Wararka ka imanaya Xarunta dhexe ee JWXO oo is-dabajoog ah ayay naloogu sheegay inay CWXO qaadeen weearar meela kala duwan oo dalka gudihiisa ah ka socda. Warbixintii aan goor dhaweyd ka helnay ayaa u qornayd sidan;

Deegaanka Araweelo oo Wardheer ka tirsan weerar qorshaysan oo ay cutub katirsan NH/CWXO ku qaadeen askar gumaysi oo deegaankaasi ku sugnayd 19/01/2013 ayaa waxaa askarta daalan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 10 Askari waxaana lagaga dhaawacay 15 kale

22/01/2013 Tuulada lagu magacaabo Cawl oo Shilaabo ka tirsan ayaa waxa uu dagaal xoogani ku dhex maray Askarta kawada tirsan gumaysiga Ethiopia, waxaana dagaalkaasi oo mudo socday ay isaga dileen 10 Askari waxayna isaga dhaawaceen 15 kale

22/01/2013 Deegaanka lagu magacaabo Baladul-Aamiin oo Fiiq katirsan waxaa lagu dilay hal askari oo kuwa gumaysiga Ethiopia ah

14/01/2013 Farjanno oo Dhuxun ka tirsan dagaal ka dhacay waxaa ciidamada mooraalka jabasan ee gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 1 Askari waxaana lagaga dhaawacay 2kale

Waxaa iyaguna dagaalo ka kala dhacay 25,26,17,21 iyo 22/01/2013 deegaanada kala ah Dhiijaan-galool oo galaalshe katirsan,Geed-dheeroo Awaare katirsan,Karaa-orbo Miidhaa katirsan, Orga oo Fiiq katirsan iyo Maygaag wayne kuwaas oo askarta gumaysiga Ethiopia loogu gaystay khasaare xoogan.

Waxaa kaloo jira in 23/01/2013 ay malayshiyada dabaqoodhiga Hawaarinta ee ku caanbaxay xasuuqa iyo dhibaataynta dadka shacabka ah ay weerar ku qaadeen shacab Oromo ah oo ku sugnaa deegaanka lagu magacaabo Gabayre oo u dhexaysa magaalooyinka Fiiq iyo Baabili, Maleeshiyadan duulaanka dulmiga ah qaaday ayaa lasheegayaa inay iska difaaceen shacabkii ay weerarka ku qaadeen iyagoo halkaasi lagaga dilay sida naloo xaqiijiyey 20 Askari oo hawaarinta ah waxaana lasheegayaa inuu jiro tiro dhaawac ah oo aan wali si rasmi ah loo hayn tiradooda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay