Ogaden News Agency (ONA)

Gudoomiyaha JWXO oo tacsi u diray eheladii Suldaan Cabdi C. Sonkor iyo dhamaan shacabka Jubadaland

Inaa Lilaahi Wa-Inaa Ilayhi Raajicuun:

Geeridu waa Xaq. 

Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca shacabka S.Ogadenya, iyo dhamaan xubnaha JWXO iyo N/hurayaasha CWXO waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa eheladii uu ka geeriyooday Suldaanka iyo dhamaan shacabka Jubbaland. 

Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu dambigisa dhaafo, janadana uu ugu deeqo. Dadkii uu ka tagayna uu Ilaahay ka siiyo sabir iyo iimaan.

Suldaan Cabdi Cali Sonkor wuxuu ahaa suldaan taariikh ku leh gobolada Jubooyinka oo waqti aad u xasaasi ah ku soo aaday. Waxaa la caleema saaray 1990, sidaa darteed intay dagaalada sokeeye ka socdeen Somaliya wuxuu ahaa Suldaanka beeshiisa, wuxuuna ku guulaystay inuu si xilkasnimo iyo geesinimo ay ku jirto oo kaga samata bxiyo beeshiisa dhibaatooyinkii ka taagnaa Somaliya. Taariikh dheer oo ifaysa ayuu kaga tagay Suldaanka gobolada Jubooyinka iyo guud ahaan Somaliya. 

ONA.

Short URL: http://www.ogadennet.com/?p=20007

Posted by on Feb 1 2013. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

ONA Traffic

Visitors

  • Last 24 hours: 8,102
  • Last 7 days: 59,538
  • Last 30 days: 245,837
  • Online now: 19
Traffic Counter
Log in | Copyright © 2009 - 2011 ogadennet.com