiisii ayu 4/12/2012 uduulay gobolka Eastern cape oo xarun u ah jaliyada somalida ogadenia ee Koonfur Africa . ISaga oo socdaalkiisi Maanta ku maray Port Elizebeth 07/12/2012.

 XAFIISKA ONA ee South Africa.

 

 

 
 

2 Comments

  1. shaanbalfaysal maxudclwali says:

    XILLIGII LA KORDHIYAY LYUU POLICEKA

    Dhac-dooyinkii aan indhahayaga ku aragnay xilligii la kor-dhiyay Lyuu Police-ka.
    Waxa Lyuu Police-ka loo qaybiyay si is ku dhaf ah iyada oo 7-da Regimenti oo uu xayl kasta ama horin kasta lagu daray regimenti cusub si ay kuwan cusubi uga helaan khibrad.

    Khibradii ciidankiii hore ku shaqayn jiray,ama qorshihii 7-dan regimenti ee ku caan baxay gu’baadka bulshada Cabdi Ubbona u la baxay qab-jabiyaashii ONLF.

    7-daasi regimenti,shakhsi ahaan anigu waxa aan ka mid noqday regimentiga 9-aad ee Degmeda Dhuxun kana hawl-gali jiray dhammaan tuulooyinka Deg-mada dhuxun iyo buuraha qarri-jiqood.

    Maalin maal maha ka mid ah Tuulada Cayuun waxa laga soo qabtay 4 carruur ah oo da’doodu tahay 12,13,14 oo wallaalo ah kuwaa soo lagu eedeeyey in ay yihiin ONLF.Ka bacdi horjoogayaashii waxa aan u sheegay,aniga oo shaanbal Faysal ah, in ayna carruurtan siyaasad xanbaari karin,Nasiib darro carruurtii waa la marjiyay,waxa Marjiyay Shiihalaqe Nus-dariiq oo ku caan baxay in uu umada gumaado
    DILKII LAYAABKA LAHAA
    waxaa gabadh curyaan ah degmada xamaro lagu eedeeyey inay tahay khasnajiga ONLF sida runtu ahaydna gabadhaasi waxay la a,ayd labada lugood iyadaa ubaahnayad wax u kaalmeeya nasiib daro waxaa luqunta laga galiyey xadhig waxuu cidankaasi ahaa regmentiga kobaad hurinta 2aad amrka waxaa iska lahaa CLKAAFIoo shaalaqe hada ka ah regmentiga 12aad eegarbo degan
    cabdi ilaay cabdi ubbo waxaa uu inbada ku baraa rujiye ciidanaka inuu askariga marjiyey gbadhaasi inuu qabtay shaqo fiican tani waamid aan markhaati ka ahya
    TIRADA KU BUUXI GUMAADKA SHAATIGA LOO XIDHAY EE KU DHACA BULSHADA
    waxaa gumaad naxa riis daro ahi ku dhacaa bulshada reer guuraga ah tusale marka ciidanka Lyuu polisku hawlgal ku jiro oo ay yool ama target onlf tu fadhido cidanka Lyuu poolisku waxay u kaxeeyan cid kasta oo ay arkaan iyagoo diidan in cidaasi ka war bixiso oo digninsiiso ONLFTA meesha ay joogto sidaas awgeed marka ay gaadhaan goobtaasi ee xabadi dhex marto onlfta iyo LYUU POLISKA waxay xabada marsiiyaan shacabkii ay wateen iyagoo tira onlfta ka dhimata ku buuxiya shacka ay laayeen
    tusaale hawlgalkii DAAKHATO ee ay wada sodeen 3da regmenti ee 9,5,17 ee uu hojoogaha ka aahaa shii alaqe TILIQOW EE LAGU DILAY 43 QOF EE SHACAB KA AHAA ee lagu buuxiyey tiradii ka dhimatay onlfta
    hadab dumigu ma yara hala ogaado isla gobta hawlgal ka horeeyey SHII ALAQEDHEGOWAYNE oo watay remntiyada 9412 waxaa uu gotaas ku gumaaday shacab dhan 148 ruux oo shacab ah
    DHACDOOYINKA YAABKA LEH EE LYUU POLISAKA
    lyuu poliska gabadhii somaliyeed ee quru badani waxaa iska leh iyoaga hadii ay diido wxaa lagu edeeyaa inay tahay taageere onlf ka dina way dilaan
    waxaa d arkaysaa nin shacab ah oo xaaskiisu qurux badantahay oo ay ka furanayaan hadii uu diido ninka qaba xaskaasi isaga iyo iyadaba waxay ku eedeeyaan taageero onlf kabacdin way marjiyaan
    JIDH DILKA KU DHACA REER GURAAGA
    maadama ay LYuu poolisku yihiin waxa magarato yihina cidanka lugta cidkasta oo reerguraa ga ka mida ahoo ay arkaan waxay u jidh dilaan si naxriis daro ah iya goo ka baadi goobaya xogta onlfta

    ASKARIYEYNTA KHASABKA AH EE DHALINTA LOO GEYSTO
    dowlad isku sheegtu waxay odayaalkasta oo wabiil u dirtaa dhalinyaro la askariyeeyo marka ay keenaan cunugii diida ee ka carara waxaa raadiya oo soo qabta lyuu booliska ka bacidi intay qori u dhiiban ayey ku khsbaan inuu dilo qof qoyskooda ah oo lagu eedeeyey onlfta ,ka bacdi ilma haasi kama dhex baxayo cidanaka lyuu booliska ama maleesiyaanka inta badan qofka maeleesyaan markuu 2sano ahaado ayaa loo bedelaa lyuupolis in loo tababaro
    xusus qoraalkii hore akhristow sidookale waxaa uu xasuuq ka dhacay ay gaysteen lyuu polisku tulada gudhis laguna dilay 125 qof oo shacab ah xilgaasna waaba la gubay gudhis
    galaalshe sidoo kale xasuuq ayaa ka dhacay tulada daara salaam sidoo kale
    s

  2. Shaanbal Faysal Maxamuud C/wali (Shaanbal Giriig) says:

    sidoo kale xasuuq ayaa ka dhacay Dagmada Qoriile oo ku taala Wardheer.
    Gaar ahaan Danood.

    QOYSASKA LA MOORA DUUGAY

    Lyuu Police-ku waxa ay sameeyaan qorshe ay uga dhacaan,shakhsiga ONLF-ta Noqda iyaga oo shoyskii uu ka dhashay inta ay raadiyaan ayay xoolaha ka dhacaan oo ay Mooraduugaan.

    Xoolahaasna waxa ay la aadaan xeryahooda oo ay ku qashaan.

    Sidoo kale waxa ay ka xaystaan Xaaska shaqsiga ONLF ku jira. Waxa ay kaxaystaan shaqsiga xubin ONLF-ta noqday si uu u soo xaroodo oo uu u yimaado goobta xaaskiisa la geeyay.

    QOYSASKA REER-GUURAAGA AH EE LA’ ROGAY

    Waxa jirta qoysas rogmaday,oo aysan cidi ka warhaynin oo xitaa uusan ka hadhin hal ilmood.
    Qoysaskani waa Reerguuraaga ee dhaqda xoolaha Geela iyo adhiga ee degen baadiyaha fog-fog.

    Ciidanka Lyuu Police-ka ah oo hawl-gal ku jira in uu gabalku ugu dhaco qoys Reer-Guuraa ah agtiisa inta xilliga makhribka ah ayay aalaa is ku soo beegaan.

    Kadib waxay muskii ama oodii qoyskaas in ay ka xidhaan dhufays iyada oo laga yaabo marka xooluhu soo xaroodaan in ay qoyskii yimaadaan kooxONLF ah oo socday.Halkaasna xabadi ka bilaabmato sidaasna qoyskii iyo xoolihii halkaas ku moora-duugmaan.

    Arintan oo arin khatar ah is la markaana ayna cidi ka war hayn.

    Waxa aan u sheegaynaa Ummada u dhalatay Dalka Ogadenia ee Qurbaha Joogta tani in ay dhacday mudo badan oo how iyo laba toona ahayn.

    RIYADA BEENTA AH EE CABDI UBBO IYO TV-GA QUDHUN WADA

    Annagu waxa aan ka tirsanayn Ciidanka Lyuu Policeka.
    Waxa aan lugtayada ku marnay dhammaan deegaanka Ogadenia.

    Waxa aan u sheegaynaa ummadda qurbajoogta ah iyo kuwa dalka dibadiisa jooga ee u dhalatay Deegaanka Ogadenia.In ayna Ogadenia ayn Magaalada Jigjiga oo kaliya balse ay jiraan Gobalo, dagmooyin,iyo tuulooyin bulsho badana ay ku nooshahay hadda ba mar ka laga hadlayo wax qabad goor ma ayuu u qabtay Cabdi Ubbo Umada dhulka aan lugta ku marnay oon ayaa dadku u dhintay oo biyo ma laha tusaale haddaan u soo qaato Dhuxun halkaas oo aan joogay afar sano ma laha ceel.Xoolo dhaqatadu waxa ay maax-sadaan dooxa dhuxun.

    Hooyooyinka ku nool dhuxun gudaheeda,waxa ay u kacaan si ay biyo u helaan 9ka habeenimo.Ka dib marka ay geelaydu ka tagto.Hooyadu waxa laga yaabaa in ay maaxsato 2 jeerigaan oo biyo ah is la markaasna ay Ciidanka Lyuu Police-ku ka qaataan biyahaas ay xalay oo dhan u soo jeeday.

    Bulshooy ogaada xaqiiqadu in ay tahay sidaas,balse TV-Ga Qudhun wada waxa aad ka daawanaysaan ee la idin ka tusayo waa been la dhoob-dhoobay.

    DHIBAATOOYINKA CALLOOL XUMADA LEH EE XASUUQANI KEENAY:

    Callool xumada gumaadkan loo gaysanayo bulshada waxa ay keentay in dhalin yaradii ay waxa dhimato oo la wada laayay.Qaybina ay ba dalkii ka carartay oo ay mareen dalalka badaha leh tiro badan oo ka mid ah dhalinta ay baduhu cunee. Qaybina xabad iyo marjin lagu dilay.

    Habba Su’aal? :

    Waxa is waydiin u baahan ku ma ayaa umadan gumaaday? :

    Qof-ka loo qabsan ee laga la xisaabtami waa KUMA?

    Yaa is ka lahaaa amarka iyo fikirka lagu gumaaday Ummadan?

    Goor ma ayaa la heli doonaa ciddii ka la xisaab tami lahayd?

    Goor m ayaa laga xisaabtami doonaa?

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay