Hogaanka Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda wadaniga xoreynta Ogadeniya  ONLF, Halgame Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin ‘’Diirane’’ayaa Siminaar siiyay  Xubnaha Jaaliyada Ogadeniya ee  faraca  magaalada Pretoria  ee Caasimada wadanka  South Africa.

Siminaarkan oo lagu qabtay xafiiska Faraca   jaaliyada  Ogadenia ee koonfur Africa  magaalada Pretoria  gaar ahaan  xaafada Pretoria West ayaa socday  muddo labbo maalmooda ah, waxaana ka faaiidaystay  xubno farabadan oo  isaga kala yimid nawaaxiga  magaalooyinka Johannesburg , Pretoria  iyo magaalooyin kale.

 Siminaarkan oo  ku saabsanaa maamulka iyo hogaaminta, tayaynta  & kor u qaadida aqoonta xubnaha  ayay xubno farabadani ka soo qayb galeen islamarkaana ka faa iidaystay Cashiradii loo fidiyay. Waxaa lagu tala jiraa inay waxbadanna kabadali doonaan wacyiga xubnaha ka qaybqaatay siminaarka, waxayna  ku barteen arima la xidhiidha maamulka iyo waxa ay tahay hogaamintu.

Madaxa Arimaha bulshada & Abaabulka jabhadda ONLF mudane Shiekh Maxamed Cabdi Yaasin ayaa waayadan ku sugan wadanka South Afroca  isaga oo u jooga hawlo isugu jirra  kormeer  iyo Abaabul  ayaa  si joogto ah ula kulmaayay  bulshada ku dhaqan wadanka South Africa  islamarkaana la yeelanaaya shirar waa weyn & kulamo gooni gooni ah, ku waas oo dhamaan tood ku saabsan Kor u sii qaadida hawlaha Halganka & midaynta shacabka Soomaalida Ogadeniya. 

Waxaa ka socda meela kala duwan oo caalamka ka mid ah barnaamijyo kor loogu qaadayo wacyiga siyaasiga ah iyo arima la xidhiidha hogaaminta. Waxaana lagu raja weynyahay inuu halganka shacabka S.Ogadenya u gudbi doono marxald cusub oo soo afjari doonta brobagaandada cadawga iyo beenta aan jirin ee laga gado.

Xayi yare

Pretoria

South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay