Jaaliyada Ogadeniya ee Magaaalada London ayaa maanta isugu timid shir aad loosoo aggaasimay oo ay kasoo qeyb galeen Xubnaha Jaaliyada magaalada london. shirkan oo ka dhacay Xarunta Jaaliyada waxaa Jaaliyadu ay kula hadashay warbaahinta caalamka oo ay u gudbisay Qadiyada Ogadeniya iyo dhibaatooyinka gumeysi ee haysta shacabka somalida Ogadeniya ee qaxootiga ku ah daafaha Adduunka.

Sidoo kale waxaa shirkan oo ahaa shir bilihi jaaliyada kasoo qeyb galay Hoggaanka HAAB Xaaji Maxamed Cabdi Yaasin iyo Gudomiye ku xigeenka labaad ee Warfaafinta Dr Badal Xassan oo safar shaqo ku jooga wadanka UK.

Jaaliyada Ogadeniya ee London ayaa kulankan saxaafadeed kasokow qiimeyn ku sameysay Dhaqdhaqaaqyadi Jaaliyada ee Bishan dhamaadka ah ee January shhaqooyinki badnaa ee la fuliyay  oo isugu jira Banaanbaxyo iyo qoraalo cabasho oo looga hadlayay gumeysiga iyo dhaqaalaha uu ka helo dowlada wadanka UK. dhaqaalahaas oo ah mid lagu geysto xasuuq islamarkaasna loo adeegsado arrimo siyaasadeed.

Jaaliyada ayaa shirkan kusoo gunaanaday in la xoojiyo cabashooyinka iyo dacwadaha dhanka ka ah Gumeysiga iyo lacagaha ay ka helaan dolwada Wadanka UK.


 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay