Fanka wuxuu ka mid yahay luqadaha ay baniiaadamka ku wada hadlaan ee ka tarjuma shucuurta hoose ee ku jirta qofka dareenkiisa. Sidaa darteed ayuu wuxuu ku dhacaa dareenka qarsoon ee qofka maqlaya ama arkaya hadii fanaankaasi uusan ahayn mid ka mushtara hibadaa uu Ilaahay siiyay. Xukuumadaha kali-taliska ah iyo gumaysigaba waxay aad isugu dhabar jabiyaan inay fanaaniinta iibsadaan oy lacag ku hafiyaan si ay ugu noqdaan makarafoon codkooda ku hadla. Inyar ayaa arintaa diida oo ka doorbida inay la saftaan shucuubta dulman intay iibsan lahaayeen karaamadooda.

Marwo Saado Cali qaybtan dambe ayay ku caan noqotay oo marag looga yahay. Hasa ahaatee inbadan oo hawadooda cabiraya ama u adeegaya gumaysiga Itobiya ee loo wada gurguuranayo ayaan jeclayn xaqqa ay u garbinayso marwalba Saado Cali Warsame.

Marwo Saado oo dalka Canada si fiican loogu soo dhaweeyay laguna gudoonsiiyay shahaado sharafyo ay ugu mudan tahay jeceylka loo hayo, ayaa waxaa lagu wareystay barnaamijka Ileys. Daawshao wacan.

ONA.

 
 

2 Comments

  1. jwxxo says:

    nooloow marwo saado cali warsame walee gob baad tahay saado nooloow ayaan ku leeyahay ogadenya ha xoroowdo

  2. nimco says:

    illaahay garashada kaama qaado, saado noolow cadowgaagana cagta hoosteed ha galo.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay