HAAB jwxo oo la kulmay odayaasha & waxgaradka ku nool wadanka South Africa

Hogaanka waaxda Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF) Mudane Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane ) ayaa kulan muhiima laqaatay Odayaasha Dhaqanka & wax garadka ku nool magaalada Cape Town ee Xarunta Gobolka Weasten Cape. Kulankan ayaa ka dhacay Xaafada ay Soomaalidu dagantahay ee layiraahdo Bellville .

Kulankan waxaa soo qaban qaabiyay madaxa waaxda Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda ONLF & madaxa maamulka Jaaliyada Ogadeniya ee South Africa & waliba maamulka faraca magaalada Cape Town oo iskaashanaaya.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo sii xoojinlahaa Halganka gobonimodoonka ah ee ay hormuudka katahay Jabhadda ONLF kaasoo la gu xoreynaayo dhamaan dhulka somaalida Ogadeniya kaas oo ay Gumeysato
Xukuumada Itoobiya.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen dad farabadan oo isugu jiray Odayaal dhaqameed Culumo-awdiin & Siyaasiyiin ayaa waxaa furay Godoomiyaha faraca Jaaliyada Ogadenya ee magaalada Cape Town wuxuuna ku soo dhaweeyay microphone-ka Hoggaanka HAAB Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin. Wuxuu Gudoomiyuhu goobta ka soo jeediyay kadib Taariikh nololeedkiisii & isbarasho warbixin aad u dheereyd oo meelo badan tibaaxaysay sida Siyaasada geeska Africa Arimaha bulshada & Taariikhda Wadanka Ogadeniya waxaa ka loo uu goobta ka cadeeyay inuu dagaalka Ogadeniay ka socdaayi waajib ku yahay qofkasta oo u dhashay wadanka Ogadeniya & waliba Muslimiinta dariska lawadaagta Ogadeniya islamarkaana loo baahan yahay inay ka qayb qaataan dagaalka lagu xoreynaayo Gayiga Somalida Ogadeniya.

Iyda oo uu Hogaanku madasha ka cadeeyay inay Odayaashu yihiin maskaxda & muruqa lagamamaar maanka ah ee lafdhabarta u ah Halganka shacabka Somaalida Ogadeniya islamarkaana larabo inay sii laban laabaan taageerida halgankooda una huraan Naf & maalba si ay uga hoos baxaan gumeysiga Madaw Itoobiya.
Kulankan oo ahaa kulan muhiima ayaa waxaa ka hadlay Odayaal & farabadan waxayna Odayaashii Kobtaas ka sheegeen inay kor u sii qaadayaan taageerida Qadiyadooda hiil & hoona la garab istaagayaan Jabhadda ONLF.

Hadaba Hogaanka Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda ONLF oo in muddo ahba u jooga wadanka Koonfur Afrika hawlo kormeer Abaabul iyo  isu soo dhaweynta & midaynta bulshada somalida Ogadeniya ayaa shirar is daba joog ah la yeelanaaya bulshada ku nool wadanka South Africa wuxuuna maalmahan inagu soo began Muxaadarooyin Diini ah & Shirar waa weyn ku Qabandoonaa Hadii Allaha awoodalihi idmo magaalada Cape Town ee Caasimada Gobolka Western Cape.

Xayi Yare

Cape Town, South Africa

Tafatirid: Xafiiska ONA South Afrika

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay