Shabakadda Somalimidnimo ayaa wareysi aad u qiimi badan oo dhinacyo badan taabanaya la yeelannay halgame Axmed Muxumed Nuur oo loo yaqaano Axmed Bidhic ahn guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaaliyadda Ogaadeeniya ee Bariga Afrika – OYSU –

Wareysiga oo ka soo xiganay shabakadda SM halkan ka dhagayso.

Gudoomiyaha-Ardayda-Ogaadeeniya-OYSU-Ee-Bariga-Africa-Axmed-Muxumed-Nuur-somalimidnimo

Su’aalaha la weydiiyay gudoomiyaha OYSU/Bariga Afrika ee shabakadda ay qortay ayaa ahaa kuwan;

1- Waxaa la sheegayaa in culumo Soomaaliyeed oo dacallada adduunka ka timid iyo kuwo ONLF lagu sheegay ka qeybgalayaan Mu’tamar loogu magac daray: nabaddu waa furaha nolosha! Yaa idin ka qeybgalay haddaad tihiin ONLF?
2- Waxaa jira nin sheegta inuu yahay guddoomiyaha ONLF oo la yiraahdo Macow oo ka Addis Ababa ka degay 11-ka bisha Juun marka imisa guddoomiye ONLF leedihiin? Soow ma cadda inaad labo garab kala tihiin?
3- Ibraahim-dheere wuxuu la heshiiyey Zenawi wuxuuna yiri: hala dhigo qoriga; hala qaato yaambada iyo qalinka. Wuxuu yiri: nabad baan rabnnaa. Hadda wa kuwaas dhex mushaaxaya Addis Ababa iyo Jigjiga; marka waxaad qoriga u dhigi weydeen oo nabadduu sheegayo u qaadan weydeen?
4- Culumadii Salafiga sheeganeysay ee Soomaali Galbeed ka soo jeedday meel kastooy joogeen waxay taageereen heshiiska Zenawi iyo Ibraahim-dheere; haddeerna waxay joogaan Jigjiga marka soow dadkii idin ka raaci ma hayo culumadaas?
5- Sidii Ibraahim-dheere ula heshiiyey Zenawi waxaad mooddaa in halgankii loo soo raray NFD. Xeryaha qaxootiga waxaa lagu dilay niman ahaan jiray ONLF. Yaad ku tuhmeysaan dilalkaas?
6- Sidii Ibraahim-dheere isu dhiibay waxay Gaarisa noqotay meel dhib ka jirto. Waxaa la leeyahay Tigreegaa qunsuliyad ka furtay. Yaa u sahlay in Tigreegii Goday looga soo cararay la keeno Gaarisa?
7- Ibraahim-dheere inta Zenawi la heshiiyey buu eedeeyey sheekh Xasaan iyo Admila Maxamed Cismaan; marka nin Tigreegiina la saaxiibay; dacaayadna ku haya culumada iyo ONLF sideed u aragtaan?
8- Dadweynihii Soomaali Galbeed ee kala joogay daafaha caalamka waxaa idin ka hoos baxay niman culumo sheeganaya iyo Macow iyo kooxdiisa; marka seed yeeleysaan haddii shacabkii qurbaha joogay la idin ka qaado?
9- Waxaa la leeyahay dumar taageera ONLF oo Koonfur Afrika jooga baa kabo iyo kalo ku garaacay wadaaddo Nairobi ka tagay oo looga shakiyey inay kala furfurayaan ONLF iyo taageerayaashooda; maxaad arrintaas ka ogtahay?
10- Hadda Liyuu (New) Police waxaa loo qoray kuwa UWSLF oo dagaal idin kula jira oo yaqaan meelahaad gashaan maaddaama ay halganka idin kula jireen; marka sideed uga maadaneysaan khatartaas?
11- Waad ogeyd in Ibraahim-dheere markuu isu diyaarinayey shirka Jigjiga yimid Nairobi. Isaga iyo wadaaddo jooga Nairobi waxay dhiseen guddi jaaliyadda Soomaali Galbeed ee deggen Kenya; soow guddigaas dadka idin kama qaadin?
12- Markii Ibraahim-dheere is dhiibay; wadaaddo qurbaha joogana taageereen waa tii safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa lahaa: ONLF waa urur argagixiso; see idin saameeyey warkaas?
13- Haddaad tihiin ardada iyo dhallinyarada ONLF waxaa idin ku soo noqonaya wadaaddo uu ina Iley iyo kaadiriin kale wax u soo akhrisay oo ku kala noqonaya qaaradaha adduunka si ay dadka idin ku diraan; maxaad u diyaarsateen?
14- Maxaad kala socotaan in Ibraahim-dheere isu diyaarinayo inuu noqdo wakiilka Zenawi u xukuma Soomaali Galbeed (booska ina Iley)?
15- Ma jirtaa in ciidamo ONLF la socdaan Axmed-madoobe oo meeshii la rabay inay iska ceshaan Zenawi; la dagaalayaan Wilaayooyinka Islaamka?
16- See la idiin aaminayaa haddii Ibraahim-dheere Zenawi soo wato; Axmed-madoobe Kenya dagaal gelineyso, Gaandina Faransiis u shaqeeyo; Macow oo guddoomiyaha ONLF sheeganayo Addis Ababa joogo; soow la idiin qaadan ma hayo inaad shisheeye u wada shaqeysaan?
17- Faroole iyo Siilaanyo waxay u shaqeeyaan Itoobiya oo Itoobiya ayey idin dhiibi jireen, Sidii u aragtaa wadaado kayimid Somaliland iyo Puntland in ay tagaan Jigjiga miyey ku faraxsan yihiin in Amaxaarada lawada hoos galo?
17- Maxaad u soo jeedineysaa shacabka Soomaali Galbeed

 
 

1 Comment

  1. guulwde says:

    salan sare mudane axmed runtii wraysi aad uqiimabdan ayaad bixisaye halkaa kasiiwayd

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay