Hordhac.

Ethiopia waxay dhacdaa bariga Africa. Waxay soohdimo dhaadheer la leedahay Sudan, Koonfur Sudan, kenya, Soomaalia, Jabuuti & Eritrea. Ethiopia waa wadan aan lahayn Bad, ayna ku weegaaranyahiin wadamo Bad leh marka laga reebo konfurta Sudan. wadanka Ethiopia waxaa lagu qiyaasaa in ay ku dhaqan yahiin 85* malyan oo qof oo u badan Beeralay iyo xoolo dhaqato. Waxaa lagu tiriya wadamada aduunka ugu saboolsan, sidoo kale ugu hormarka yar caalamka. Wadanka Ethipia waxuu leeyahay, Hal shirkad isgaadhsiin (Ethiopia Telecom), laba idaacadood marka laga reebo dhawr magaalo oo raadiyaal FM ah leh, hal TV iyo dhawr jaraa’id oo dhamaantood dawladu leedahay. Dadka Ethiopia waa kuwo faqiir ah oo ku tiirsan gargaarka caalamka.

* Tira-koobkan waxaa ku jira qawmiyadaha ay Itobiya gumaysato ee gobanimadooda u halgamaya.

Ethiopia.

Si ahaanteeda wadanka maanta Ethipia loogu yeedho waxaa lagu qiyaasaa in ay soo martay 1137 boqortooyo taniyo markii loogu yeedhi jiray Abyssiinia iyo waxii ka horeeyay ee ay u kala qoqobnayd saldano magaalooyin ka taliya. Aan kasoo qabsano Boqor Melelik II waxuu ku dhashay meel u dhaw magaalada Dhebra Birhaan ee ismaamulka Axmaarada.

Dabayaaqadii qarnigii 19-aad ayuu boqor Melelik II oo ahaa boqorkii xabashida (1889-1913) ee jabiyay boqotooyinkii loo yaqaanay Zemana masaafinti ( Sanadihii boqortooyinka) ayaa si xoog ah ku qabsaday dhamaan boqortooyinkii & Saldanadihii kala duwanaa ee Habashida. Melelik II oo ay Soomaalidu u taqaano Mililikh ayaa boqortooyadiisa ka soo bilaabay Galbeedka Shawa, kadib maquuniyay inta badan saldanadihii qadiimka ahaa ee ka jiray waqooyiga Ethiopia. waxuu u qalab qaatay in uu dagaal ku qaado boqortooyinkii & saldanadihii kala duwanaa ee ku xeernaa, si uu dhulbalaadhsi u sameeyo. Sida caadada u ahayd boqortooyinkii xiligaas markii ciidankoodu bato ee ay u waayaan hanti ku filan waxay u jahayn jireen dagaal & raadinta dhul horleh oo ay ka taliyaan, si loo kala ilaaliyo ciidanka boqortooyada iska hor imaad/dagaal ka dhex qarxa ama ayna boqortooyada lafteeda dib ugu soo noqon. Boqorkii xabashida ee Melelik II ayaa waxuu dagaal adag la galay boqortooyinkii u talinayay Oromada, hadhaaga Saldanaddii soomaalida ee uu hogaamin jiray Sheekh Imaam Axmed Guray oo ka hor wakhtigaas dagaalo lagu wiiqay & dhamaan bulshooyinkii isugu jirtay dhaqatada & dhul qodotada ee koonfurta Ethiopia waxa hada loo yaqaan. Dagaaladan ayaa si aad ah uu Melelik oo markaas ciidan xoogan lahaa ugu wiiqay dhamaan baqortooyinkii kala duwanaaa ee ka jiray dariskiisa & Bulshooyinkii ku xeerraa. Boqor Melelik II waxuu go’ aan saday in uu sameeyo dal ka balaadhan boqortooyo yar oo gobol ka arimisa. Waxuu dagay oo uu xarun ka dhigay goob xukunkiisa mihiim u ahayd, marka laga eego dhanka isku xidhka gobolada ,duulaanka, gabaadka, saadka, biyaha iyo isaga oo boqortooyinkii burburay kala durkay fadhigiisa. Melelik II waxuu go’aansaday goobta uu dagayo in ay noqoto badhtamaha boqortooyadadiisa.

Boqor Melelik II ayaa dagay badhtamaha Shawa oo ah ubucda qoomiyada Oromada oo dhinaca ku haysa labada gobol ee boqortooyinkii Abyssinia, soo maray ka dhisnaan jireen ( Tigree & Amaara/Axmaaro), Shawa Waa dhul ay ku hareeraysanyahiin buuro aad u waawayn oo gaftinada isku wada haya lehna babacyo, sakooyin & dhul godan oo gabaad u noqon kara ciidanka boqorka, ayna ka heli karaan biyoo,baad & difaac ku filan & deegaano ay farduhu u daaqaan. Waa dhul ay ka buuxaan dhir kala duwan oo guudkeeda ay heeryeeyeen ubaxyo baalasha iskula jira oo kala jaad ah, sida ubaxayada loo yaqaan zegeradha, Maskaram Abeba & kuwo oo kale oo badan oo ayna dhaayuhu ka daalayn dhugashadooda qalbiguna ku nasanaayo noocyada ilaahay u abuuray. Waxuu sahanku ilaalada ka laba rogaba Buurta buuraha ugu dheer ee loo yaqaano Intooto dhakadeeda ayaa lagu furay fardahii boqorka iyo ciidankiisii. Intooto oo ay magaalada Addis Ababa hada hoosteeda ku taalo waa buur aad u dheer oo dusheeda sare ayna Dhadadu ka kicin aadna u qabow. Raadkii ama Aradkii deegaankaas buurta wayn ee Intooto dusheeda ilaa wakhtigan xaaliga ah way ka muuqdaan ama Guryahii & Kaniisadihii boqortooyadu wali way ka dhisanyahiin. Buurahan waa dhul ay ku badan yahiin ama deegaan ahaan ay u leeyahiin qoomiyada Oromada, waxaana loogu yeedhi jiray Finfinne kuwana waxay dhihi jireen Sheger. Buurta Intooto markii waxoogaa la daganaa waxay noqontay meel aan xaabo fiican lahayn, sidoo kale buur dhakadeed ah oo aad u qabow waxaana loo sahamiyahay qawga hoose ama babacyada, sakooyinka iyo dhuldhaca daadaga ah. Sahankii ayaa la soo kulmay dhul aad uga waasacsan oo ay goorada is galiyeen dhir isku wada maran. Waa dhul qabow oo roobku uuna ka qaadin hadana kaad ah oo Biyo yaaxeen ah leh, oo kaymo ku xeeranyahiin, dhankastana buuro kaga gaadaamanyahiin.

Haweenayda boqorka oo la odhan jiray Taytu Betul ayaa la ilxaaxday dhulka quruxdiisa waxayna dhahday halkani waaba Addis Ababa (ኣዲስ ኣበባ)( waa ubaxii cusbaa). Waxaa la go’aamiyay in halkaas lagu furo fardahaha, boqorka xaasikiisa ayaa ka dhisatay gurigii ugu horeeeyay ,gurigaas oo uu ubadalay qasriga boqortooyada Melelik II intii uu balaadhiyay, ilaa hadda oo aynu joogno ah Fadhiga /xarunta dawlada Ethiopia, sidoo kale qoysaska hogaamiyaashii ku hareeraysanaa ay Jabadka/Ooda meeriyeen. Waa meel hadda ku beegan xaafada kaasaanjis ee magaalaada Addis ababa. Magaalada 1886 oo la dhagax dhigay iyo goortan u noqonay Ethiopia caasimada, waxaa dhulbalaadhsi ku dagay maalinkaas kana badalay macii hore ee loo yaqaanay buurahan ay ku taalo boqortooyadii xabashida ee uu hogaamin jiray Melelik II. Ujeedadii uu u dagay halkaas waxay ahayd in uu dagaal dhankasta ah ku qaado Saldanadahii qoomiyada Oromada, saldantii Imaam Axmed Guray ee hadhaaga ku ahayd deegaanadii soomaalida & kuwii xabashida waxii laydha ka joogay si uu dhulbalaadhsi horleh u sameeyo.

Waxaana uu markiiba yagleelay waxa moogan loo yaqaano Ethiopia oo ay caasimad u tahay magaalaada Addis Ababa. Melelik II inkasta oo uu gaadhay qayb ka mid ah yoolkiisii hadana ma moogayn khatarta ay ku hayeen taageerayaashii & hadhaagii boqotooyinkii uu burburiyay, waxaana uu markasta ku joogay ciidan urursi, duulaan, dagaal & daris burburin, ilaa ugu danbaystii uu noqday quwad muuqata oo gorgoortan gali karta. Furitaankii gacanka Suwees 1869 xeebaha Badda Cas waxay ahaayeen kuwo soo jiitay gumaystayaashii reer Europe. Wadamada aad isha ugu hayay waxaa ka mid ahaa dalka Talyaaniga oo sanadihii 1872 & 1889 qabsaday Magaalooyinka Casab iyo Musawac oo hada ka tirsan dalka Eriterea. Boqor Melelik II oo u baqaya Boqortooyadiisa ayaa markiiba xidhiidh la sameystay Ciidankii gumaysiga Talyaaniga. Waxayna kala saxiixday heshiis markii danbe khilaaf ka dhashay dhanka macnaha uu xanbaarsanaa. Heshiiskan oo loogu wanqalay Heshiiskii Wujaale, Wujaale Wul ( luuqada axmaariga) Treaty of Wichale(Ucciali) ayaa luuqada axmaariga marka laga eego macnaha uu xanbaarsanaa waxaa uu ahaa heshiis saaxiibtimmo & isbahaysi meesha luuqada talyaaniga uu xanbaarsanaa macna ah in Ethiopia ka mid tahay dhulalka uu gumaysto Talyaanigu cid ka talaabsan kartaana ayna jirin. Markii Melelik II uu ogaaday xaaladu halkay marayso waxuu Waraaq dag dag ah u diray Boqoradii Britain Queen Victoria, Hogaamiyii Jarmalka iyo Madaxwaynahii faransiiska, uuna ugu sheegayo in Ethiopia tahay dal madax baanaan sheegashada Talyaaniga ayna waxba ka jirin. 1893 waxuu Melelik II ku dhawaaqay in heshiiskaas uu ka baxay. Is khilaafka Qolaba waxay qoratay ayaa ugu danbayntii 1895 waxaa bilowday dagaal u dhaxeeya boqortooyadii Melelik II iyo Talyaaniga oo salka ku haya heshiiskaas. Dagaalkan oo ka dhacay Adhwa(Adwa) oo eegga ka tirsan gobolka Tigree waxaa lagu jabiyay ciidankii gumaysiga ee Talyaaniga. Guuldaradan ayuu Talyaanigu ku ogolaaday in Ethiopia ay ka madax banaan tahay maamulkiisa. Dhanka kale Boqor Melelik II ayaa guushaas ku durkistay Oodiisii, waxuuna samaystay soodimo uu leeyahay waa xuduuda boqortooyadiisa. Boqorka ayaa dagaal uuna waxba ula hadhin ku qaaday bulshooyinkii ku hareeraysnaa si uu ugu cadaadiyo in ay Boqortooyadiisa ka mid yahiin. Sida taariikhdu inagu soo gaadhay waa markii Ciidan Xabashi ah oo Fardo & Baqalo ku jooga ay cagaha soo dhigteen ciida Soomaalida Ogadeenya. Melelik II waxaa uu bilaabay in uu Axmaareeyo/Xabashiyeeyo bulshadii uu qabsaday oo uu ka badalo isirka, dhaqanka, iyo luuqadaba. Bulshooyinkii sida daran ay arintan u saamaysay waxaa ka mid ah Oromada oo ahyad qoomiyadii ugu badnayd shucuubtii uu qabsaday Melelik II dal iyo dadba, hadana ugu badan Ethiopia laguna qiyaaso in 42% dadka ku nool Ethiopia ay yahiin qoomiyada Oromo. Dagaalkan lagu wiiqayay isirka ,dhaqanka, dhaqaalaha iyo luuqada bulshooyinkii la qabsaday ee ay ka midka ahayd Oromadu ayaa isugu jiray mid dagaal & mid siyaasadeed. Bulshada Oromada ayaa ku jirta ubucda dalka Ethiopia la isku yidhaahdo maanta. Cadaadiskii adkaa ee la saaray kala qaybinta & asal badalka bulshada Oromada ayaa waxaa loogu yeedhaa wakhtigii Axmaaraynta. Barnaamijkan loogu xusuus badan yahay Amarization ama axmaarayn, Qoomiyadaha sida daran ugu aafoobay oo isugu jiray dagaal & cadaadis dhanka dhaqanka, luuqada & isrirka waxaa ka mid ah qoomiyadaha Oromada, Adarida & Orgobada oo luuqadoodii xitaa ku cidhib beeshay ololahan awgii.

Sida aydun ka dheehataan Barnaamijyada hada laga soo daayao TV-yada & bogaga internetka ee uu leeyahay gumaysiga Ethiopia ama xidhiidhku isugu qodbanyahay waxaa ka mid ah iyadoo wali uu socdo isir badal & dhaqan baabi’in lagu hayo Qoomiyadaha ku hoos jira xukunka Ethiopia qaarkood. Kuwa idiin muuqda waxaa ka mid ah iyadoo la isku badhxayo dhaqamada & hidaha buslhooyinka, sida ciyaaraha hidaha. Kuwa dadka ka maqan wadanka ee qurba-joogta aan u muuqanin ee dhalinyarada dalka ku hadhay lagu arko, waxaa ka mid ah habka labiska, luqada ay ku hadlayaan ama ereyada qaarkood, cuntada ay cunayaan, qaabka ay u xiirtaan timaha & iyada oo si loola jaal noqdo saraakiisha Tigreega wajiga la iska sarsaro (qoomiyada tigreega ayaa waxay dhaqan u leeyahiin in ay xijibaha/indhaha korkooda & dhafoorka sadex sarimood iska jeexaan ), Wakhti kale ayaan si gooni ah uga hadli doonaa Qodobkan.

Boqor Melelikh II markii uu dhintay 1913, waxaa xukunka ka dhaxlay Lij Iyasu oo uu Awow u ahaa oo isna waxbadan aan ka danbayn. Sida uu ku cadeeyay maqaal uu qoraaga Mudane Xasan Macalin ku baahiyay saaxaafada wakhitigii la isku hayay Males Zanawi wuu dhintay iyo mayee fasax & daansho daanshood ayuu ku maqanyahay waxaa uu cadeeyay in markii uu geeriyooday 1913-kii Boqor Melelik II Geeridiisa la qarinayay muddo 3 sano ku siman, iyadoo golihiisa wasiirada ay go’aan ku gaadheen in aan dadwaynaha Ethiopia arrintaas lala wadaagin. Waxyar kadib waxaa xukunka Boqortooyada & maamulkii caddaalad darada ku dhisnaa ee dalkaas uu dhistay Melelik II 1916kii la wareegay Haile Sellase(xayle selaase). Dagaalkan lagu badalayo Isirka,taariikhda, dhaqanka, luuqada & dhaqaalaha bulshooyinka ee Ethiopia kasoo bilowday wakhtigii Melelik II sidaan sare ku sheegnay waxuu ahaa olole balaadhan oo ka dhan ahaa dhamaan deegaanadii & dadyowgii uu xooga ku qabsaday Melelik II.

Inkasta oo loo kala birlabsanaa sababa la xidhiidha dhaqan adayga,hab nololeedka,deegaanka & kala duwanaansha bulshooyinka hadana duulaanka Melelik II waxaa dhinac socday ololahaas ah in meelkasta oo ciidankiisu gaadhaan dadka lagala wareego waxay hanti haystaan lana Xabashiyeeyo. Bulshooyinka la isku dayay in la xabshiyeeyo waxaa ka mid ah Soomaalida Ogadeenya oo ka mid ahaa dadyowgii ciidankii boqortooyadii xabashidu gulufka kusoo gaadheen goortaas. Xayle Sellase waxuu geediga kasii raray halkii uu ku furay Melelik II, Isagoo xasuuqii iyo balaadhintii xabashiyaynta dadkii xooga & xeeladda lagu muquuniyay kor caynka ugu jiiday. Waxaa Ethiopia wakhtigii Xayle Selaase loo diiday school-lada qof aan xabashi(Tigree iyo axmaar). taasi oo sababtay in dad badan isirka xabashiga si qasab ah & si dhimrinba ku qaataan. Qoomiyada Oromada ayaa tireeda wakhtigaasi hoos u dhacday qiyaastii 35%, kadib qorshahaasi oo si daran u aaafeeyay. Beeralaydii Oromada ayaa lagu qasbay in ay dalaga ka soo go’a beerahooda ku warejiyaan ciidanka boqortooyada, taasi oo sababtay in dadku u dhintaan gaajo & xanuuno. Soomaalida inkasta oo ay reer guuraa dhaqanka ku fara adag ahayd aynana dad reer magaal ah ahayn, sidoo kale ayna dhexgal & isku milinka qoomiyadaha xabshida uu dayr u noqday kala fogaansaha dhaqanka adag ee soomaalida & xabashida, hadana way jireen qoysas uu faraqa ku qaatay Ololahaasi, oo deegaan ahaan magaalooyinka Diridhaba, Harar ama galbeedka dagaanaa. dahnka kale soomaalida waxaa soo gaadhay wax loogu yeedhi jiray Gibir oo lagu canshuuri jiray xoolaha nool.

La soco Q2aad.

Xarbi Aden
ona24@rocketmail.com

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay