Masuuliyiin ka tirsan maamulka  Jaaliyada Ogadeniya ee South Africa & wafdi Culumo ah oo  uu kamidyahay   Hogaanka Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda wadaniga xoreynta Ogadeniya (ONLF) Mudane Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin ( Diirane ) oo in muddo ahba socdaal ku maraayay wadanka South Africa   ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd  10/1/2013 ku qabtay Muxaadaro Diini ah Masaajid weyn oo ku yaala   magaalada Johannesburg gaar ahaan xaafada ay Somaalidu dagan tahay  ee lagumagacaabo  Mayfair , Muxaadaradan ayaa ahayd muxaadaro ay Culumo Farabadani soo jeediyeen  islamarkaana   kaga hadlayeen  halganka & anwaacdiisa.

Muxaadaradan oo ahayd muxaadaro qiiro iyo khushuuc ku beertay dadweynihii ka sooqayb galay   ayaa Waxaa  ka midahaa Culumada Nadwada Soo jeediyay,

Sheikh Maxamed Awal,

Sheikh Maxamed Nadiir ,

Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin

Iyo Culumo kale oo ah Culumo dhamaantood ku Takhasusay Cilmiga Shareecada Islaamka  waxayna dhamaan tood  muslimiintii  masaajidka isugu timid  xasuusiyeen  xuquuqda ay Muslimiintu isku leeyihiin & Jihaadka ka socda wadanka Ogadeniya  kaas oo ay sheegeen inuu yahay halgan waajib ku ah Qof kasta oo Soomaaliyeed oo ay  sheegeen  inay tahay bulsho isku jinsiyad ah walaalo ah islamarkaana daris ah.

Waxaa kale oo ay  Culumadu  wacdigoodii  ku sheegeen  inay qadiyada Ogadeniya  waajib ku tahay dhamaan Caalamka Islaamka  loona baahan  yahay inay ka qayb qaataan,.

Hadaba Gudiga Sare ee Jaaliyada Ogadeniya ee South Africa &  madaxa waaxda Arimaha bulshada & Abaabulka Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF)  Halgame Sheikh Maxamed Cabdi Yaasiin oo dhawaanahanba Socdaal ku maraayay  wadanka South Africa  ayaa maalinba maalinta  kadambaysa la kulmaayay  bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku  dhaqan wadanka South Africa  islamarkaana ku gudajiray  hawlaha halganka,  Abaabulka bulshada, & isusoo dhaweynta midnimada,  shacabka Soomaalida Ogadeniya ee uu Gumeysigu daashaday si ay uga hoos baxaan heeryada Gumeysiga madaw ee Itoobiya

Fillo maqal iyo  muuqaalada Muxaadarooyinka Hadii Eebe inoosahlo

Xayi Yare

Johannesburg

South Africa

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay