Qalinkii Axmed Yasiin Cabdi

Maxay Ogaadeenya ku xusuusan doontaa sannadkii 2012?

Qormada 2aad

Xasuuqii Miir-denbas

Marar badan oo hore ayaad qoraalladayda ka dheehateen dareen carsan oo aan ka soo min-guuriyay waddaniga dhiidhiyayee dhawran waayay xumaha iyo dadwaynaha dhaawacanee dhibku degashaday. Maantana waxaan door-biday inaan idinla wadaago xasuuqii Miir-denbas, oo aan rumaysnahay inuu ka mid yahay dhacdooyinka lagu xusuusan doono sannadkii 2012.

Waxay ahayd maalin khamiis ah, taariikhduna waxay ku beegnayd 06 September 2012, markii ay ciidammada gumaysatada Itoobiya dad shacab ah oo badan ku xasuuqeen meesha lagu magacaabo Miir-denbas, oo ku taalla duleedka magaalada Qorile, oo ka tirsan gobolka Doollo. Ciidammada gumaysatadu waxay halkaas ku laayeen in ka badan 14 qof oo shacab ah, oo laga soo kala ururiyay deegaanno kala duwan oo Wardheer ka tirsan, sida Dannood, Qorile iyo dhulka miyiga u ah. Dadkaas waxaa la isugu keenay Miir-denbas, halkaasoo ciidammada gumaysigu ay si arxan darro ah ugu laayeen.

Xasuuqani wuxuu xasuuqyadii hore ee ka dhacay gobolka Doollo ama meelaha kale kaga duwanaa, iyadoo ugu yaraan sagaal ka mid ah dadka la xasuuqay ay haween ahaayeen. Dadka la xasuuqay waxaa ku jirtay hooyo lala dilay gabadh aan sannad gaadhin oo ay dhabarka ku wadday. Dabcan dadkan lala laayay ma jirin wax denbi ah oo ay galabsadeen oo dilkaas naxariis darrada ah ku mutaysteen, oo aan ka ahayn inay ka mid ahaayeen shacabka reer Ogaadeenya ee ciidammada Itoobiya ay ku gumaadayaan meelaha kala duwan ee Ogaadeenya ka mid ah.

Xasuuqani ma aha midkii ugu horreeyay ee ciidammada gumaysigu ay u gaystaan dadwaynaha ku dhaqan deegaanka Wardheer. Dhinaca kale ma aha midkii ugu horreeyay ee ay ka gaystaan Ogaadeenya inteeda kale.

Waxaan wada-xusuusanaa xasuuqii bahalnimada ahaa ee ciidammada gumaysiga Itoobiya ka fuliyeen Tuulada Babaase ee gobolka Doollo 24 July 2007, oo ugu yaraan 10 qof oo rayad ah ay halkaas ku daldaleen. Xasuuqaas waxaa ka soo badbaaday gabadh calaamad u noqotay gabood-falka shacbiga lagu hayo oo Ridwaan lagu magacaabo, taasoo ay mayd ahaan uga tageen, laakiin Waynihii uuntay uu u qaddaray inay sii noolaato.

 

Waxaan marna dareenka waddaniga daacadda ah ee Ogaadeenya ka lumin xasuuqii caanka ahaa ee Wardheer, oo ciidammada gumaysiga Itoobiya ay si bahalnimo ah magaalada Wardheer ugu xasuuqeen dad rayad ah oo tiradoodu kor u dhaaftay 80 qof daba-yaaqadii bishii February ee sannadkii 1994.

Xasuuqa Miir-denbas sidoo kale ma aha xasuuqii kaliya ee ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ay sannadkii 2012-ka ka gaystaan dalka Ogaadeenya. Waxay isla sannadkaas fuliyeen xasuuqyo kale, oo qaarkood lagu gumaaday dad ka badan kuwa lagu layaay Miir-denbas.

Xasuuqyadaas waxaa ka mid ah xasuuqii fajaca dhaliyay ee Guna-gado, oo lagu laayay in ka badan 30 qof oo ka mid ah shacabka biri-ma-gaydada ah ee ku dhaqan Guna-gado iyo nawaaxigiisa. Xasuuqan, oo in muddo ah socday, wuxuu billowday markii ay taariikhdu ahayd 14 February 2012, wuxuuna gaadhay deegaanno ka baxsan Guna-gado.

Ciidammada gumaysiga Itoobiya waxay sannadkii 2012-ka dad aad u badan ku xasuuqeen meelo kale oo  Ogaadeenya ka mid, sida xasuuqii Gaashaamo, oo ay fuliyeen markii ay taariikhdu ahayd 17 March 2012. Waxaa ka mid ahaa xasuuqii Xarshin, oo ay isagana fuliyeen 10 September 2012.

Hase yeeshee xasuuqa Miir-denbas wuxuu xasuuqyada kale ee dhacay sannadkii 2012-ka kaga duwan yahay hal arrin oo kaliya, taasoo ah munaasabadda lagu hagaajiyay. Wuxuu dhacay 6 September 2012, maalinkaasoo ahayd maalinkii uu sida rasmiga ah magaalada Nairobi uga furmay wadahadalladii ugu horreeyay ee JWXO iyo xukuumadda gumaysiga Itoobiya ay isku hor-fadhiistaan iyadoo waddan kale uu dhexdhexaadinayo. Marar badan ayay JWXO iyo Itoobiya wadahadal yeesheen, hase yeeshee kani wuxuu ahaan mid ay beesha caalamku gacan ka gaysatay, dowlada Kenyana ay marti-gelisay, waxayna ahayd markii ugu horraysay ee qadiyada Ogaadeenya miis caalami ah lagaga doodo, iyadoo dadkii lahaa ay wataan oo taladeeda gacanta u hayaan.

Sidaas darteed xasuuqa Miir-denbas wuxuu ahaa mid qorshaysan oo loogu talagalay in lagu gidaadiyo wadahadalladaas, oo gumaysatada Itoobiya ay u aragtay inaanay danaheeda gumaysi ka shaqaynaynin. Waana dhaqan lagu yaqaano gumaysiga Itoobiya, oo sidiisaba ka arradan dabeecadaha ay aadanuhu isku afgartaan, oo wadahadalka iyo wax isu-sheeggu ay ugu horreeyaan. Waxa kaliya ee Itoobiya fahmi karto waa karbaashka, oo in xabaasha lala ekaysiiyo mooyee ma taqaano, mana fahanto xikmad kale. Soomaaliduna horay ayay arrintaas uga hadashay oo waxay tidhi “maskax gumac galo mooyee maskax caqli galo ma laha”.

 

Xasuuqa uu gumaysiga Itoobiya ku hayo dadka reer Ogaadeenya ma aha mid xilli ama xukun gooni ah ku xidhan, ee waa mid la billowday gumaysiga. Waa mid dadkayaga ku billowday markii ugu horraysay ee gumaysiga madow uu cagaha soo dhigay ciiddayada qaaliga ah, isagoo kaashanaya ama ay gacan siinayaan gumaystayaashii reer Yurub. Si aan middaas idiinku iftiimiyo, waxaan jeclahay inaan hal tusaale oo kaliya ka soo qaato soo yaalka xasuuqyada ay Itoobiya dadkayaga u gaysatay. Wargays lagu magacaabo “Pall Mall Gazette” ayaa maqal uu qoray 22 October 1897, waxaa ka mid ahaa waxyaabihii uu maalintaas qoray;

“The Abyssinian raiders are described as having already dispersed or destroyed the great Somali tribes known as the Amaden, the Koschen and ADEN-Djahr, settled in the Aroussi district, and all their flocks and herds have been “lifted”. The Somalis, being only armed with most primitive weapons, have had no possible chance of defending themselves against the Ethiopian invaders”.

Marka afsoomaali lagu turjumo wuxuu noqonayaa sidan; “Reer Abasiiniyada duullaanka ah waxaa la tilmaamay inay baabi’iyeen ama burburiyeen qabiillada waawayn ee Soomaaliyeed ee loo yaqaano Amaadin, Kooshin iyo Aaden-Khyar, ee degganaa degaanka Caruusa, iyadoo dhammaanba xoolahoodii ay dhaqanayeena la qaaday. Soomaalida, oo ku hubaysnaa hub aan tayo lahayn, wax fursad ah uma ayna lahayn inay iska difaacan Itoobiyaanka ku soo duulay”.

Isla maqaalkan wuxuu wargaysku qoray sidan; “At the town of Waddul, to the north of the Ogaden country, horrible cruelties are stated to have been perpetrated, the whole of the Somali prisoners being mutilated”.

Magaalada Waddul, oo ku taalla woqooyiga dalka Ogaadeenya, waxaa la xaqiijiyay in falal-denbiyeedyo bahalnimo ah laga fuliyay, oo maxaabiistii Soomaaliyeed si silic ah loo laayay”.

Xogtan yar waxaa qoray wargays ka soo bixi jiray waddanka UK, qiyaastii 115 sano ka hor. Haddana markaad eegto dhaqanka askartii Itoobiyaanka ahayd ee maalinkaas wax xasuuqaysay iyo kuwa maanta wax xasuuqaya, waxaad arkaysaa in wax farqi ahi aanuu u dhexaynin.

Kuwii maalintaas wax xasuuqayay waxay filayeen in cadaadiska iyo cagajuglayntu ay dadwaynaha Ogaadeenya u horseedi doonaan inay gumaysiga oggolaadaan, kuwan maanta joogana sidii unbay rajaynayaan. Arrintaasi waxay caddayn u tahay dammiinimada iyo jaahilnimada Itoobiyaanka.

 

Hase yeeshee midda lagu farxo waxay tahay iyadoo dadwaynaha Ogaadeenya uu malinba maalinta ka denbaysa ka sii kordhinayo diidmada uu diiddan yahay gumaysiga Itoobiya, waana arrin dabiici ah in dadka gobta ahi aanay xilliga isu dhiibin ee ay sharaftooda difaacaan ilaa iyo inta ay ka dhimanayaan. Dadkayagu horay ayay arrintaas uga maahmaaheen, oo waxay yidhaahdeen “Rag waxaan walaalow ahayn wax kuma laha”, oo macanheedu yahay in dadyowgu ay wadaxaajood iyo is-afgarad uun ku wada-noolaan karaan.

In cadaadisku aanuu dadka u horseedi karin inay keenada aqabalaana waxaa horay u caddeeyay Vaclav Havel, oo sannadkii 1978 qoray maqaalkii caanka ahaa ee “The Power of the Powerless”. Vaclav Havel wuxuu ahaa siyaasi u dhashay waddanka Czech Republic, oo mucaarad ku ahaa nidaamkii shuuciga ahaa ee Midowga Soofyeeti.

Waxyaabaha uu Vaclav Havel rumaysnaa waxaa ka mid ahaa “in bani’aadamka qaybtiisa u jeellan xorriyada, xaqiiqada iyo sumcadda aan waligeed si buuxda loo cabudhin karin”. Arrintani waxay ka dhigan tahay in qofka bani’aadamka ah aan la oggolaysiin karin inuu xorriyadiisa iyo sharaftiisa ka tanaasulo, si kasta oo loo cadaadiyo. Qofka haddii la cadaadiyo wuxuu ku fekaraa oo ka shaqeeyaa sidii uu maalin uun cadaadiska uga bixi lahaa oo xorriyadiisa u soo ceshan lahaa.

Qormadan waxaan jeclahay inaan ku soo gabagabeeyo jumlad aan hadda ka hor ku gabagabeeyay maqaal aan ugu magac-daray “15-ka November: Damaca gumaysiga iyo diidmada waddaniga”.

“Dhibaato kasta oo shacbiga Ogaadeenya ka soo gaadha gumaysiga iyo cawaantiisu waxay dhidibbada u sii aasi doontaa go’aankiisii ahaa inuu ka dhiidhiyo waxyeellada gumaysiga, waxayna saad u noqon doontaa dareenka waddaniga keena-diidka ah ee Ogaadeenya. Waddaniga diiday inuu gunnimada aqbalo. Waddaniga diiday inuu xumaha yeelo. Waddaniga diiday inuu sharaftiisa quudho. Waddaniga diiday inuu gudobtiisa illaawo. Waddaniga diiday inuu sinta u dhigto summada quudhsiga”.

Hoos waxa aad ka daalacan karta qormadi hore ee Axmed Yasiin Cabdi ka diyaariyay Dhimashadi Males Zenawi iyo sida dadweynaha loogu duleystay

Qeybtii 1aad: Maxay Ogadeniya ku xasuusan Doonta sanadkii 2012

Qoraalkan Waxaa diyaariyay Axmed Yaasin Cabdi

ismalure@hotmail.com

1 January 2013

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay