Shir lagu qiimeynayay Waxqabadkii iyo qorshayaasha Ilays TV 2003 ayaa maanta ka dhacay Xafiiska Ilays TV ee London. Kulankan waxaa  kasoo qeyb galay Dr Badal Xassan oo ah gudomiye Ku xigeenka labaad ee haayada Warfaafinta.

Kuilankan ayaa ugu horeynti waxaa furey Gudomiyaha Jaaliyada Ogadeniya ee London mudane Ismaciil oo xog waran kooban ka bixiyay xaaladaha Halganka gaar ahaan dhinaca warbaahinta isaga oo amaan badan usoo jeediyay waxqabadka Ilays TV iyo maamulka wanaagsan ee haayada Warfaafinta oo uu ku sheegay in isbadal xoog badan laga sameeyay dhinaca warbaahinta halganka Somalida Ogadeniya. gudomiyaha ayaa ku dhiiri galiyay si gaar ahaaneed xubnaha ka shaqeeya warfaafinta gaar ahaan Ilays TV inay dadaalkooda halkaas ka wadaan oo ah mid lagu diirsaday.


Kadib waxaa kulankan si cilmiyaysan loo soo bandhigay waxqabadkii Ilays TV ee sanadkii 2012 iyo barnaamijyada ay Ilays fulin doonto Sanadkan 2013. qorsahayaashaas oo doodo lagasameyay aragtiyona laga bixiyay waxaa la ansixiyay qorshaha Ilays ee 2013 oo lagu soo kordhiyay Barnaamijyo tayo leh oo xiiso badan galin doona Bulshada jecel halganka ama u ooman Xogta dhabta ah ee dhulka iyo shacabka Somalida Ogadeniya.

Shirkan oo uu qeyb ka ahaa gudomiye ku xigeenka labaad ee warfaafinta Dr Badal Xasan ayaa sidoo kale waxaa gudomiye ku xieenku soo bandhigay qorshaha guud ee Warfaafinta isaga sawir faah faahsan ka bixiyay yoolka guud ee warfaafinta. Gudomiye ku xigeenka Hogaanka warfaafinta ayaa sidoo kale amaan usoo jeediyay shaqaalaha guud ee ka shaqeeya Qeybaha warfaafinta sida Idaacadaha, Ilays TV, WFFO  iyo ONA isaga oo ku amaanay dhabar adeyga iyo firfirconida ay muujiyeen sanadkii 2012. sidoo kale waxa uu amaan usoo jeediyay warbaahinta taageersan halganka Shacabka Somalida Ogadeniya ee sida tooska ah ugu adeegta shacabkaas dulman sidii cod ay ugu noqon lahaayeen.

Ilays TV o ah TV hanweyn loo qabo islamarkaasna ah muuqaalka kaliya ee Maqal iyo muuqaal kusoo bandhiga shacabka Ogadeniya ee Gumeysiga madow ku hoos jira ayaa hoosta maanta kulankoodi si heersare ah ugu soo dhamaaday Magaalada London ee Wadanka UK.

Halkan ka fiirso barnaamijyada Ilays TV:

www.ilaystv.com

Sidoo kale booqo Webpageka ay ku leeyihiin Facebook. ( https://www.facebook.com/Tvilays )

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay