Qalinkii Axmed Yasiin

Qormadii 4aad

Xaaladda Maxaabiista Ogaadeenya

Qormooyinkii taxanaha ahaa ee “Maxay Ogaadeenya ku xusuusan doontaa sannadka 2012”, waxaan ku soo gabagabaynayaa xaaladda maxaabiista reer Ogaadeenya ee ku xidhxidhan xabsiyada ciqaabta ee gumaysiga Itoobiya. Waxaan la soconaa in xukuumadda gumaystada Itoobiya iyo adeegayaasheedu ay sannad walba xabsiyada ka buuxiyaan kumannaan shacab ah oo aan wax denbi ah galabsanin, kuwaasoo qaarkoodna xabsiyada lagu laayo, qaar kalana lagu jidhdilo oo iyagoo iimo waawayn qaba laga yaabo in marka denbe la iska soo daayo.

Xidhayga aan loo aaba-yeelin ee dadwayanaha Ogaadeenya lagula kaco waxaa sabab looga dhigaa la dagaallanka Ciidammada Xoreynta Ogadeenya, iyadoo qof kasta oo la xidho ama la dilo lagu sunto inuu ka tirsanaa ama taageeri jiray Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya. Tacaddiga iyo xadgudubyada loo gaysto dadwaynaha xibsiyadaas ku xidhxidhan ma aha wax caqliga bani’aadamku suurayn karo. Waxaa sidoo kale aan maanka fayow la marinsiin karin nolosha ay maxaabiistu ku nool yihiin iyo sida loola dhaqmo.

Haddaba qormadan gaaban waxaan ku soo qaadanayaa waraysi kooban oo aan la yeeshay nin dhalinyaro ah oo muddo lix bilood ah ku xidhnaa xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga, dhibaatooyin badan oo jidh ahaan iyo nafsad ahaanba isugu jirana loo gaystay muddadii uu halkaas ku xidhnaa.

Waxaa laga yaabaa dhibaatooyinka ninkan ka soo gaadhay xabsiga inay yihiin kuwo aad u fudud marka loo eego inta badan dhibaatada loo gaysto maxaabiista Ogaadeenya, hase yeeshee sheekada ninkan waxaan u doortay, waxay sawir inaga siinaysaa saamaynta uu xabsigani ku yeeshay dhinacyo kala duwan oo noloshiisa ka mid ah, iyo saamaynta qofeed ama nafeed (emotional impact) ay dhibaatooyinkaasi xanbaarsan yihiin.

Inta aana waraysiga guda-galin, aan tilmaan yar idinka siiyo ninkan dhalinyarada ah. Da’diisu waxay qiyaas ahaan u dhaxaysaa 22 – 25 sano. Waa nin midab casaan ah u dhashay, dherarkiisana aan ku qiyaasay 185 mitir. Indhihiisu waa dugul madow, ilkihiisu waa caddaan dhuux ah oo aad mooddo in dhammaantood la isku sar-jaray. Waa nin lixaad iyo qaro u dhashay, hase yeeshee hadda waxaa jooga lafihiisa oo kaliya, waxaana ka soo hadhay Galowyo dhaadheer iyo Dhafoor godan. Markaad dhaayihiisa sii dhuuxdana waxaad yiqiinsanaysaa inaanuu saxal la’aan ahayn, balse bushi ku raagay uu hayo. Marka uu muunsoodo waxaad dhab u dareemaysaa inuu yahay sama-wade aan dhibaatada iyo xasaradda jeclayn. Ma doonayo inaan magaca saxd ah ee ninkan idinla wadaago, hase yeeshee markii aan muddo gaaban la rafiiqay, waxaan anigu ula baxay “Caabi”. Caabi waa magac aan jeclahay oo aan ka dhex-arko geesinimada iyo dhaqanka keena-diidka ah ee bulshada Ogaadeenya.

Gadaafooyinka adduunyada

In kastoo aan dhawr mar ooh ore waydiiyay, haddana waxaan ku celiyay inuu diyaar u yahay inuu wax iiga sheego dhibaatada xabsiga ka soo gaadhay iyo in arrintaasi ayna sii calwinaynin xaaladdiisa haddaba cakiran. Intuu muunsooday ayuu yidhi; “Axmadow wax waliba qaddar Eebe ayay ku dhacaan, adduunyaduna waa imtixaan, qofkii ku samra gadaafooyinka ka soo gaadha ayunbaana liibaanaya.”

Sidii qof biyo ku saxday oo kale ayaan hadalkii ugu margaday, waxaanan billaabay inaan waydiiyo su’aashii ugu horraysay, oo ahayd bal inuu nooga faalloodo sidii loo qabtay iyo meeshii laga soo qabtay;

In muddo ah ayuu Caabi aamusnaa, wuxuuna eegayay dhulka, isagoo aad mooddo inuu wax kaga lumay ka raadinayo. Qaddar ka dib qisadiisii ayuu billaabay, wuxuuna ku iba-furay;

Qabashadii Caabi

Axmedow ma doonayo inaan magac-dhabo magaaladii la iga soo qabaty, duruufo dhinaca amniga la xidhiidha awgood, waxayse ahayd mid ka mid ah magaalooyinka waayayn ee galbeedka Ogaadeenya. Xilligu waa horraantii sannadkan 2012. Waxaa guriga wada-deeganaa aniga, hooyaday iyo labo walaalahay ah. Seddexdayada dhalinayarada ahba waxaan sannadkaas iyo midkii ka horreeyay ka qalin jabinay dugsiga sare, waxaan isu diyaarinaynay inaan galno Machad ku yaalla magaalada Harar oo afka carabiga lagu barto. Aad ayaan waxbarashada ugu hanwaynayn, waxaanan ku talajirnay inaan maalin maalmaha ka mid ah ka soo qalinjabino jaamacad. Anigu waxaan niyadda ku hayay Jaamacada Azhar ee dalka Masar, oo aan xidhiidh la sameeyay, rajo fiicana ka qabay inay i qaadato.

Aabahay, oo ahaa nin da’wayn oo xanuusan, ayaa laga keenay gobollada kore ee Ogaadeenya. Markii la keenay xaaladdiisu aad ayay u liidatay, waxaana la geeyay isbitaal ku yaalla magaaladii aan degganayn. Aabahay wuxuu u baahnaa xannaano iyo ka warhayn joogto ah, sidaas darteed ayaan isu bed-beddali jirnay oo marba labo ama hal qof ayaa la joogi jirtay oo habaynkii la seexan jiray.

Maalin maalmaha ka mid ah, iyadoo ay galabnimo tahay, gurigana aan aniga iyo nin walaalkay ah joogno, ayaan ku baraarugnay ciidammo hubaysan oo guriga iska soo buuxiyay. Iyagoon waxba na waydiinin ayay laad iyo qori liifkii nagu billaabeen.

Af-xabashi ayaan kula hadlay oo aan ku waydiiyay waxa ay rabaan, hase yeeshee mid ciidammadii ka mid ah ayaa af-soomaali iigu jawaabay oo yidhi; Aaway dadkii kale ee guriga idinla dagganaa? Ma joogaan intaan idhi, ayaan ku celiyay waxa ay naga rabaan, hase yeeshee fara-gorgor ayuu iigu jawaabay. Waxaana halkaas iga soo gaadhay dhaawicii ugu horreeyay silsilad ciqaabeedkii maalinkaas ii billaabatay.

Gurigii ayay baadhis ugu dhaqaaqeen, waxayna urursadeen waraaqo iyo buugaag noo yaallay qolkii aan degganyn. Waxay sidoo kale agab kale oo kala duwan ka soo uruursadeen qolkii ay hooyadey degganyd.

Labadayadiiba garda-duub ayay noo xidheen, iyagoo indhahana nagaga xidhay maro madow oo wasakh badan. Ka dibna waxay nagu soo qaadeen baabuur, waxayna na keeneen saldhig boolis oo ku yaallay magaaladii aan degganayn. Qol aad u yar ayay labadayadiiba isugu kaana geeyeen, ka dibna albaabka ayay noo xidheen.

Xilligaas isaga ah aad ayaan u naxsanaa, waxaanan ka cabsi qabay inay hooyaday, oo ahayd qof waayeel ah, iyadana soo xidhaan ama ay aabahay isbitaalka kala soo baxaan.  Ninka walaakay ah ee ila xidhan wuxuu ahaa nin wayn oo waaya-arag ah, wax badana uga soo joogay gumaysiga iyo dhibkiisa. Waxaan filayaa inuu wajigayga ka akhristay dareenkayga kacsan iyo cabsida igu ladhan. Markaas ayuu intuu afka ii soo dhaweeyay yidhi; Is-deji oo quraanka akhriso. Wixii Ilaahay inoo qoray unbaa inugu dhici.

Wax yar ka diba gabalkii ayaa dhacay, sida ay ii sheegaysay saacaddii aan qabay. Suuragal nooma ahayn inaan iftiinka bannaanba aragno, sababtoo ah qolku dariishado ma lahayn, oo markii nala keenay mugdi ayuu ahaa.

Markii ay qiyaastii laba saac oo fiidnimo tahay (siddeeda fiidnimo) ayaa waxaa noo yimid dhawr askari, ka dibna dibadda ayay noo soo bixiyeen, wayna na kala kaxeeyeen. Aniga waxay i keeneen qol intii hore ka wayn, laakiin derbiyadiisa oo dhan wax dhiig u egi ka buuxo. Meel dhinac ah waxaa yaalla qalab kala duwan oo suuraddiisa aanan garanin, laakiin aad mooddo qalab wax lagu farsameeyo oo biro u badan.

Iyagoon wali ila hadlin ayay billaabaan inay igu garaacaan ulo gaagaaban oo ay wateen. Markii ay in muddo ah i garaacayeen ayay labada gacmood kor iigu xidheen xadhig guriga saqafkiisa laga soo raariciyay, waxaanan dhulka ku hayay suulasha oo kaliya. Ka dibna way iga tageen.

Intii hore oo dhan waan is adkaynayay, laakiin markii denbe waan daalay, waxaanan culayskaygii oo dhan ku sii daayay gacmihii, taasoo keentay in xadhigii i gooyo oo aan dareemay dhiigga gacantayda ka da’aya. Markaas ayaana miyir iigu denbaysay.

Aroornimadii denbe ayaan ku soo baraarugay iyagoo lugta igu garaacaya oo leh; “Wax suuxsan buu iska dhigayaa. War kac, haddii kale koronto ayaa lagu sudhi aad si fiican u tallaabsatidee”.

Muddo seddex maalmood ah ayaan halkii ku xidhnaa, su’aasha kaliya ee la i waydiinayayna waxay ahayd aaway ninkii madaxda idiin ahaa. Sheeg meesha uu ku dhuumanayo? Waxay wateen magacyadanada oo dhan, ninka ay madaxda ku sheegayaana waa walaalkayga maqan ee ayna wali soo qabanin. Waxay sidoo kale wateen magaca hooyaday. Waxaan filayaa inay reerka oo dhan raadinayeen.

Mar kale ayuu walbahaarkii igu sii batay, waxaana illoobay dhibkii ay igu hayeen iyo dhaawacyadii iga soo gaadhayba. Waxaan ka fakarayay waalidkay. Waxay niyaddaydu ka didaysay oo qalbigu ka gadoodayay, markaan sawirto aabahay iyo hooyaday oo kuwan u gacan-galay. Waxaanse ka qaban karay ma jirin. Xitaa war kama hayo walaakaygii halkan igula xidhnaa iyo wuxuu mutay.

Safarkii Jigjiga

Laba nin ayaa markii denbe ii soo galay. Iyagoon ila hadli ayay labada gacmood iga xidheen, indhahana way iga duubeen, ka dibna way is oo kaxeeyeen. Aniga socodka ayaa i dhibayay, laakiin labada nin ayaa garbaha iga galay oo i waday. Wax yar markii aan soo soconay ayay i saareen baabuur, ka dibna duubkii indhaha ayay iga fureen, waxayna igu amreen inaan sagxadda fadhiisto. Anigoo wali labadii gacmood ka xidhan ayaa meel la igu kala-tuuray. Waxaa iyaguna meesha iiga soo horreeyay seddex nin oo kale oon filayo in sidaydoo kale loo soo jidhdilay. Ma garanaynin meesha ay noo wadaan, laakiin waxaan filyay uun in Jeel-Ogaadeen naloo wado.

Waddada uu baabuurku marayay waxay ahayd waddo xun oo aad u saaldo badan, waxaanan ku dhex-walhanaynay baabuurka, maadaama oo aan gacmaha ka xidhnayn, suuragalna ayna noo ahayn inaan meel cuskano ama qabsano. Waxaa intaas nooga sii darnayd iyadoo ciidammada na waday ay lugaha na saar-saarayeen, marmarna ay lugaha nagu riixayeen markii aan dhinacooda u soo rogmano. Waxaa sidoo kale dushayada ku soo daadanaysay garaabada Jaadka ay cunayaan iyo denbaska Sigaarka ay cabbayaan.

Magaalada Jigjiga ayaan xilli denbe oo habayn ah soo galnay, waxaana nala geeyay meel xabsi ah oo aan filayo inay magaalada ku dhex-taallo. Aniga iyo mid dhalinyaradii ka mid ah ayaa qol nala geeyay. Waxaan aad ula yaabay, su’aal la waydiiyay mid ka mid ah askartii na waday oo ahayd; “…oo safarkii dhannaa ma afartan baad ku soo hesheen?” Safar badeeco iyo adeeg kale loo aado ayaan aqoon jiray ee safar dad loo aadayo eegga ayaa iigu horraysa.

Xabsigii ugu horreeyay

Aroornimadii denbe ayaa la ii keenay niman meel fadhiya, waxayna billaabeen inay i waraystaan. Su’aashii ugu horraysay ee la i waydiiyo waxay ahayd; “Xogtaada oo dhan waa haynaa, waanan ognahay inaad nabad-diidka ka tirsan tahay, ee waxaan u baahanahay inaad noo sheegto ciddii hawsha kugula jirtay iyo dadkaad la xidhiidhi jirteen. Waxaan u sheegay inaan ahay arday, waligayna aanan nimankaas la shaqaynin. Markii ay wax yar i waraystaanba, intay is-xanaajiyaan ayay dhirbaaxo iyo faydh igu billaabayeen.

Muddo dhawr maalmood ah ayaa saacad walba mar la ila tagayay oo la i waydiinayay su’aalo isku mid ah, jidhdil xad-dhaaf ahna la igu samaynayay. Garaacista iyo dhibaatooyinka jidhkayga loo gaysanayo kuma ekayn jidhdilka ay igula kacayaan ee waxay marba iigu hanjabayeen inay i dilayaan, walaalkay iyo waalidkayna ay dileen. Marar badan ayaan Ilaahay ka baryay inuu nafta si fudud ii dhaafiyo.

Intuu Caabi hadalka ii waday marar badan ayay indhahayga ilmo qoysay, anigoo ku sigtay inaan waraysiga joojiyo oo aan nasasho qaato. Hase yeeshee haddana dib ayaan isk waansanayay, waxaanan xusuusanayay inay jiraan kumannaan Caabi oo kale oo dhibkanoo kale la mariyay ama haddaba lagu hayo.

 

 

Xabsigii labaad

Caabi ayaa hadalkiisii sii watay oo yidhi; Qiyaastii bil markaan halkaas ku xidhnaa ayaa haddana xabsi kale la i geeyay, waxaana la ii sheegay in maxkamad la i saari doono oo xabsi dheer la igu xukumi doono. Waxay ii sheegeen inay dhammaysteen baadhistii ay u baahnaayeen oo dhan, isla markaana ay ururiyeen caddaymihii loo baahnaa ee tilmaamayay inaan Nabad-diidka ka tirsanahay. Ninkii hadalka ii sheegay ayaan waydiiyay sida ay ku xaqiiqsadeen inaan nimankaas ka tirsanahay, wuxuuna ii sheegay in dadkii ila shaqayn jiray ay igu markhaati fureen, isla markaana aan shaqada Nabad-diidka ku guda-jiray markii la i soo qabtay.

Xabsiga la i geeyay wuxuu ahaa mid wax yar ka roon meeshii markii hore la igu hayay, wuxuuna xidhiidh wadahadal noo billowday askartii xabsiga ka shaqaynaysay, iyadoo markii denbe ay ii suuragashay in ehalkaygii lala socodsiiyo inaan halkan ku suganahay. Waxay ahayd farxaddii ugu badnayd ee i soo marta, markii la ii oggolaaday in la i soo booqdo. Dad badan ayaan Jigjiga ka aqaanay, hase yeeshee intii hadda ka horraysay xogtayda waa laga qarinayay oo looma sheegin meesha aan ku xidhnahay.

Booqashada dadku waxay ii noqotay naruuro aan aad ugu diirsado. Waxay iiga warrameen reerkii iyo waxa xaalkoodu ku denbeeyay. Waxay ii sheegeen in aabahay loola qaxay dhinaca Addis Ababa oo dhuumasho lagu geeyay isbitaal Addis Ababa ku yaalla. In raggii kale ee walaalahay ahaa ay kala carareen, hooyana dhuumasho ku joogto. Waxay ii sheegeen in dhalinyaro ehelka ahi ay aabo hayaan.

Arrintaasi sidii dhinbil dab ah ayay qalbigayga u gubtay. Annagoo afar qof ah ayaa aabo isu bed-beddali jirnay, haddana hal ruux oo naga mid ahi lama joogo. Waana nin waayeel ah oo aad u xanuunsan oo ay ku adag tahay inuu xataa koob biyo ah gacantiisa ku cabbo. Anigu halkan ayaan ku qabbir nahay, dadkii kalana way kala firxadeen. Wuxuu xaalkaygu noqday ninkii yidhi; “Walaalaha is-jecel wadka kala geeyow, is-waaye waaxyahaygii”.

Caabi ayaa hadalkii ku margaday, wuxuuna tahli kari waayay inuu hadalka sii wado. Anigoo ay tin iyo cidhib murugo i saaqday, ayaan Caabi jalleecay. Ilmo ayaa dhabannadiisa ka deganaysay, indhuhuna dhicir guduudan ayay isu baddaleen. Warqad iyo qalin uu gacanta ku hayayna si baraad la’aan ah ayay uga dhaceen.

Waxaa dubaaqiisa kore laga dareemi karayay awoodda ku cabudhsan uurkiisa, ee malaha ka dhex-dhalatay hardanka ka dhexeeya ciilka iyo cadhada ka haysa dulmiilayaasha xaqdaradda ku haysta iyo isku dayista uu isku dayayo inuu garwaaqsado xaaladda jujuubka ahee uu ku sugan yahay oo aan u suurgalinaynin inuun siduu rabo u tasarrufo.

In muddo ah ayay Caabi ku qaadatay inuu caadigiisii ku soo noqdo, hase yeeshee nasiib wanaag markii denbe wuxuu ku guulaystay inuu sheekadii ii sii wado, wuxuuna yidhi;

Dhawr mar oo kala duwan ayaa dad ehalka ahi i soo booqdeen. Mar kasta oo qof i soo booqdo waxaan dareemayay in culays badani iga dhacay, isla markaana waxaan ku raaxaysanayay daqiiqad kasta inta ay ila joogaan. Waxaa is-baddal yari ku dhacay noloshaydii. Waxaan dareemay naruuro yar, waxaanan marba maskaxdayda ku mashquuliyaa wararka ay iiga soo sheegeen dibadda.

Geeri naxdin leh

Maalinkii denbe ayaa nin ehelka ka mid ah oo wajigiisa ay murugo aad u badani ka muuqato ii yimid. Aad ayaan wajigiisa uga naxay markii aan arkay, waxaanan qiyaasay inuu war naxdin leh ii wado. Sida caadada ah dadka i soo booqda  looma oggola inay meel ila fadhiistaan. Waxaan istaagnaa meel askarta agtooda ah, dadqiiqado yar ka dibna meeshaydii ayay dib iigu celiyaan. Ninkii ayaan waydiiyay in nabagelyo jirto, hase yeeshee wuxuu iigu jawaabay “Aabo Alla ha u naxariisto, samir iyo imaanna ha inaga siiyo”.

Indhaha ayaa hal mar i madoobaaday, waxaana igu dhacay wareer aan la taagnaan kai waayay. Salka ayaan dhulka dhigay, qaddar daqiiqado ah ayaanan xaalad maqnaansho ah ku sugnaa. Goor denbe ayaan ku soo baraarugay iyadooy i hareera joogaan dhawr qof oo ninkii i soo booqday ka mid yahay.

Mid askartii ka mid ah ayaa intuu si jees-jees ah ii eegay, yidhi; “war aaba jeclidaa…..ma inuuna dhimanaynin baa horay laguugu sheegay?” Waxaan maqli jiray “Mulacna dilmo ayay ku tahay, carruurna ciyaar ayay ka tahay”. Isaga jees-jees ayay ka tahay, anigana hadalkiisu qalbigayga ayuu dhaawacayaa.

Kama xumaanin geerida, oo markii horaba waan ogaa in la wada dhimanayo, laakiin waxaan ka murugooday in aabahay uu xijaabtay, iyadoo aan ka wada-maqanahay, oo duruuftu nagu qasabtay inaan cidlayno.

Waxaa la ii sheegay in maydkii aabo la keenayo magaalada Jigjiga oo lagu xabaali doono, taasoo aan u arkay inay tahay fursad laga yaabo inay ii suuragaliso inaan aaskiisa ka qayb galo. Waxaan markiiba ka codsaday ninkii xabsiga haystay in la ii oggolaado inaan aaska ka qayb galo, oo la igu daro askari i laaliya, hase yeeshee nasiib darro si cad ayuu iiga diiday, wuxuuna ii sheegay in xabsiga aan laga fasax qaadanin, oo dadka denbiilayaasha ah aan loo oggolayn inay bulshada dhex-galaan.

Laba-geeriyaad ayay arrintaasi igu noqotay, waxaanan Ilaahay ka baryay inuu nafta iga qaado. Mar kale ayaan geerida door-biday oo aan Eebe ka baryay inuu dhimasho degdeg ah iigu deeqo. Waxaan dareemayay inaan ciqaab adduunyo ku jiro. Waxaan marba isku dayay inaan Quraan akhristo, si aan uga bogsoodo dhiillada adduun, hase yeeshee waxaan niyaddayda ka fujin kari waayay inaan ka fekaro wadciga aan ku suganahay.

Qiyaastii afar bilood ayaan isla xabsigii ku sii jiray, iyadoo bishii ugu denbaysay la iga mamnuucay in cidi i soo booqato. Waxaan ka fekarayay sida ay dadku uga naxayaan booqashada laga diiday, sababtoo ah qofka xabsiga ku jira in la dilay waxaa lagu gartaa, cuntada loo geeyo iyo dadka soo booqdaba waa la soo celiyaa, sidaas darteed waxaan dareemayay in la igu tiring doono in la i dilay.

Dugaag loo yeelay dub bani’aadam

Dadka meeshan ka shaqeeya waa dad aan dabiici ahayn oo meel aad ugu soo hagaagto ma laha. Dusha sare bani’aadam ayay uga eg yihiin, laakiin dhaqan bani’aadam ma laha. Intooda badan waxaan filayaa in sida shaaha loogu xaraaroodo ay jidhdilka ugu xaraaroodaan. Waxaad arkaysaa qaar iyagoo jidka iska maraya markay ku arkaan lagu soo degayo, ka dibna ay feedh iyo laad kugu billaabayaan.

Hadal badan nama dhex-maro, oo waxaan filayaa inay iyaga laftoodu ka cabsanayaan inay nala hadlaan ama ayna jeclayn inay nala sheekaystaan. Su’aasha kaliya een marar badan waydiin jiray waxay ahayd inay ii sheegaan goorta maxkamad la i saarayo. Iyadana jawaab sugan igama ayna siin jirin.

Maalintii denbe ayaa waxaa ii yimid nin aan horay u aqaanay oon xabsigii hore ku kulanay. Markii ugu horraysay een ninkan la kulmay, wuxuu ii sheegay inuu dad meesha ku jira soo booqday, laakiin dib ayaan ka ogaaday inuu askarta la shaqeeyo. Ninkii ayaa ii yimid, wuxuuna i waydiiyay in meesha wax alaab ahi iga taallo. Anigoo aad ula yaabban su’aashiisa, ayaan u sheegay inaan waxba iga oollin. Wuxuu igu yidhi, waan is-raacaynaa. Hase yeeshee wax faahfaahin ah oo kale ima aanuu siinin. Murugo hor-leh ayaa igu dhalatay, waxaana maskaxdayda ku soo dhacay su’aalo badan oon jawaab lahayn.

Billowgii qaxa

Waxay ahayd ammin casar-gaabad ah oo dad aad u badani ay jidadka qulqulayaan. Dadku way iska mushaaxayaan, oo koox-koox ayay u sheekaysanayaan, qaarkoodna  magaalada ayay ka danaysanayaan. Waxaan filayaa in qaar badan oo dadkan ka mid ahi in aanay ka war-haynin dhibaatada aan ku sugnahay, hase yeeshee waxaan hubaa in intooda badani ay xog-ogaal u yihiin dhibaatada maxaabiista. Waxaa hubaal ah in qaar badan oo dadkan ka mid ah la xidhay ama qaar ehelkooda ka mid ah la xidhay ama la dilayba.

In muddo ah markaan soo soconay ayuu ii sheegay inaan xor ahay, laakiin la iiga baahan yahay inaan isla caawaba magaalada ka baxo. Wuxuu kaloo ii sheegay in xabsiga la igu celinayo haddii aan magaalada ku waabariisto.

Waxaan noqday ninkii Ilaahay ka baryay inuu Jawaan lacag ah siiyo ee markii la siiyay, haddana xammaalkii qaadi lahaa Eebe ka baryay. Waxaan in badan Ilaahay ka baryay inuu nimankaas iga furfuro. Hadda oo Ilaahay ducadaydii iga aqbalayna, waxaa dhib igu haysa sidii aan isla caawa magaalada uga bixi lahaa. Nooli aan ku tago ma haysto, meel aan ku hagaagana ma garanayo.

Nin kale oon magaalada ku ogaa ayaan gurigiisii soo abbaaray, anigoo isku dayaya inaan cidina i arag ama i bar-garanin. In kastoo aan filyay inaan cidina i garan karin, sababto ah aad ayaan u tin-xumaa, waxaanan la liitay xanuun igu dhacay intii aan xabsiga ku jiray. Maryaha aan qabo laftoodu waxay ahaayeen kuwo qofkii arkaa uu ka yaqyaqsan lahaa oo dhinacna haylaamo noqday, dhinaca kalana wasakh la kogay.

Dhawr saacadood ka diba waxaa baabuur la ii saaray xagga Itoobiya. Waxaa talo lagu gooyay inaan xaggaas iyo Itoobiya u sii kaco, halkaasoo laga yaabo inaan ku dhuumaalaysan karo inta aan meel uun uga baxayo.

Muddo bil ah ayaan Itoobiya sii joogay, anigoo dadkoo dhan iska qarinaya. Ka dibna waxaa dhammaantayo qasab nagu noqotay inaan u soo qaxno halkan, oo dhawrkii bilood ee ugu denbeeyay aan ku noolayn.

 

Sii daynta xabsiga la iga soo daayay Ilaahay ba qaddaray, laakiin waxaa sabab looga dhigay lacag madaxfurasho ah oo la siiyay nimankii sii dayntayda ka shaqeeyay. Nimankani waxay laaluush u qaateen 1500 oo dollarka maraykanka ah, taasoo aan anigu “madaxfurasho” ku tilmaamo.

Caabi ayaa, isagoo afka jillow wayni kaga taallo, walina ay dhibaatadii xabsigu ka sii muuqato, wuxuu hadalkiisii ku soo gabagabeeyay; “Anigu waxaan ahay qofka dhibaatada ugu sahlan kala soo kulmay xabsiga. Waxaa jira boqollaal dad ah oo xabsiga ku soo lixaad beelay, oo hadda halkan nala jooga”.

Caabi intii uu ii warramayay oo dhan, waxaa marba hadalka ka kala goynayay qufac xooggan oo si xidhiidhsan u qabanayay, waxaanan mararka qaarkood maqlayay hiinraagga laabtiisa ka yeedhaya. Caabi waxaa laga daweeyaa cudurka Qaaxada, oo ku dhacay intii uu xabsiga ku jiray. Wuxuu sidoo kale i tusay dhaawacyo badan oo jidhkiisa ku yaalla, kuwaasoo ka soo gadhay jidhdilkii xabsiga loogu gaystay. Waxaa labadiisa cukur wali ka soo muuqda raadka xadhiggii gacmaha lagaga xidhi jiray marka la garaacayo ama la ciqaabayo.

Sheekada Caabi waxay far-iyo-suul inoo daraysa dhibaatada loo gaysto maxaabiista reer Ogaadeenya ee ku sugan xabsiyada gumaysiga Itoobiya. Waxaa jira dad kumannaan gaadhaya oo xabsiyada ama lagu dhex-dilay ama darxumo iyo jidhdil ugu dhintay. Waxaa kaloo jira kumannaan iyaguna xiskoodii ama lixaadkoodii ku beelay, iyo kuow kale oo aad u badan oo dhibaatadaas wali lagu hayo hadda oo aan sheekadan qorayo.

 

Axmed Yaasiin Cabdi

10 Jan. 13

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay