Wararka naga soogaadhaya Xarunt Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaal culus oo shalay(18 DEC 2012) ka dhacay Deegaanka lagu magacaabo Golo-bero oo katirsan Dhadhame,

Dagaalkaan oo mudo socday ahaana mid culus ayaa waxaa Askarta gumaysiga Ethiopia ee mooraalka jabsan lagaga dilay 15 Askari iyadoo dhaawacuna uu intaasi kabadan yahay

Oday kamid ah duqayda deegaanka Golo-bero oo la lahadlayey wakaalada wararka Ogaadeeniya (ONA)  ayaa sheegay in Askarta gumaysiga Ethiopia ka kaxaysteen deegaanka Awr tiradoodu gaadhayso 15 ku waasi oo ay ku qaateen dhaawac farabadan oo ka dhashay dagaalkii shalay ka dhacay halkaasi

Askarta gumaysiga Ethiopia ayaa intabadan xoog ku qafaasha xoolaha Ogaadeeniya si ay ugu isticmaalaan gaadiid ahaan

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay