Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ee caadeystay dilka shacabka aan waxba galabsan ayaa dilal aad u badan ka geystay dhulka Ogadeniya bilihi lasoo dhaafay. Hadaba dilalki u danbeeyay ee gumeysigu u geystaan shacabka Ogadeniya ayaa waxaa kamid ah dil ay ciidmada Woynuhu ka geysteen deegaanka Awaare.

Taariikhdu markay aheyd 30/12/2012 Deegaanka Geedh dheer  oo Awaare udhow waxay askarta nacabka ah ee gumaysiga Ethiopia ku dileen allaha unaxariistee marxuun

Cabdi-madoobe Maxamed Cali.

Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa si sabab la’aan ah u toogta shacabka Ogadeniya iyada oo wax danbi ah lagu oogin ama maxkamad aan la horkeenin. Ciidamada Woyanaha iyo kuwa hawaarinta ee falalka dilka ah iyo xasuuq wadareedkaba leh ayaa wax danbi ah loo raacin iyaga oo ku hela darajooyin oo askari kastaaba inta qof ee uu dilay lagu siiyo darajo dheeri ah.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay