Shalay oy taariikhda ahayd 24-1-2013ka ayaa dadweyne farabadan oo  ka mid ahaa dadkii ka soo qaxay Ogaadenia ay banaanbax balaadhan oon rabsha lahayn ka dhigeen xerada qaxootiga ee Xagardheere. Dadkan dalkoodii laga soo barakiciyay aydaa ku dhaqayay halku dhagyo faraba sida waanu ka soo daalay jeel , xoriyad baan rabnaa iyo halku-dhigyo lamida.

Banaan-baxayaasha ayaa waxay ka cabanayeen inaan dib loogu celin Ogadenya inta uu gumaystuhu joogo dalkooda ayadoo baryahanba ay jireen iskudayo uu gumaysiga ka dambeeyo sida dilal qorshaysan iyo qaraxyo abaabulan oo dalka Kenya meela ka mid ah laga fuliyay. Arintaa ayaa keentay hadal ah in qaxotiyada jooga dalka Kenya dib loo celiyo.

Waxaa joogay warbahinta oo gaadhsiiyay haya’adaha ay qusayso cabashooyinkii banaanbaxayaasha oo  ku soo dhamaday guul iyo nabad

Max’ed C/wali Ifo/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay