War dagdag ah oon ka helnay Xarunta CWXO ayaa naloogu sheegay in xalay la qabtay xero tababar oo gumaysiga uu ku lahaa degmada Ceelxaar oo 7KM waqooyi ka xigta magaalada Qabridahare. Xeradana la qabtay xalay ayaa ahayd meesha uu gumaysiga ku soo ururiyo dhalinyarada la soo qafaalo ee loogu talagalay inay u noqdaan dhufays ay iska hormariyaan ciidanka gumaysiga.

Waxay wararka hordhaca ah sheegayaan in gabi ahaanba dhalinyaradii halkaa ku xareysnayd la kala diray, waxaana goobta kaga dhintay gumaysiga inta la hubo 15 ka mid ah tababarayaashii xerada iyadoo 5 kalena ay dhaawac ahaayeen.
In la weeraro xeryaha tababarka waxaa keenay markii uu gumaysiga bilaabay inuu si qasab ah oo qafaal ah ku qabqabtay dhalintii miyiga ee xoola dhaqatada ahayd halkaasoo ay ku baylaheen xoolihii iyo reerihii.

Dagaalada oo dhamaan gobolada dalka ka socda ayaan soo ururin doonaa dhawaan khasaaraha ka soo gaaraya cadawga iyo kuwa uu ku adeeganayo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay