Maalinimadii  Sabtida  ee  ay taariikhdu  ku  beegnayd  29-12-2012 ayaa  jaaliyada  S/Ogadenia  ee dalka  Sweden  waxay  isugu  yimaadeen dhamaan bulshada  qaybaheeda  kala duwan, sida Ururka  Haweenka  Ururka  Dhalin  yarada (OYSU) & Jaaliyada  guud  kulan  aad  u baladhaan  oo ay  marti galisay  jaaliyada  magaalada  Hallasthammar.

 

Kulankan  oo wajiya  badan xambaarsanaa  kana  soo  qayb galeen  dhamaan  laamaha  jaaliyada oo ka koobnaa ilaa 8 farac  ayaa bilowday  abaarahii 2:00pm duhurnimo 

 

Shirka waxaa furay gudoomiyaha  jaaliyada  Sweden Mudane Abdinasir  Mahamed (Gadhweyne) ayaa codbaahiyaha  kusoo  dhaweeyay halgame  Sh C/laahi Mu’adin isla  mar ahaantana  Sheikha  ayaa  madasha  kasoo  jeediyay  muxaadaro  ku  saabsan  arimaha  jihaadka & wax yaalaha uu qofka  muslimka  ah  karaamada  ku  leeyahay, Sh C/laahi  ayaa aad  ugu  nuuxnuuxsaday  halganka  ogadenia & xaqnimadiisa &  walibana  sida  uu cid  walba  oo  muslim ah  waajib  ugu yahay.

Kadib  waxaa  qudbad  gaaban  oo  baraarujin  ah  oo  uu  ku wacyi galinayo xubnaha halkaas kasoo  jeediyay  Halgame  C/qadir Xuseen ( Gama’diid).

Sidoo  kale  Halgame  Mahamed  Khadar  ayaa  soo bandhigay   siminaanr  lawada  jeclaystay  oo  uu  ku  qiimaynayay  maamulka  toolmoon, asagoo  diirada  saarayay  siyaabaha  maamul  guul ku  gaadhi  karo  & wax  yaalaha  hawlahooda fashil ku keeni kara. 

Kadib  waxaa  laguda  galay  ahmiyadii  shirka  oo  ahayd  maamulka  jaaliyada  sweden oo  xilka  ku  wareejinayay  maamulkii  2-da  sanno ee  soo  socda hogaamin  lahaa  Jaaliyada Sweden.

Mudane  Abdinasir  Mohamed (Gadhweyne) oo  ahaa  guduumiyaha   jaaliyada  ee xilka  wareejinayay ayaa ka  warbixiyay  wax  qabadkii  jaaliyada  & siyaalihii  ay  guulaha  ku  gaadheen, halgame Abdinasir  Gadhweeyne  oo  warbixin  qoto  dheer goobta  ka  jeediyay  ayaa si qurux  badan xilki  & sii daadihintii  shirka  ugu  wareejiyay gudigii  doorashada  asaga & maamulkii  la  shaqaynayayba, u balana  qaaday  inay  sifiican  ula  shaqayn  doonaan maamulka  cusub  ee la  dooran  doono.

Waxaa  shirkii  lawareegay  gudiga  doorasha  oo ka koobnaa 3 qof oo kala ahaaa Halgame Nuradin  Sh Jaylani, Halgame Asad  Yusuf  &  Halganto Ayan Ali  Haidar. Gudida ayaa  xubnaha  usoo  bandhigay  qaabkay  musharaxiinta  xilka  jaaliyada   usoo  xuleen & sababaha  ay ku dooranayeen  xubinka musharaxa ah.

Maamulka  cusub  oo ka  koobnaa  ( 8 )  masuul   oo uu gudoomiye  u  yahay Halgame  Haybe Mahmud Abdi ayaa ka codsaday  xubnaha  inay  gacan weeyn  ka  gaystaan  lashaqaynta maamulka  cusub.

Halkaasi  waxaa  si  habsamiya  loogu  guulaystay  inay  doorashadii  jaaliyada  Sweden  u  dhacday  si dimoqraadiya  aadna ugu  qanacsanaayeen dhamaan  (8-dii ) farac ee kasoo qayb gashay   doorashada.

Halgame Mudane  Riyale Xaamud  oo  looga  bartay  xigmad  & dhiira  galin  ayaa  dardaaran  siiyay  maamulkii  cusbaa  ee la doortay. Waxaa kale oo mudane Riyaale  wacyigalin siiyay  xubnaha Jaaliyada isaga dardaaran iyo guubaabo xoogan siiyay. Mudane Riyaale halkaas waxa uu kusoo gabagabeeyay shirkii oo si guul ah bilow ilaa dhamaad si nidaamsan ku socday.

 

Hiddo iyo  Dhaqan

Kadib  waxaa  laguda  galay  barnaamij  lagusoo  bandhigayay  ciyaaraha  hidaha  &  dhaqanka  Ogadenia sida  Dhaantada oo  ay  qabanqaabiyeen jaaliyada  shirka  marti  galisay  ee Hallasthammar.

Iskusoo  wada  duuboo  barnaamijkii  sadex  geeslaha  ahaa ee  ka  koobnaa   warbixintii  wax  qabadka  jaaliyada  2-dii  sanee  lasoo  dhaafay, doorashadii  maamulka  cusub  ee hogaaminlahaa  jaaliyada  sweden 2-da sanno soo socota & bandhig  faneedkii  hidaha  & dhaqanka  ogadenia  ayaa 10:00pm  fiidnimo  waxuu  kusoo  gabagaboobay  si  habsamiya, jawi  farxadeed  & walibana rayn rayn.

Ilwad  Ali

ONA

Sweden.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay