Nairobi, Kenya:

23 December 2012 Waxaa  shir balaadhan isugu yimid  Xubnaha  Ururka  Midowga dhalinyarada iyo Ardayda Somalida Ogadenia  ee Bariga  Africa kaasi oo kadhacay Xarunt a ururka ee  Magaalada Nairobi

Shirkan  oo ahaa mid ay  ka soo qeybgaleen  Xubnaha  O Y S U Kenya ayaa  ahaa  mid lagu dooraynayay  Xoghayaha  Sanadka  cusub ee 2013 uu yeelanayo  Ururku  OYSU.

Shirka doorashada ayaa waxaa kasoo qaybgalay dadwayne aad u tirabadan oo isgu jira xubnaha ururka iyo taageerayaal

Sidoo kale shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin kamid ah JWXO,Masuuliyiinta jaaliyada iyo Marti sharaf kale.

Shirka ayaa khudbado waxaa kasoo jeediyey  masuuliyiin kamdi ah  JWXO , Xoghayihii  Xilku kadhamaaday Mudane  Xasan Carab, Gudoomiyaha jaaliyada Africada bari mudane Axmed faarax maxamuud

Waxaa kale oo shirka laga soo jeediyey suugaan halgameed aad uqiimabadan oo ay kamaqasuudeen dhamaan kasooqaybgalayaashii shirka

Shirkan oo  ahaa mid aad  looga soo qeybgalay isuguna  jiray Doorasho iyo Abaabul ayaa   waxaa  Gabagabadii  shirka  lagu doortay xoghaya  Cusub  ee sanadka 2013 uu yeelan hayo Ururka  OYSU   Bariga  Africa.

Waxaana  Xilkaasi  loodortay  Mudana  Faysal  Cabdi  Xussen  oo noqdey  Xoghaya  OYSU  Ee Barica Africa.

 Shirka doorashada ayaa ku soo dhamaday jawi aad u wanaagsan .

Xafiiska ONA ee Bariga Africa

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay