Sanadihii la soo dhaafay wuxuu gumaysiga xooga saaray inuu adeegsado dacaayad raqiis ah oo kharash badan uu ku bixiyay, taasoo ujeedada uu ka lahaa ay ahayd inuu dadka dibadaha jooga een xogta dhabta ah la soconin uu ka raarido barnaamijyo loogu talagalay niyad jabin oo ah (PSYWAR). Hasa ahaatee siduu Ilaahay inoo sheegay, kharashkii badanaa ay ku bixiyeen waxay kala kulmeen khasaare un.

Gudoomiyaha Xarunta Dhexe ee JWXO iyo Taliye Axmad Sanweyne oo ahaa taliyihiin hawlgalkii Calanside ee gumaysiga ay ku sheegeen inay dileen, waxay kaga xogwarameen wareysigan dagaalada iyo halganka ka socda gudaha iyo siyaabaha ay u fashilyeen qorshihii gumaysiga ee ahaa inay soo dagaal-galiyaan maxaysatada Hawaarinta iyagana xeryaha magaalooyinka waaweyn lagu ilaaliyo. Waxay sidoo kale kaga xogwaramayaan siday u fashilyeen heshiiskii ay shirkadaha Shiinaha iyo Itobiya ku gaadheen in muddo sanad ah lagu soo saaro shidaalka cigaaga Ogadenya.

FG: Cilad dhanka farsamada codka ah darteed ayaan wareysigan xiisaha leh ugu rognay Youtube ee dhagaysi wacan:

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay