Wararka naga soo gaadhayay todobaad ka hor magaalada Jigjiga waxaa ka mid ahaa inuu Cabdi iley shir ku qabtay halkaa wuxuuna kaga hadlay aadna ugu dheeraaday arin aan laga fileeynin meesha (waa siday u soo qoreen dhambaalka), oo ahayd in laga hortago shirar iyo banaanbaxyo ay ONLF ku qabsaneyso dalka dibadiisa gaar ahaan Ingriiska London. Wuxuna yidhi; ” .. Waxaa loo baahan yahay in ninkasta oo shirkan fadhiya uu la xidhiidho eheladiisa halkaas dagan una sheego in ayna shirarka iyo banaan baxyada ONLF wado ka qeeyb galin.”  Sababta maxay tahay? Wuxuu yidhi; Waa banaanbaxo ay ONLF kilika iyo Itobiya guud ahaan ku waxyeelaynayso oo khatar inagu keeni kara. Sidaas aawgeed qof waliba hakahortago waxaana u banaan qofkasta oo eheladiina kamid ah laba mid uun.

  1. in uu ka hortago banaan baxaas oo mid uu Itobiya ku taageerayo ka garab sameeyo.
  2.  iyo in uuna ka qeeybgalin banaan baxaas.

In Teleefoonadii la diray iyo in aan la dirin hawl inoo taala ma’aha. Cabdi Iley waxaa qasab ku ah inuu Itobiya soo hordhigo daliil muujinaya faa’iidada ay Itobiya ka heshay malaayiintii uu ku bixiyay mashruucii –Qurbajoogta-. Waa hubaal inuu gumaysiga jecelyahay beenta loo dhiibo inay u rumowdo, hasa ahaatee hawlgaladii jaaliyadaha xorta ah ee Somalida Ogadenya ay ka fuliyeen maalintii shalay ahayd London iyo Minnesota waxay ahaayeen fariin mugweyn oo ku socota gumaysiga Itobiya.

Dagaalka iyo halganka shacabka Ogadenya wuxuu ku wajahan yahay gumaysiga Itobiya. Qofkii caqli leh damiirkiisuna uu noolyahay arintaasi daah kama saarna. Caalamkana wuu ogaaday hadda oo ma’aha arin muran uu ka taagan yahay. Hasa ahaatee Itobiya oo waayadii hore ku majara-habaabin jirtay qadiyadda Ogadenya inay tahay muran xuduudeed u dhexeeya laba dawlad oo daris ah, arintaasoo ay ku xalisay xeerka loo yaqaano xaduudahii Afrika uu ka dhaxlay gumaysigii Yurub, ayaa halganka shacabka Ogadenya ee JWXO uu ku noqday dhimbil dab ah oo siday aaminsan yihiin gubi doona khariida beenaadka ay meegaareen. Maadaama caalamka uu filyay inay Itobiya ka nasato qadiyadda Ogadenya, markay ku guulaysatay inay burburiso dawladii Somaliyeed, waxaa ku soo baxay oo jiif iyo joogba u diiday halganka ka socda Ogadenya ee JWXO ay hogaaminayso ee shacabkii dalka lahaa ay caruur iyo cirooleba isu taageen halgan-kaasoo xeerkii Afrika ay ka saxiixday aanu qabanin. Itobiya marnaba kuma seexan oo kuma soo toosin shacab asalkoodu yahay Somali (Itobiyaanka waxay u yaqaanaan Somalida dad aan adkaysi lahayn oo dhibka aan u sabrin), oo muddo aan ka yareyn qarni ay gumaysanaysay ayaa siyaasadda caalamka kugula looltami, oo dunida ka dhaadhicin kara inay yihiin shacab karti iyo aqoonba u leh inay hantaan gobanimadooda. Waxaa gumaysiga ugu dambaynta uu u dhintaa isla-weynidiisa iyo quudhsiga uu ku hayo shacabka uu gumaysto.

Marka gumaysiga uu ogaado inuusan kali ahaantii cudud ku jabin karin xooga gobanimadoon ee ka soo horjeeda ayuu dib ugu soo noqdaa shacabkuu gumaysanayay inuu ka dhex helo qaar iyaga ah oo magaciisa ku duula, shacabkana mariya dhibaato aanay waligood la kulmin si shacabka looga dhaadhiciyo inuu gumaysiga uga roonyahay wiilashoodii ay garanayaan. Sidaan marar badanoo hore soo sheegnay, arinta noocan ah ma’aha mid ku gooni ah shacbkeena ee waa mid ay soo mareen dhamaan shucuubtii halgan gobanimadoon soo martay. Waxaan ognahay kuwii loo yaqiinay –Xaraki- ee Algeeriyiinta ahaa ee la socday Farasiiska dhibaatada ay u gaysteen shacabkooda. Sidoo kale ururkii la odhan jiray Inkatha e ka soo horjeeday kacaankii xoriyadda iyo sinaanta dadka madowga ah ee Koonfur Afrika. Sidoo kale waxay mareysaa xaaladda gumaysiga Itobiya inuu miciin bido oo tala la weydiiyo Cabdi iley oo isgiina uu kolba aleesha dhan u rogo. Sidiisaba gumaysi ma raaco qof caqli leh iyo qof aqoon leh oo diin iyo taariikh mid un xeerinaya.

Gumaysi waxaa raaca qof ay shaqsiyadiisa liidato oo ilaalinta sharaftiisa iyo danta umadiisa aan uga dhowrsan karin laaluusha gumaysiga. Gumaysiga qudhigiisu wuu ogsoon yahay arintaa, hasa ahaatee danta ayaa ku qasbaysa inuu shaqsiyaadka noocaa ah urursado. Khasaare waxaan ahaynse kala kulmo, sida ku xusan taariikhda, anagana aanu aragno.

Waxaa hubaal ah qof jooga Mareykanka in aan cidna u diidi karin inuu ku banaanbaxo wuxuu doono oo muujiyo aaminaadiisa, taasoo ka mid ah qodobada muqadaska ka ah xeerka iyo dastuurka dalka Mareykanka. Sidaa darteed haday jiraan dad Somali ah oo aaminsan inay u adeegaan Itobiya oo calanka Itobiya xishood la’aan ka lulaan fagaarayaasha cidna uma diideen, hasa ahaatee, qofna dareenkiisa iyo shucuurtiisa beenkamagadi karo. Qof ka mid ah S.Ogadenya oo maskaxdiisa ay fiyowdahay lagama yaabana inuu sii xambaarto calanka Itobiya oo is-hortaago goob lagaga hadlayo xuquuqda iyo gobanimada shacabka Somaliyeed ee Ogadenya.

 

Banaabaxa gumaysiga la doonayo in laga iibiyo ee la yidhi waxaa lagaga soo horjeeday ONLF waa midka sawiradiisa ay soo galiyeen shabakadaha daba-qoodhiga laga xishooday in dadka wajiyadooda xataa si fiican loo arko, iska daa in la akhriyo hadday jireen boodhadh ay wateen oo wax lagu soo qoraye. Goormuu dhacay banaabaxan, yaase dhigay? Sida ka muuqata waa banaanbaxyadii lagaga soo horjeeday KT Meles ee mucaaradka Itobiya.

Sawirka dhabta ah ee muujinaya dadkii soo banaanbaxay ee Teleefanadii looga soo diray Jigjiga qaatay, ka dibna ka cararay goobtiina waa intan:

Runta ayaan ku go’aanqaadanaynaa, Gumaysigana beentii laga iibiyo haku go’aan qaato.

ONA.

 

 
 

1 Comment

  1. Abdifatah says:

    Waa hadal nin weyn ku qanco masha allah

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay