Norway: Waxaa taariikhdu markay ahayd 13. January.2013 shir balaadhan isugu yimid xubnaha  Ururka Haweenka Ogaden ee ku nool dalka Norway. Shirweynaha ururka haweenka oo ahaa mid lagu dooranayey maamul cusub oo badala maamulkii hore ayaa si aad ah loogu falanqeeyey halganka gobanimadoonka ah ee ay hogaaminayso Jabhadda ONLF iyo sidii haweenka Ogadenia kaalin lixaad leh uga qeyb qaadan lahaayeen isgarab taaga iyo taageerada dal iyo dibad.

Xubnaha ururka haweenka Norway ayaa hoosta ka xariiqay sida ay lama huraanka u tahay fashilinta cid walba oo ku lug leh qorshaha gumeysiga Woyaanaha iyo dhaqdhaqaaq walba oo gumeysi kal-kaalnimo ah, iyagoo xusay sida ugu fiican ee looga hortagi karo dibindaabyada gumeysiga ay tahay midnimo iyo in meel qudha in looga soo wada jeesto budhcada beesha Tigreeg ee xasuuqa ka wada dhulka Ogadenia.

Maamulka cusub ee Ururka HaweenkaNorwayee dhawaanta la doortay ayaa balan qaaday inay salka dhigaynin ilaa inta gumeysiga Itoobiya xasuuqayo shacabka Ogadenia, waxa ayna isku raaceen qorshayaal dhawr ah oo lagu hawl geli doono bilaha soo socda haddii alle idmo, kaas oo mideyn doono maskaxda, xooga iyo cududa haweenka Ogadenia ee dalkaNorway.

Waxaa sidoo kale kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Axadii lasoo dhaafay xarunta Jaaliyadda S. Ogadenia ee dalka Norway, Ururka Ardayda iyo Dhalinyarada Ogadenia, qeybtiisa dalka Norway.

Kullankan oo ay goob joog ahaayeen maamulka Jaaliyadda, mas’uuliyiin iyo xubnaha ururka OYSU-Norway, ayaa lagu falanqeeyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee Ogadenia iyo kaalinta kaga aadan dhalinyarada difaaca iyo ka hortaga wax walba oo taabanaya qadiyadda mu’qadaska ah ee shacabka Ogadenia.

Xoghayaha  OYSU-Norway, Mudane Haruun Abdullahi ayaa ka sheekeeyey silica iyo dhibaatada uu ku hayo gumeystuhu dadkeena, hadalkan oo cadho iyo dareen wadaniyadeed ku beeray dhalinyaradii dhageysanaysay, taas oo laga dheehan karayey wajiyada dhalinyaradii kulanka fadhiyey in ay garteen waajibka qof kasta ka saran difaaca iyo u hiilinta shacabka Ogadenia ee dulman.

Sidoo kale, fadhiga dhalinyarada ayaa lagu cambaareeyey gabood falada iyo falalka waxshinimada ah ee gumeysiga Tigreegu ku hayo shacabka.Waxayna u direen baaq degdeg ah wadamada aduunka, hay’adaha xuquuqal insaanka sidii ay cadaadis u saari lahaayeen waxna ooga qaban lahaayeen taliska gabal dhacsaday ee Woyaanaha.

Mohamed Ilyas

ONA/Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay