Waxuu idiin soo bandhigayaa Machadka IHASA Dood-Cilmiyeed lagaga hadlayo waxyaabaha lagala kulmo nidaamka Federaalka iyo xukuumadaha ku dhaqma waxay ka faa’ideen.

Sidaad la socotaan waxaa ka dhacay Somaliya dagaal sokeeye oo lagu burburiya Qarankii Somaliyeed iyo dawladnimadii. Waxaa khatar galay dareenkii umadnimo iyo in dawlad iyo xukuumad loo wada dhan yahay lagu midoobi karo. Waxaa badalay dareen gobolaysi ah iyo inuu gobol walba ka madaxbanaan karo dalka intiisa kale, maamul u gooni ahna dhisan karo.

Dareenkaa abuurmay iyo mudada dheer ee dagaalada sokeeye ay socdaan iyo soo faragalinta dawladaha danaha gaarka ah ka leh Somaliya, waxay keentay in loo arko nidaam Federaali ah in lagu dhiso dawladda oo lagu soo celiyo qarankii burburay.

Nidaamkaasi wuxuu leeyahay faa’iido badan iyo khatar gaar ah hadaan si fiican loo fahmin oo xukuumadda dhexe iyo kuwa goboladaba aanay ugu dhaqmin sida xeerka uu qorayo.

Mawaadiic ku saabsan xaaladda Somaliya iyo nidaamka Federaalka ah ayaa aqoon-isweydaarsiga uu soo diyaariyay Machadka IHASA lagaga hadli doonaa. Waxaana marti-sharaf ku ah aqoonyahanada ku xusan warqadda uu soo gudbiyay machadka.

Dhamaan dadweynaha Somaliyeed waxaa loogu baaqayaa inay ka soo qaybgalaan Dood-Cilmiyeedkan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay