Hogaanka Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda wadaniga xoreynta Ogadeniya  ONLF   Halgame Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin ‘’Diirane’’ayaa Siminaar  siiyay  Xubnaha Jaaliyada Ogadeniya ee  faraca  magaalada Cape Town wadanka South Africa

Siminaarkan waxaa  lagu qabtay xafiiska Faraca   jaaliyada  Ogadenia ee koonfur Africa  magaalada Cape Town  gaar ahaan  xaafada Bellville. Siminaarkan oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxaa kafaaiidaystay  xubno farabadan oo  isagakala yimid nawaaxiga  magaalada Cape Town.

Siminaarkan oo  kusaabsanaa maamulka iyo hogaaminta  tayaynta  & kor u qaadida  aqoonta xubnaha    ayay siweyn  xubno farabadani uga soo qayb galeen  islamarkaana ka faa iidaysteen  Cashiradii loo fidiyay taas oo  waxbadan kabadali doona wacyigooda. Casharadan ayaa ku aadan Maamulka toolmoon iyo qaabka wax loo hoggaamiyo.

Madaxa Arimaha bulshada & Abaabulka jabhadda ONLF mudane Shiekh Maxamed Cabdi Yaasin ayaa waayadan ku sugan wadanka Koonfur Afrika isaga oo u jooga hawlo kormeer. Hoggaanku waxa uu  si joogto ah ula kulmaaya bulshada ku dhaqan wadanka South Africa  islamarkaana la yeelanaaya shirar waa weyn & kulamo gooni gooni ah, ku waas oo dhamaan tood ku saabsan Kor u sii qaadida hawlaha Halganka & midaynta shacabka Soomaalida Ogadeniya,  Shirarkan iyo kulamadan aya wali ka sii socda wadankan south Afrika ee Hoggaanku ku suganyahay.

Xayi Yare

Cape Town

Xafiiska ONA South Africa

 
 

1 Comment

  1. maan shaa allah wuu da daalayaa shekh dhiirane illahey hanooso dadjiyo xornimo khayr qabta

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay