09/12/12-
Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Victoria iyo qeybahaheeda kala duwan sida OYSU Melbourne, ururka haweenka iyo odayaasha ayaa qabsaday  shirkii bilaha ahaa oo dhacay maanta 09/12/2012.

 Sidii caadada u ahayd shirarka jaaliyada waxaa lagu furay aayadaha Qur’aanka Kariimka iyo wacdi diini ah, waxaana soojeediyay Sh Maxamed.

 Waxaa lagu soodhaweeyay gudoomiyaha Jaaliyadda Xikimoo war bixino aad u muhim ah ka soojeediyey, kuna sodhaweeyay shirka  Halgame Xuseen Caaqil oo ka mida ururka OYSU Perth islamarkaasna booqasho kusoogaadhay Magaalada Melbourne.

 Wuxuu Halgame hikim uu dulmaray dhamaan xubnaha shirka kasooqeybgalay heerarka uu marayo halganku. Wuxuu ku baraarujiyey xubnaha in shaqada halganka kor loosiiqaado maadama kala guurkii lamarayo, guushiina u soohoyaneyso Ogadenia. Wuxuu Halgame Xikim aad ugu mahadceliyey dhamaan Jaaliyada Victoria  qeybaheeda kaladuwan  oo run ahaantii si hagarla’aan ah ugu istaagay waxqabadka shacabkooda dulman.

Intaa kadib waxaa lagudagay kala warqaadasho, waxaa warbixintii ugu horaysay soogudbiyay gudiyada Jaaliyada oo ka xogwaramay shaqooyinki ay qabteen bishii u danbeysay. Ayagoo dhamaan u mahadceliyay  jaaliyada iyo shaqada wanagsan ee hayaan.

Gudoomiye kuxigeenka OYSU Melbourne Halgame Mukhtar ayaa warbixin kooban ka bixiyeey ururka OYSU Melbourne iyo shaqada halganka meesha ey u marayso, Halgame  Mukhtar ayaa marka hore u mahadceliyeey dhamaan xubnaha OYSU Melbourne  iyo sida wanagsan ee kaladanbeynta iyo shaqada wanaagsan ku dhisan ee halganka u wadaan.

 Wuxuu Halgame Muktar  ka warbixiyeey in OYSU Melbourne kulamo ay ka qeybqaateen sida shirkii ‘Women Leading Change’ oo ey hay’ada Crisis Hub soo qabanqaabiyeen ayagoo matala Jaaliyada iyo ururk OYSU Melbourne, kaasoo siwaangsana ugu dhamaaday. Waxuu kalo soobandhigay qorshayaasha OYSU horyaala oo kamid tahay barmaamijka  CUN OO CAAWI. Barnaamijkaas oo dhalinta OYSU Melbourne qaban doonaan 12 January 2013, Waxuna ugu baaqay in dhamaan jaaliyada Victoria kasoo qeyb galaan.

Shirkan ay jaaliyadu isugu timid oo bilkasta la isu yimaado laguna qiimeyo howlaha halganka iyo waxqabadka jaaliyada ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan,

 

Guul iyo Gobanimo

Melbourn

ONA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay