Hogaanka Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda wadaniga xoreynta Ogadeniya (JWXO) Mudane Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin ( Diirane )  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay  27/12/2012 ku qabtay Muxaadaro Diini ah magaalada Cape Town  ee Xarunta gobolka western Cape  gaar ahaan xaafada ay Somaalidu dagan tahay  ee Bellville , Muxaadaradan ayaa ahayd muxaadaro uu sheekhu  kaga hadlaayay Jihaadka & anwaacdiisa.

Sheikhu wuxuu  muslimiintii  masaajidka isugutimid xasuusiyay xuquuqda ay Muslimiintu isku leeyihiin gaar ahaan bulshada  Soomaaliyeed oo uu sheegay inay tahay bulsho isku jinsiyad ah walaalo ah islamarkaana  sinaba   u kala maarmin  waxaa kale oo uu Sheekhu wacdigiisa ku sheegay inay waajib ku tahay qadiyada Ogadeniya  qof kasta  oo soomaali ah muslim ah loona baahan  yahay inay ka qayb qaataan jihaadka  ka socday Ogadeniya.

Dhanka kale habeenimadii Xalay ayuu masuulku kulan la yeeshay xubnaha faraca jaaliyada Ogadeniya ee magaalada  Cape Town kulankaas oo ay ka soo qayb galeen Xubno farabadan masuuliyiin ka tirsan jaaliyada Ogadeniya & xubno ka socday Ururada bulshada Ogadeniya ayaa  qaatay  saacado  islamarkaana  lagaga  hadlaayay halganka ka socda Ogadeniya & doorka ay dhalinyaradu ku leedahay.

Hadaba madaxa waaxda Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogadeniya Halgame Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin oo dhawaanahanba jooga  wadanka Koonfur Afrika ayaa maalinba maalinta  kadambaysa la kulmaaya bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku  dhaqan wadanka South Africa  islamarkaana ku gudajira  hawlaha halganka  Abaabulka bulshada & isusoo dhaweynta midnimada  shacabka Soomaalida Ogadeniya ee uu Gumeysigu daashaday si ay uga hoos baxaan heeryada Gumeysiga madaw ee Itoobiya

Xayi Yare

Cape Town

South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay