Ururka Midawga dhalinyarad iyo Ardeyda Ogaadeenya OYSU faracayadiisa kala uu ku leeyahay caalamka ayaa ku qabtay wadamada uu laamaha ku leeyahay siminaarro & aqoon korodhsi si wanaagsan oo isku mar ah loogu qabtay daafaha aduunka. siminaarradan oo loo qabtay xubnaha ka tirsan faracyada ururka ayaa waxaa loogu tala galay sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka xubnaha si ay xubnahu aqoon ugu yeeshaan hawlaha balaadhan ee ay hawadinayaan.

Siminaarrada oo uu soo diyaariyay urur waynaha OYSU ee caalamka ayaa waxaa ka mid ahaa wadamada lagu qabtay USA,Finland,Holland, Norway, South africa, Qatar, Denmark, Sweden, Kenya & wadamo badan ee ay ku baahsanyahiin dhalinyarada ogadeenya. siminaararadan oo loo qabtay wadan wadan ayaa si midaysan uga dhacay dalalka aduunka ee ay ka jiraan laamaha ururku leeyahayiyad iyadoo muujinaysa midnimada dhalinyarada ogadeenya ay maanta ka midaysan yahiin fikirka. Siminaarkan ayay jeedadiisu ahayed Wacyigalinta Dhalinyarada Ogaadeenya ee ku nool wamada aduunka & Aqoon kordhi si loo tayeeyo garaadka xubnaha iyo kartida dhalinyarada ay u leeyihiin gudashada waajibaadka saaran. Shirarkan ayaa waxaa kasoo qayebgalay Aqoonyahano, Culumo-awdiin, Siyaasiyiin iyo Wax garad, ku waasoo si wayn u soo dhawaayey kacdoonka ay dhalinyarada Ogaadeenya ka wadaan dacalada aduunka. siminaaradan ayaa waxaa hawadinayay xubno si gaar ah loogu xilsaaray qabashadooda,iyadoo la is tusay la isuna dardaarmay dhalinta iney dardar galiyaan shaqooyinka maanta miiska usaaran iyo sidii ay aqoontooda kor ugu qaadi lahaayeen. Masuuliyiinta OYSU iyo Marti sharaf lagu marti qaaday inay ka jeediyaan hadalo shirarkan ayaa si wanaagsan ugu kordhiyay walaalahooda waxyaabahii ay bidayeen inay ku dhamaan.

Shirarka ayaa lagu soo bandhigay arimo ay kamid yihiin Taariikhda Ogaadeenya, Xuquuqul insaanka ogaadeeniya, ku baraarujin ururnimadu dhalinta, dood cilmiyeeedyo & wada shaqaynta ururka OYSU iyo Jaaliyadaha Ogaadeenya. arimahan oo si xeeladaysan loo soo diyaariyay ayaa u dhacay si wanaagsan,iyadoo lagu soo bandhigay qoraalo,muuqaalo & khudbado xiiso gooni ah lahaa. Siminaarradan oo ahaa kuwo ay aad uga faa’ iidaysteen xubnihii loogu tala galay munaasabadan taariikhiga ah ee ka dhacday aduunka oodhan ayuu ujeedada ugu wayn ee looqabtay ahayd wacyigalinta iyo kobcinta tayada dhalinyarada Ogadenya ee kunool aduunka, isla markaana fursad usiiyay inay dhalinyaradu si hufan uga doodaan una qaadaa-dhigaan xaalada qalafsan ee maanta uu kusugan yahay dalka & dadka Ogaadeenya

Dhanka kale waxaa siminaarkan kaalin laxaadleh ka qaatay hawl wadeenka iyo maamulada jaaliyadaha Soomaalida Ogadeenya oo siwanaagsan ugu dhiirigaliyay dhalintii inay xoojiyaan gacmahana isqabsadaan siday kaalintooda kaga aadan halganka uga qayb qaadan lahaayeen. Wariyaasha ONA ee ku kala sugan wadamada ay ka dhaceen siminaarada ayaa xaqiijinaya in dhalinyarada ay isla qaateen hoostana ka xariiqeen in lagaadhay xiligii ay cadawga dulmiga iyo xaq darrada kuhaysta Ogadenya yur la,iska dhihi lahaa dhalintuna kaalintooda kaga aadan halganka si hagar la’ aan ah uga qayb qaadan lahaayeen.

ONA.

 
 

1 Comment

  1. aaran says:

    WAAAW nice website, good job

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay