Afhayeenka Jwxo Gudoomiye Cadaani Hirmooge oo maalmahan kormeer kumarayay Pacific-ga ayaa kulan la yeeshay Jaaliyda S.Ogadenia ee Queensland Australia taariikhdu markay ahayd 21\01\13.

 Shirkan ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Jaaliyda S.Ogadenia ee Queensland Halgame Cabdi Kooreeye isaga oo umahad celiayay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay shirka qiimaha badan ee uu martida u ahaa Afhayeenka Jwxo Halgame Cadaani Hirmooge.

Gudoomiye Cabdi Kooreeye ayaa codbaahiyaha ku soo dhaweeyay Sheekh Cabdifatax oo ka Akhriyay madasha  Aayado quraan ah iyo wacdi diini ah.

Intaa kadib waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay Afhayeenka JWXO Cadaani Hirmooge, isaga oo ugu horayn uga mahad celiyay sida quruxda badan ay jaaliyadu  usoo agaasimeen shirka iyo dhamaan kasoo qayb galayaasha.

Mudane Cadaani ayaa si kooban uga hadlay Xaalada halganka uu marayo isaga oo sheegay in uu  Halganku  wakhitigan lajoogo marayo  mid aad loogu faxro  laguna  faano Guulo badana soo hooyay. Lagana midho dhalin doono Insha,Allah,  yoolka Shacbka Ogadenia waxa uu yahay inay helaan Xoriyad taam ah ayuu yiri mudane Cadaani,

Mudane cadaani ayaa sidoo kale ka hadlay heerka sare ee JWXO gaadhay isaga oo tilmamo badan ka bixiyay. Maantana qadiyada Ogadenia ay dal iyo dibadba waxay gaadhay heer aad u sareysa. siyaasada geeska Africa  qadiyada Ogadenia Doorwayn ayay  kuleedahay oo caalamku u aqoonsanyahay.

Mudane Cadaani ayaa isagoo hadalkiisii sii wata sheegay  cadawga gumaysiga Diciifka ah ee Ethiopia iyo dhidid dhawrkiisaba laga adkaaday oo gabalkoodi dhacay. Waxa uu aad ugu dheeraday Jabka gumeysiga Ethiopia heysta isaga oo sheegay in Ethiopia taliska heysta ee Woyanaha waqtigiisi dhamaaday oo riixid yar uun u hadhay.

mudane Cadaani ayaa ugu baaqay shacabka geesiyiinta ah ee Somalida Ogadeniya inay xoojiyaan halganka ay ku jiraan.

Gabagabadi shirkan ayaa su’alo laweydiiyay Afahayeenka JWXO ayaa su’alahaas kawada jawaabay.

Masuliyinta JWXO ayaa dadaalo ay kula kulmayaan shacabweynaha ogadeniya ee ku nool Qaaradaha Europe, Afrika America iyo Pacific.

ONA

Pacific

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay