Waayadii hore oo wadaadada lagu tuhmi jiray in maslaxadooda iyo midda reerkooda un ka shaqeeyaan ayaa gabadh la weydiiyay; ragga iyo dumarka yaa badan? Gabadhii waxay ku jawaabtay iyadoo ka tarjumaysa waaya-aragnimada ay heshay intay noolayd; Wadaadada hadii lagu daro dumarkaa badan. Sababtoo ah; wadaadada waayadii hore reer iyo duunyo toona wax uguma filnayn, mid walba wuxuu dul saar ku ahaa qoyska uu la dagan yahay. Waxaa hubaal ah, qolyaha ku soo shiray Jigjiga ee soo saaray bayaanka la wada arkay inay culumadii ceeb u soo jiideen (waa haddii ay culamada kale ku raacaan), oy dib ugu celiyeen inay dumarka ku raajixiyaan cadadkooda.

Maanta arintii oo la casriyeeyey umbay qaarkood wadaan. Laga bilaabo 80maadkii qarnigii tagay ayay wadaadada waxay dhex dabaasheen khayraadkii Sacuudiga oo siyaabo kala duwan loo siin jiray. Qaar ku qaata Zaka ahaa, qaar loo siiyo hab siyaasadeed oo ka soo horjeeda siyaasadihii waayadaa is-jiidhayay, qaar ku soo qaata samafal iyo agoon ayaan wax siinaa. Arimihii sidaa ahaa waxay keeneen inay wadaadadii badankood afkii ka weynaado oo xishoodkii ay ka tagaan, oo marka la yidhaahdo u kaadiya ay u qaataan in laga horjoogo oo loo diidan yahay maal iyo mansab.

Waxaan horey u sii saadaalinay bayaanka laga doonayo inay soo saaraan culumada uu Cabdi iley isugu keenay Jigjiga isagoo adeejinaya Ibraahim dheere. Waxaa kaloo aan sii sheegnay ujeedada laga leeyahay bayaankaa inuu yahau si loogu xalaaleeyo gumaysiga ciidda Ogadenya, meesha kuwa soo qaban qaabiyayna loo ballan qaaday xoogaa lufluf ah, ilowse ugu filan inay bulshada gaajaysan ku xukumaan.

Bayaanka ay wadaadii la shirayay soo saareen oo ah mid ka soo baxday oo nuxurka laga soo diyaariyey xafiiska sirdoonka Itobiya (hadaanay ereyada sooba qorin), waxay muujinaysaa niyad-jabka haysta Itobiya iyo adeegayaasha u jooga magaalada Jigjiga ee culumada la’isugu keenay.

Waxyaabaha qosolka leh waxaa ka mid ah habka ay Itobiya u fikirayso ood moodo inay la hadlayso dad caruur ah oon ABC aan ka aqoonin siyaasadda ama aan xog-ogaal u ahayn talaabooyinka ay qaadayso Itobiya.

Bayaanka marka laga tago hadalada qurxinta ah ee culumada ay caadi ahaan u adeegsadaan (Alle halaga cabsado look ala hadhi waa), waxaa loogu talagalay siyaabihii aan ogayn, Itobiyana ay ku soo caana maashay. Hadafka Itobiya waligiiba midkaa umbuu ahaa, wadaadada la soo shiriyayna wadadaa mid aan ahayn kumaba hadli karin iyagoo dhex jooga meel ay u muuqato xerada ciidanka Itobiya. Hadafka Itobiya oo ah mid gumaysi wuxuu ahaa inay u sawirto qadiyadda Ogadenya inay Itobiya banaanka ka tahay sidaa darteed, bayaanka culumada (kuwa lagu sheegay ) waxaa lagu waaninayaa koox ay ugu yeedheen; Dowladda Deegaanka oo siday u qoreen aan dagaal wadin, dhibaatana aan dadka shacabka ku haynin, oy kula taliyeen inay cadaaladda iyo garsoorka ilaaliyaan (Cabdi iley ayaan ka ah qaadi) oy daryeelaan waayeelka iyo caruurta iyo dadka tabarta daran .. (haweenka, caruurta, naafada, dadka la hayb sooco, dadka laga tirada badan yahay IWM). Iyo koox kale oy ugu yeedheen; Dadka dagaalka wada (ma odhan karaan ONLF oo Cabdi iley ayaa horfadhiya), oy ku yidhaahdeen nabadda qaata (siday isu dhiibeen Ibraahim dheere iyo xoogaagii la socday isu-dhiiba), oo dadka shacabka ah u tura (taasoo macnaheedu yahay hadaad is-dhiibi weydaan ciidanka Itobiya ayaan ku fasaxnay shacabka). Dawladii Itobiya ee gumaysiga ahayd ee dalka ka talisay ee dhibaatada oo dhan ka dambaysay, ee meesha lagu shirinayay wadaadada ay u muuqato xeradooda, ereyna laguma odhan, loogumana yeedhin dabcan culumada shireysay inay arintaa soo hadal qaadaan.

Inahaasoo idil horaa loo ogaa oo cidna kama qarsoonayn, waanan siiba sheegnay in bayaanka soo bixi doona uu labadaa qaybood un ka koobnaan doono marka laga yimaado (ItaquLaah), Ilaahay ka cabsada. Hadafka loo shiriyay wadaadada ee bayaanka ku xusan waa un in Itobiya eedda dadka shacabka ahee ciidankeeda ay laynayaan iyo dhamaan tacadiyada laga dul qaado oo dusha laga saaro jabhdda ONLF ama kuwa dagaalamaya (sida la yidhi u dhaha) ee diiday inay is-dhiibaan un weeyaan nuxurka dhabta ah ee bayaanka.

Aadanaha hadaanu Ilaahy ku xidhnayn oo aanu abaalkiisa doonaynin waxaa dhaqaajiya maslaxad. Hadaba maxay tahay maslaxadda ku jirta shirkan, yaase ka dambeeya? Xaqiiqada dhabta ah ee noqotay hadda banaan oolka waa maslaxad shirkadeed. In beeraha iyo shidaalka lagu mataaneeyo oo loogu soo gabado diinta.

Waxaa Ogadenya dhareerka u daadinaya Sh. AlCamuudi oo ah maalqabeen Sacuudi ah oo dhul badan ka iibsaday gobolada Oromiya iyo Gambella oo adeegsanaya wadaada ka taajiray suuq Islee Mall ee Nairobi oo doonaya inay aasaan qadiyadii shacabka Ogadenya ee xoriyad doonka ahayd. Horaase loo yidhi hunguri wax ka weyn la galiyaa wuu dilaacaaye, nimankaasi waxaa la gudboon inaanay faraha la soo galin qadiyadda shacabka Ogadenya hadii kale dabka ka holcaya umbaa faraha ka gubi doona.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay