Wararka naga soo gaadhaya Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaalo farabadan oo is dabajooga ah ku waasi oo kadhacay wadanka Ogaadeenia

Dagaaladaan farahabadan ayaa waxaa askarta wayaanaha loogu gaystay khasaare xoogan waxaana lagaga dilay askar farabadan

04/12/2012 Deegaanka lagu magacaabo Feedhac ade oo Gunacado udhow  dagaal halkaasi ka dhacay waxaa askarta daalan ee guamaysiga Ethiopia lagaga dilay 4 Askari waxaana lagag dhaawacay 2kale

07/12/2012 Bulaale oo katirsan gobolka Jarar kamiin qorshaysan oo ay halkaasi ka xidheen cutub katirsan NH/CWXO ayaa waxaa soogala askar gumaysi waxaana halkaasi askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 10 Askari waxaana lagaga dhaawacay 15kale

06/12/2012 Weerar Qoshaysan oo ay ku qaadeen NH/CWXO xero ciidan oo uu gumaysigu kulahaa Gosolaley ayaa waxaa lagu dilay in kabadan 17 Askari waxaana lagu dhaawacay 18kale

29/11/2012 Hambabalato oo  dhuxun katirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidamda mooraalka jabasan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 8 Askari waxaana lagaga dhaawacay 10kale

05/12/2012 Deeganka lagu magacaabo Hara-gawaan oo katirsan Dagamada Dhuxun  dagaal ka dhacay waxaa ciidamda gumaysiga lagaga dilay 3 Askri waxaana lagaga dhaawacay 2 kale

08/12/2012 Dagaal aad ucuslaa oo ka dhacay Deegaanka lagu magacaabo Labiga oo katirsan Dagmada Dhagaxbuur  ayaa waxaa lagu dilay 40 Askari oo kuwa gumaysiga modow ah waxaana lagu dhaawacay 50kale Sidoo kale dagaalkaasi ayaa waxaa lagu gubay gaadhi ag kuwa qaada askarta waxaana lasheegayaa in halkaasi uu ku basbeelay gaadhigii iyo askartii saarnaydba

05/12/2012 Digawayne oo dhuxun udhow dagaal ka dhacay waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 3 Askari waxaana lagaga dhaawacay 4kale

08/12/2012 Dafayawga oo katirsan Dagmada Galaashe dagaal ka dhacay waxaa ciidamada gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 4 Askari waxaana lagaga dhaawacay 5kale

20/11/ 2012 Jiija oo iyana Galaalshe udhow dagaal xoogan oo halkaasi ka dhacay waxaa ciidamda gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 8Askari waxaana lagaga dhaawacay 6kale

05/12/2012 Deegaanka Ceel -xaar oo katirsan magaalada Qabridahar dagaal halkaasi ka dhacay waxaa ciidamda daalan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 12 Askari

06/12/2012 Dagaal ka dhacay Dhidinka  oo ka tirsan Magalada wardheer waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay  2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 3kale

07/12/2012 Faarida oo Dhagaxbuur katirsan dagaal kadhacay waxaa lagu dilay 4Askari oo kuwa gumaysiga Ethiopia ah waxaana lagu dhaawcay 1kale

05/12/2012 Deegaanka Towbane oo isna katiran Dhagxbuur dagaal ka dhacay waxa lagu dilay 3Askari waxaana lagu dhaawacay 4kale

04/12/2012 Cabdiyo oo Qamuudo udhwo waxaa lagu dilal 1Askari waxaana lagu dhaawacay 1kale

04/12 /2012 Labiga-geel dhuujis  dagaal ka dhacay waxaa lagu dilay 2Askari waxaana lagu dhaawacay 1 Askari

07/12/2012 Heela-dheere oo Garbo udhow ayaa waxaa ku rogmaday Halgaadhi oo kuwa gumaysiga Ethiopia waxaana halkaasi ku bakhtiday 10Askari waxaana ku dhaawacantay gaadhigaasi rogmaday 12kale

09/12/2012 Deegaanka Gambadh-xodayle oo Qabridahar katirs an dagaal halkaasi ka dhacay waxaa lagu dilay 6Askari waxaana lagu dhaawacay 8kale

 ONA

 
 

1 Comment

  1. caasha says:

    Xaalad deg deg ah- Waxaa la shegayaa in Cabdilaahi itoobiya oo wafti wataa yimid Minneapolis. C/ itoobiya wuxuu ka qaybqaataa dambiyada dagaal ee Ogaadeeniya lagu hayo. Maxaynu qaban karaa? Munneapulis iyo dhamaan magaalooyinka kaleba waftiga waa lagu xidhikaraa. Si deg deg ah ula soo socodsiiya. Qoladan.
    Here is what we can do: As soon as he is observed at any location in the U.S., please contact ICE HSI at 866-DHS-2-ICE or send email to HRV.ICE@ice.dhs.gov
    You can remain anonymous.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay