Hawl wadeenada jaaliyada Ogadeniya ee South Africa & madaxa Hogaanka Arimaha Abaabulka iyo Bulshada ee Jabhadda wadaniga Xoreynta Ogadeniya (ONLF) Halgame Sheekh Maxamed Cabdi Yaasiin (Diirane )  ayaa maalinimadii shalay kulan albaabadu u xidhanyahay la yeehsay maamulka jaaliyadda.

Shirkan oo ka dhacay magaalada Johannesburg ee Koonfur Africa gaar ahaan xaafada Mayfair ee ay Somalidu ku badantahay ayaa Saacado qaatay iyadoo inta badan shiishka lasarayay arimaha la xidhiidha halganka iyo isbadalada ka socda Geeska Africa.

Xubnaha kaadirka iyo gudiyada shaqada ayaa fursadan uga faa’idaystay ka dhiibashada fikradahooda ku aadan horumarinta halganka dhinaca siyaasada, ciidanka iyo arimha bulshada. Kulankan  oo ahaa kulan  mid noociisa ahi uuna horay uuga dhicin halkan ayaa ahaa mid siwaaafi ah loogu guulaystay ujeedooyinkiisii.

Sidookale waxaa kulankan lagu qiimeeyey hawlihii socdaalkii Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Bulshada, waxayna gudiyada xubnaha kaadirka iyo hogaankuba isla garteen inuu ahaa mid laguguulaystay iyadoo hoosta laga xariiqay  dhamaan qodobadii shirka iyo sii xoojinta hawlaha jaaliyada (JOKA).

Kulankan ayaa ku soo hagaagay xili  uu soo afjarmay Hawlo kormeer iyo Abaabul  oo ka socday wadanka Koonfur Afrika kuwaas oo isugu jiray Abaabul  & xoojinta halganka isla markaana  loogu talagalay in  lagu mideeyo  shacabka Somalida Ogadeniya ee uu Gumeysigu haysto

Xyi Yare/South Africa – Johannesburg.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay