Shalay oo tariikhdu ahayd 22-1-2013 ayay xubno ka socda Ururka Dhalainyarada iyo Ardayda Ogadenya OYSU faraca X/dheer iyo xubno kasocda gudiga jaliyada S.Ogadenia kulan la yeesheen haya’ada NRC qaybta X/dheer.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah oo la sugayay ayaa waxa ka soo qaybgalay ergooyin ka socda haya’daha kale ee xerada. Haya’dan NRC waxay si toos ah oola wareegtay isbitaalada Ifo iyo X/dhere.

Arima farabadan oo muhiim u ah shacabka S.Ogadenya ayaa laga wada hadlay. Waxaa ka mid ahaa qodobada sida aadka looga hadlay inay haya’ddan NRC qayb ka qaadato sidii dhibaatada shacabka S.Ogadenia uu ku hayo gumaysiga Itobiya ay haya’dani u gaadhsiin lahayd caalamka intiisa kale. Sidoo kale inay  hayada NRC wax ka qabato una gudbiso dunida dadkan sida xun logu waxyeleyay xabsiyada Ogadenia sida kuwo korontada lagu qabtay, kuwa la-forariyay een hada caadiga lagu tirinkarin iyo dhibaatooyin kale oo fara badan oo ka muuqda jidhkooda, wayna balan qaday NRC iyo madaxa dhakhtarka maskaxda ee xerada X/dheer oo isna goobjoog u ahaa waxyaabo badanoo uu indhihiisa uu ku arkay.         

max’ed c/wali ifo/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay