Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogaadeeniya gaar ahaan Xarunta Dhexe ee jwxo ayaa sheegaya iuu dagaalo xoogan ka dhacay deegaano kamid ah dalka Ogaadeeniya ee ay Ethiopia gumaysato

Dagaaladaasi ayaa u dhacay sidatan:

16/01/2013 Dagaal xoogan oo si hufan loo qorsheeyey ayaa waxay Cutub ka tirasan NH/CWXO ku qaadeen Askarta gumaysiga Ethiopia iyo dabaqoodhiga hawaarinta oo ku sugnaa deegaanka Oray oo katirsan Magaalada Galaalshe. Dagaalkan oo ahaa mid aad u culus isla markaana si cilmiyeysan loo qorsheeyey ayaa waxaa askarta gumaysiga Ethiopia iyo dabaqoodhiga hawaarinta lagaga dilya in ka ban 80 Askari waxaana lagaga dhaawcay askar gaadhaysa 100 Askari.

Maxaysatadan isbahaysatay ayaa waxaa Dagaalka lagaga furtay 34 Qori oo ay kamid ahaayeen 2 Qori oo nooca daran-dooriga u dhaca ee loo yaqaan BKM-ka iyo saanada milatari oo ay kamid ahayd 30 Baylal, Daawo, Dareeska ciidanka iyo Rasas aad u farabadan.

NH/CWXO ee dalaakaan ku qaaday huwantan isu bahaysatay dhibaataynta shacabka Ogaadeeniya ayaa waxay dagaalkaasi ku soo furteen 30 maxbuus oo shacabka Ogaadeeniya ah kuwaasi oo ay askarta wayaanuhu dhibaatooyin xoogan ugu gaysteen deegaanka Oray ee Magaalada Galaalshe. Ciidankii gumaysiga Ethiopia iyo dabaqoodhiga dhidid-dhowrka u ah ayaa lasheegayaa inaysan waxba kabixin oo cagta lamariyey .

Dagaalo isdaba jooga ah oo iyaguna ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Dhaxagbuur 3,4,6 iyo 7 bishani kuwaasi oo kala ah Labiga,Salaxley,Baasuuto iyo Qansaxleeyada ayaa waxaa askarta gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 24 askari waxaana lagaga dhaawacay 32 kale

Dagaal ka dhacay 09 iyo 10 Jan 2013 Deegaanada lagu kala magacaabo Ina kooshin San-malmale oo Garbo ka tirsan ayaa waxaa ciidamada gumaysiga Ethiopia lagaga dialy 2 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.

Sida caadada u ah Askarta nacabka ah ee gumaysiga Ethiopia marka dharbaaxooyin kul kulul ay ku dhuftaan NH/CWXO laguna jabiyo goobaha dagaalka ee ay iskaga horyimaadaan iyaga iyo ciidanka qalabaka sida ee jwxo ayaa waxay ku gaydhadaan una gaystaan Tacadiyo kala duwan dadka shacabka ka ah ee aan iska difaaci Karin waxaya 10/01/2013 magaalada Gurdumi oo Awaare katirsan ku xidh xidheen dadka kalaa ah

Sakairye Xasan Cabdi

Cabdulaahi-kaafi Xaashi Cismaan

Luul Xasan Diiriey

Haybi Cabdi Colaaad

Iyo Kowsan Shugri

05/01/2013 Magaalada Dhuxuna waxaa lagu xidhay

Ardo Muxumed Xasan

Iyo Nuur Muxumed Xasan

 

Xafiiska Wakaalada Wararka Ogaadeeniya (ONA) ee  Bariga Afrika

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay