Ururka Dhalinyarada iyo Ardeyda Ogadeniya oo shir muhiim ah kuqabtay wadnka Masar garahaan Caasimada Qaahira
Shir hagardaamoyinka Saxaafada Afka Somaliga ku hadasha looga haldlay:

shirkan waxaa kasoqeyb galey xubnaha ururka OYSU ,odayaal iyo bulshada lamaheeda kaladuwan. shirkan waxaa khudbado ku aadan xaaladahi ugu danbeeyay ee Gudaha Ogadeniya kasoojeediyay Xubno ay kamid yihiin
Maxamuud sh maxabuub
Axmed labaraad
xamdi maxamed iyo xubno kale oo kamida Jaaliyada.
Canbaareyn;Kulankan ayaa waxa lagucanbaareyay shirki daaca qudhunka ahaa ee dhawaantan lagubahdilayay shacabka ogadeniya iyo karaamada Ummada muslimiinta ah ee dhaqankooda iyo diintoodaba waxa kasoo horjeeda lagula dhaqmayWaxaa kaloo lagu canbareeyay saxafada sida xun u’adeeegsata anshaxa saxafada kabaxsen ee wareeysaneeysa dad maxbuus ah amaba laqasbayoo kuwaaso lagasoo saaray xabsiga si loogu adeegsado siyaasado ka dhana xuquuqda aadamaha oo lagu bahdilayo dareenka shacabka iyo xuquuqda maxbuusinta intaba.
Digniin Saxaafada ku hadasha Afka SomaligaWaxaa shirkan looga digay saxaafada ku hadasha Afka Somaliga oo qeyb weyn ka noqotay ka qeyb qaadashada xasuuqa Ogadeniya iyaga oo fuliya qorshayaasha gumeysiga Ethiopia. Waxaa shirkan baaq loo diray saxaafada Somaliga ee ka diwaan gashan Jamuhuriyada Somalia inay ka waan toobaan ka qeyb qaadashada Xasuuqa Ogadeniya iyaga oo xaqiraya beena ka sheegaya warbxinaha haayadaha Xaquuqul insaanka iyo warbaahinta Xorrta ah ee caalamku xaqiiqda ay kasoo saaraan Ogaden. Sidoo kale waxay saxaafada Somaliya laga leeyahay intooda badani ayba qeyb weyn ka noqdeen xasuuqa loo geysanayo shacabkaas Ogadeniya.
Taageero:
Shirkan waxaa lagu taageray halganka xaqa ah ee shacbiga Somalida Ogadeniya ku raadsanayaan aaya ka tashigooda oo ay ku helayaan xoriyadooda.
Shirkan waxaa lagu taageray halganka xaqa ah ee shacbiga Somalida Ogadeniya ku raadsanayaan aaya ka tashigooda oo ay ku helayaan xoriyadooda.
waxaa kaloo dhalin yaradu islaqaadatey in laxoojiyo xairiirka calamiga ah ee Beesha Caalamka iyo hayadaha u qaabilsan xuquuql insaanka iyo danbibaadhista yo dhamanba waxa ay khusyso arimahan.Kulankan ayaa ugu danbeynti laga qabtay gudi baadha danbiyada saxaafada afka somaliga ku hadasha ay ka geystaan dhulka Ogadeniya iyo sidii loola tiigsan lahaa sharciga caalamka.
Masar
ONA
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.