Maanta  taariikhdu tahay 30\12\12 ayaa wuxuu  Ururka Midawga dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenya  ee Galbeedka Australia  (Perth) ay  ku qabteen barnaamij ay ugu magac dareen Cun oo Caawi.

Barnaamijkan oo Ururka OYSU si heersare ah  usoo agaasimeen ayaa waxaa ka soo qayb galay Jaaliyada S. Ogadenya iyo dhamaan bulshawaynta Soomaliyeed eeku dhaqan Perth.

Hadaba dhamaan dadkii kasoo qayb galay barnaamijka Cun oo Caawi ayaa uga mahad celiyay Ururka OYSU iyo Jaaliyada isku duubnidooda iyo sida quruxda badan ee hagar la’aanta ah eey u qabteen barnaamijka Cun oo Caawi.

Isku soo wada duuboo ururwaynaha  OYSU oo fir fri cooni iyo dadaal ugu jira sidii lagaga xorayn lahaa Dalka Ogadenya gumaysiga Ethiopia lagagana dulqaadi lahaa Shacabka S. Ogadenya heeryada gumaysiga ayaa dadaalkoodu yahay mid aad loogu  diirsaday.

Ugudanbayntii  barnaamijka ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan oo farxad leh.

 

Muna Mahad

Perth

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay