Haya’da caalamiga ah ee Action Support Center, ayaa Shalay qabatay shirwene lagaga hadalay xaalada caruurta iyo Hawenka Qarada Africa. Shirkan ayaa waxaa ka  soo qeyb galay ilaaa 10ban Haya’dood oo ka kala imaaday wadamada Africa sida, Uganda, Burundi, Kenya. Zimbabwe, Malawi, iyo Ururo-kale oo dalka South Africa ah.

Waxaa shirka lagu  marti qaaday oo khudubad  dheer ka  soo jeediyey xubno ka soday OYSU South Africa, waxaana warbixinada soo jeediyey xoghayaha OYSU South Africa Halgame Abdinaasir Aways, halaganto Amina Maxamud, halagame Siraje Fariid.

Dhalinyaradan Ayaa soo jeediyey warbixino ay kaga xogwarameen xaalada guud ee  caruurta iyo Hawenka ogadeniya waxayna goobta kusoo bandhigeen Muuqaalo naxdin lehe iyadoo shirka uu markaliya dhinaca kale isu rogay markii la arkay xaalada Ogadeniya waaxana ka biloowday goobta is dhaliilid haya’daha dhaxdooda ah.

Waxaa shirka gudoominaysay Mrs. Hunisa, oo ka socotay Human Rights SA. Hawenaydan  ayaa ka shekaysay safar ay dhawaan ku  tagay Itoobiya oo halkaa kula kulantay  Wasiiro kamid ah waxaamadaxada Itoobiya. Waxaan ka waydiiyey ayey dhahaday xaalada Adaminimo ee ka  jirta wadanka gaar ahaan saxafada, xoriyada hadalka. Waxaan moodi jiray ayey  tidhi in uusan jirin wadan ka  xun  Zimbabwi laakiin Zimbabwi waxa loo heysto waa khalad ayey ku celcelisay, sababtoo ah Itobiya dadaka  ayaa lagu qashaa ayey dhahaday. Waxaa kaloo ka  hadashay  gabdha ka  socotay OAY African Youth. Waxayna ka  hadshay  xaalada Ogadeniya Gongo, DRC. Waxayna  canbareyn dusha uga  tuurtay madaxada Africa kuna tilmaamatay, kuwo daneystayaal  ah oo dhalinyarada Africa halaagay. Waxaa ka  hadlay oo kale haya’da  farabadan oo  ka  socoday Africa, waxaana  lagu  balamay in  wax laga qabato loona fiirsado dhibaatada  ka  socota Ogadeniya.

Shirka labaad ee Hayada Action Suport Center ayaa ka  dhici  doona magalada Adis abab ee xarunta Itoobiya. Ajandaha ugu horeeya  waa xaalada Ogadeniya waxaynuna dhowri doonaa Jawabta ay ka  bixiyaan madaxad Itoobiya iyo Haya’daha Itoobiya ee shirka ka soo qeyb gali doona iyo waxay kagaga jawabaan sawirada naxdinta lehee gabdhaha ogadeniya?

ONA-JOHANNESBURG

OMAR JIGJIGA    SA

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay